Sign in to follow this  
General Duke

Sakin Gate, a new scandal for Sharif Hotel: update

Recommended Posts

abdiweli1.jpg

 

Prof.Abdiweli “…Lacag loo sameeyo Somaliya xiligan Waa dhibaato horleh….”

 

January 20, 2010Prof.Abdiweli Maxamed Ali oo cilmiga dhaqaalaha ka dhiga jaamacada Niagara university ee dalka Maraykanka ayaanu wax ka weydiinay dooda la xariirta Qorshaha DFKMG ay ku dooneyso inay lacago cusub ugu sameyso dalka Soomaaliya.

 

Prof.Abdiweli oo asagu ku takhsusay culuumta dhaqaalaha isla markaana dhaqaalaha ka dhiga Jaamacada Niagara University, ayaa ka waramaya habka caalamka ay u sameystaan lacagta iyo maareynta Dhaqaalah, asagoo ku tilmaamay “…Arrin aan munaasib ahayn… isla markaana lacagtaasi noqon doonto dhib cusub oo Soomaaliya kusoo kororta…”

 

Prof.Abdiweli ayaa ku tilmaamay dowlada Federaalka mid aan awood ullahayn inay dalka ka taliso, isla markaana aan lahayn hay’adihii hawlahan fulin lahaa.

 

Wuxuuna Prof.Abdiweli si weyn uga digay in qorshahan uu yahay mid dano gaar ah laga leeyahay, oo hadii la fuliyo noqon doona dhibaato horleh oo dalka kusoo korortay, wuxuuna Prof.Abdiweli intaa raaciyey in shacabka ay si weyn u taaban karto sicir barar ka dhaca dalka Soomaaliya oo aan heysan dhaqaale adag.

 

“…Waxa ugu xun ee dhaqaalaha ku dhici kara waa Sicir barar, xiligana shacabka tabar uma hayaan sicir barar maciishadooda ciriiri geliya….” ayuu yiri Prof.Abdiweli oo ka waramayey khatarta ay leedahay lacag si gaar ah loo soo daabaco oo suuqa la geliyo.

 

Prof.Abdweli ayaa ka hadlay habka lacagaha loo bedalo, xiliga la bedali karo, dowlada bedali karta, hay’adaha u xil saaran, cilmi baarista ka horeysa iyo qodobo kale oo badan oo la xariira dhaqaalaha dalka iyo habka loo maareeyo, waxaadna wareysiga oo dhameystiran ka dhageysna kartaan qeybta Maqalka.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

: Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Faarax Cali Jamac “Lacagta Cusub Waa Mid Ka Caaganaan Doonta Puntland”

 

January 19, 2010Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed mudane Farax Cali Jaamac ayaa waraysi uu siiyey Horseed Media kaga hadley lacagta cusub ee xukuumadda federaalku soo samaysanayso, waxaana uu si adag u sheegay in lacagtaasi tahay mid xaaraam ah oo aan Puntland ka shaqeyn doonin.

 

Wasiirka ayaa marlabaad sheegay in waddada loo maray ay tahay mid qaldan, waana wax ku dhisan damac doonid qofeed oo keliya, waxa loo soosamaysanaayona ay tahay waxa yar ee bulshadu haysato in lagu dhaco.

 

Dhegayso Waraysiga Wasiirka W/Maaliyadda Puntland Farax Cali Shire

Mudane Faarax Cali Jamac Wasiirka Maaliaydda ayaa hoosta ka xariiqey in lacagtu aysan ahayn mid soo martey waddo sharci, xitaa dawladda federaalka ayaan isku raacin, waana wax aan ku salaysneyn dhaqaalaha dalka, taas oo aan lagala tashan meelaha ay khuseyso sida Ganacsatada, maamulada sida Puntland Bangiga dhexe mana ahan mid u cuntamaysa bulshada Soomaaliyeed.

 

Wasiirka ayaa sheegay in lacagtaasi ay horseedi doonto sicir barar aad u sareeya, shilinka soomaaliguna qiime dhac uu ku yimaado, isla markaasna ay tahay mid lagu dhacaayo danyarta.

 

Faarax Cali Shire ayaa ku eedeeyay Dawladdda Federaalka inta ay dalka ka maamusho waa yaryahay mana ogola wada tashi, waxaanse u cadeynayaa in ay noqon doonto lacagtaasi mid ka caagan Puntland isla markaasna xaaraam ka ah Puntland.

