Sign in to follow this  
General Duke

Galkacyu city elects new mayor..

Recommended Posts

Gaalkacyo: Duqii degmada Gaalkacyo oo galabta la doortay.

Sabti, November 18, 2006

 

Gaalkacyo ayaa waxaa maanta ka dhacday doorashada gudomiyaha golaha deegaanka degmada Gaalkacyo ahna duqa degmada.

 

Doorashadaasi ayaa waxaa goobtii ay ka dhacaysay ayaa waxaa goob joog ka ahaa dad wayne, wax garad, Wasiiro, Xil dhibaano ka socda baarlamaanka Puntland, Haween, iyo saxaafadda gudaha.

 

Xasan C/lle Hiraabe oo ahaa ku simihii duqa degmada Gaalkacyo ayaa halkaasi hadallo ka jeediyay isaga oo sheegay in ay doorashadani mudooyin badan dib u dhacday balse ay maanta suuro gashay.

 

Waxaa kaloo isna halkaasi ka hadlay gudoomiyaha gobolka Mudug waxaana uu sheegay in uu la shaqaynayo ciddii ku gulaysata doorashadaasi.

 

Doorashadaasi aya waxaa u taagnaa xilka gudoomiye nimo laba mudane oo kala ah Xill, Saleebaan Xaaji Cabdalle iyo Xill, Muxiyadiin Cabdi Biixi.

 

Wasiirka dawladaha Hoose ee Puntland oo doorashadasi gudoomiye ka ahaa ayaa waxa uu sheegay in doorashadu ay u dhacayso hab gacan taag ah.

 

Mudanayaasha golaha deegaanka oo gaarayay illaa 27 mudane oo ah inta uu ka kooban yahay golaha deegaanka ayaa codkooda halkaasi ka bixinaysay.

 

Ka gadaal markii ay akhriyeen ajandayashooda wax qabad ayaa xildhibaanada galaha deegaanku waxa ay bilaabeen in ay u gacan taagaan mudanaha ay dooranayaan.

 

Mud. Saleeban Xaaji Cabdalle oo ahaa musharaxa koowaad ayaa waxa uu helay 6 cod.

 

Mud. Muxiyadiin Cabdi Biixi ayaa isna waxa uu helay 18 cod.

 

Waxaa cod bixinta ka aamustay 2 cod oo aan wax cod ah bixin, iyada oo sidaasi uu duqa degmada Gaalkacyo ku noqday Mudane Muxiyadiin Cabdi Biixi.

 

Doorashadaasi oo muddo la sugayay ayaa waxa ay ku soo gaboowday jawi aad u her sareeya.

 

Mahad Jama Koronto

AllPuntland

 

 

 

 

 

 

 

Related Articles

Share this post


Link to post
Share on other sites

Doorashada Duqa Dagmada Galkacyo oo galabta lagu soo gababeeyay Hoteel Galkacyo

Posted to the MOL November 18, 2006, 11:48 am

 

 

Doorashadii Duqa degmada Galkacyo ahna Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Galkacyo ayaa maanta ka dhacday hoteelka Galkacyo Hoteel ee kuyaala Bartamaha Magalada Galkacyo.

 

Doorashada oo bilaabatay 4:00PM ee maanta waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Reer yimiga Cali Cabdi Awaare ahna xubinta ugu saraysa ee uqaabilsan Puntland dhanka doorashooyinka Golaha Deegaanka iyo Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Coll. Carays doorashada ayaa ku bilaabatay jawi aad udagan.

 

Golaha Deegaanka Degmada Galkacyo oo ka koobnaa 27 Xubnood ayaa soo wada xaadiray marka laga reebo hal xubin oo ku maqan wadanka dibadiisa, iyadoo ay isu soo sharaxeen jagadaas laba mudane oo kala ah

 

 

1- Muxiyadiin Cabdi Biixi

 

 

2- Saleebaan Xaaji Cabdalle,

 

 

kadib waxaa bilaabatay codbixinta waxayna u kala heleen Codadka sidatan.

 

 

1-Muxiyadiin Cali Biixi wuxuu helay 18 Cod.

 

 

2-Saleeban Xaaji Cabdalle wuxuu helay 6 Cod

 

 

Waxaa ka aamusay 2 cod

 

 

Iyo Hal cod oo Dalka dibadiisa ku maqnaa.

 

 

Markii dooshadu dhamaatay ayaa waxaa halkaas lagu soo dhaweeyay Sii hayihii Xilkaas Duqa degmada Galkacyo Mudane Xassan Cabdi Hiraabe(Xassan wayne) isagoo sheegay inuu xilkaas ku wareejin doono Muxiyadiin Cali Biixi oo ah ninka hada ku guulaystay Booskaas iyadoo la filayo in xaflad xilwareejin ah ay ka dhici doonto Xarunta Gobolka Maalmaha soo aadan.

 

 

Maxamed C/qaadir Awkhalaf

Galkacyo, Puntland, Somaliya

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this