Sign in to follow this  
General Duke

MOGADISHU: Charcoal trade continues.courts ban??...

Recommended Posts

MUQDISHO: Maraakiib lagu rarayo dhuxul oo ku xiran Dekedda Ceel-macaan xilli Maxkamaduhu ay amar ka soo saareen Arrintaas

Posted to the Web Sep 27, 11:51

 

 

Muqdisho (PP) - Ugu yaraan 5-markab oo lagu wado inay ka qaadaan Dhuxul ayaa ku xiran dekedda Macmalka ah ee Ceel-macaan, waxaana wararka ka imaanaya Ceel-macaan ay xaqiijinayaan ay gaartay Dekedda Dhuxul aad u fara badan oo lagu rarayo Maraakiibtaas.

 

Maxkamdaha oo horay uga soo saaray digniin arrintaan ayaa waxay layaab iyo amakaag ku noqotay shacabka Magaalada Muqdisho, waxaana ganacsatada dhoofsanaysa Dhuxusha ay sheegeen inay ka codsadeen Maxkamadaha inay dhoofsadaan dhuxushooda.

 

Waxay sidoo kale sheegeen inay ka ogolaadeen inay dhoofsadaan dhuxusha, balse ganacsatadu waxay ka gaabsadeen inay ka hadlaan inay weligooda dhoofsanayaan iyo in kale, waxayna carrabka ku ballaariyeen inay dhoofka dhuxusha tahay mid aan istaagay cid gaar ahna aysan istaajin karin.

 

Arrintaan ayaa waxaa ka aamusay xubnaha maxkamadaha oo iyagu su'aalo ku aaddan sababta dhuxusha loo dhoofinayo ah la weydiiyay, waxaana mas'uul ka tirsan Maxkamadaha uu sheegay in dhuxushaas la dhoofinayo ay ka warhayaan aysanna haatan doonayn inay wax hadal ah ka jeediyaan.

 

Wareegtadii lagu mamnuucay Dhoofinta dhuxusha iyo biraha Iskaraabka ah ayaan weli dhaqangelin, waxaana ganacsatada Dhuxusha oo digniintaas loo jeediyay ku adkeysanayaan inaan ganacsigooda la horistaagi karin isla markaana ay sii wadanayaan.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this