Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: from now on capital will be secured by police

Recommended Posts

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka hadashay Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali ah oo ka baxay Fariisimo ay Muqdisho ku lahaayeen

 

Arbaco, January 30, 2008(HOL): Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Muuse Nuur Amiin oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ayaa shaaca ka qaaday sababta Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya looga saaray fariisimo ay ku sugnaayeen oo Muqdisho ku yaala.

 

Wasiirka waxaa uu sheegay in sababta Ciidamadaas looga saaray xeryihii ay ku jireen ay tahay sida uu u yiri u daneynta bulshada, si ay dadka u helaan xoriyad ay ku socdaan, wuxuuna carrabka ku dhuftay in Ciidamadaas la geynayo xeryo gaar ah oo uusan xusin halka ay ku yaaliin.

 

“Sida aad la socoteen Ciidamada waxay deganaayeen meelo magaalada dhexdeeda ah oo ay dad deganaayeen, marka waxaa lagama maarmaan noqotay in dadka culeyska laga qaado”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Muuse Nuur Amiin oo shacabkana dhankiisa ugu baaqay in ay Nabadgelyada kala shaqeeyaan Dowladda, isla markaana ay sheegaan dadka nabadeglyo-darrada wada.

 

Wasiirka oo wax laga weydiiyay goorta ay Ciidamada ku harsan gudaha magaalada ay ka bixi doonaan waxaa uu sheegay in Ciidamadaas laga maarmi doono marka nabadgelyada la sugo. “Ciidamada sida lagu yaqiinay waxay howlgeli doonaan marka ay yimaadaan wax weyn inta ka horeysana waxaa howsha nabadgelyada sugi doona Ciidamada Booliska, mana jiri doono culeys dambe oo ay Dadka ku qabi doonaan Ciidamada degan xeryaha ku yaala magaalada gudaheeda”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha oo intaas ku daray in la furi doono guud ahaan Waddooyinka Muqdisho.

 

Hadalka Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay iyo xalay ay Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira ay ka baxeen fariisimo ay ku lahaayeen Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Degmada Hodan, inkastoo ay jiraan Ciidamo weli ku sugan xeryo ku yaala gudaha Magaalada Muqdisho.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warbixin: Ciidamada Itoobiya Oo Ka Baxay Fariisimo Muqdisho Ku Lahaayeen Iyo Banaanbaxyo Arintaasi Lagu Soo Dhaweynayo Oo Dhacay

Posted to the MOL January 30, 2008, 8:31 am

 

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ay socdaan dhaqdhaqaaqyo ay ciidamada Itoobiya kaga baxayaan fariisimo dhowr ah oo ay ku lahaayeen Muqdisho .

Ciidamada Itoobiya ayaa habeenkii xalay ka baxaya fariisinadii ay ku lahaayeen wasaaradii hore ee Gaashaandhigga iyo xerada Maslax iyadoo lagu waramay in gaadiidka dagaalka oo ay ku jiraan kaarayasha laga saaraya halkaasi .

 

Goob joogayaal ayaa inoo xaqiijiyay in la arkayay gawaarida dagaalka iyo ciidamo badan oo ka baxaya labaadsi xarumood kuwaasi oo aan la helin halka ay ku wajahan yihiin. Lama helin wax war ah oo kua aadan sababta iyo xiliga iminka ku soo beegtay in ciidamada Itoobiya laga dhimo magaalada Muqdisho .

Ciidamadii Itoobiya ee iyana ku sugnaa xayla Bariise degmada Hiliwa ayaa isugu soo uruuray warshada baastada iyadoo gudaha warshaadana la sheegay in gaadiidka ku jira ay diyaar yihiin.

 

Dowlada KMG saraakiil u hadshay ayaa faahfahin ka bixin waxa dhacaya waxa ayna ku goobeen in aan lagu mashquulin ciidamada Itoobiya ee la eego wadooyinka la furay. Ciidamada Dowlada KMG ayaa iyana xalay ka baxay qeybo ka mid ah degamada Hodon iyadoo ay isugu uruureen xarunta Villa Baydhaba .

Xaruntii hore ee gaashaandhigga ayaa la rakayay iyadoo ay sii galayaan ciidamo dowlada KMG ah waxaana xusid mudan in ciidamo aan badneyn ku hareen gaashaandhigga iyo xerada maslax. Dadweyne ka war helay ka bixitaanka ciidamada Itoobiya ayaa saaka ku dhaawaday wasaraada gaashaandhiga halkaasi oo ay kala socdeen dhaqdhaqaqayada laakiin rasaas lagu soo furay aya sababatay geerida hal qof.

 

Warshada baastada oo in muddo aageeda aan loo dhawaan ayay dadka qaarkii saaka u dhawadeen rasaas la soo huwiyay ayaa waxa ku dhaawacmay hal qof . Lama oga ujeedka ka dambeya arintaani waxaase jira warar sheegaya inay arintaani la xiriirto wadahadlo nabadeyn ah oo u bilowday dowlada KMG ah iyo kooxaha hubaysan ee ka soo horjeeda. Banaanbaxyo aan sida au weyneyn ayaa laga dhigay goobaha dadka ku bara kaceen inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye kuwaasi oo u dabaal degaya sida deeganaadooda ciidamada Itoobiya uga baxeen.

 

Neefta ka soo foqday dadka Muqdisho ayaa si wanaagsan ukala cadaaneysa maalamaha soo socda iyadoo muddo laba bil ka dib maanta furan tahay wadada wadnaha. Waxaa arintaani kala cadaan doontaa asbuucyadaan soo socda iyadoo dowlada qaaday dhowr tilaabo oo ay wax kaga qabanayso qodobo la sheegay inay qiil ka dhiganayeen kooxaha dagaalka ku jira. Asbuucaan ayay ahayd markii dowladu soo daysan siyaasiyiin uu ku jiray Axmed Diiriye oo sheegan jiray afhayeenka beelaha ******.

 

Haddii dagaalka Muqdishu sii socdo waxaa cadaan doonta in kooxahaasi aysan dhab ka ahayn nabad laga helo Somaliya.

 

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this