 

Wasiirka ayaa sidoo kale ku nux nuuxsadey in Xukuumaddu ay haysato aqoonso Policy ah ee ma ahaysato mid la tijaabiyey, (Practice) marka la tijaabiyo waa in ay dalka xukuntaa oo waddanka maamul ahaan wax ka fulin karto, waana qalad aqoonsigaas Policy-ga ah in ay istiocmaasho si qaldan.

 

Ugu danbeyntii wasiirka ayaa u sheegay Bulshada Soomaaliyeed in ay ka digtoonaadaan waxkasta oo lagu bur burinaayo dhaqaalahooda, ayna iska ilaaliyaan wax dad gaar ah wataan, oo lagula baxaayo waxa jeebkiina ku jira

 

Todobaadki la soo dhaafey ayaa wasiirka Maaliyadda Dawladda Federalka Shariif Xassan Sh.Adam soo saxiixey samaynta lacag faro badan oo cusub taas oo isugu jirta 1000sh,so 2000sh.so 5000sh.so 10.000sh.so iyo 50.000sh.so. Hadaba ogolaanshaha baarlamaanka iyo golaha wasiirada waxaa ka horeeyay heshiiska iyo saxiixa heshiiska.

 

Gudoomiyaha Bangiga Dhexe Dr.Bashiir Ciise Cali ayaa sheegay in aysan suurtagal ahayn in waqtigan lacag cusub oo ka duwan tii hore la soo sameeyo, waxa uu ku tilmaamey laablakac, maadaama lacagta cusub ay ka horeyso in aad socodsiin karto isla markaana heshiis lagu wada yahay.

 

Haddii maamulka Puntland uu diidey lacagta cusub, horeyna ay u diideen Xisbul Islaam, alshabaabna aysan macquula ahayn in laga dhaadhiciyo, halkee ayey lacag u noqon. Mida keliya ee dawladdu ay samayn karto waa iyada oo mamnuucda samaynta lacagtii hore si ay u dabar go’do taasna waa mid aan suurta gal ahayn oo maamulkasta waa mid u sahlan in uu soo samaysto lacag, haddii aanu wax ku yeeleyn dhaqaalihiisa.

 

Maalintii shalay ayaa golaha wasiirada Dawladda Federaalku meel mariyeen samaynta lacagta cusub, Wasiirka Lacagta Inj.Yariisow ayaa sheegay in ay kala hadli doonaan maamulada dalka ka jira qaabka loo socodsiinaayo lacagta isaga oo aan xusin samaynta lacagta iyo wadahadalka midka horeeya.

 

Warar aan rasmi ahayn ayaa sheegay in lacagta cusub ay gadaal ka riixeyso mid kamid ah xawaaladaha Soomaaliya taas oo uga danleh arimo ganacsi dooneysa in ay si gaar ah uga faa’iideysato lacgtaas cusub.

 

Horseed Media

News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Eng. Yariisow "Hadalka Wasiirka Puntland wuxuu fulinayaa Ajandaha BBC-da"

 

Wasiirka Lacagta Dowladda KMG ah ee Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa si kulul u naqdiyay hadal shalay ka soo yeeray Wasiirka Maaliyada Maamulka Puntland, kaasi oo ku aadanaa Lacagta cusub ee ay Dowladda soo daabaceyneyso oo uu wasiirku ku qaadacay.

 

Eng. Yariisow ayaa ku tilmaamay hadalkaas mid fulinaya ajandaha BBC-da ee ku aadan sida uu yiri in aan la sheegin horumarka Dowladda ku tallaabsatay iyo buun buuninta wararka mucaaradka ah sida uu hadalka u dhigay.

 

"Hadalka Wasiirka Puntland wuxuu fulinayaa Ajandaha BBC-da ee ku caan baxay buun buuninta mucaaradka iyo in aan haba yaraatee la sheegin horumarka Dowladda"ayuu yiri Wasiirka Lacagta Eng. Yariisow oo sheegay in go'aanka Xukuumada ku gaartay in lacag cusub Dowladda soo daabacdo uu yahay mid Mas'uuliyad ka saaran.

 

 

Eng. Yariisow ayaa sheegay in ay Dowladda kalsooni ku qabto shacabka iyo Maamulka Puntland, waxaana uu carabka ku dhiftay in Lacagta ay Dowladda soo daabaceyso ay tahay mid lagu bad baadinayo shilinga Soomaaliya oo bur bur ku dhow.

 

Waxaa uu sheegay in dadaalka ay Dowladda wado uu yahay mid ballaaran, isla markaana lagu bad baadinayo Lacagta Soomaaliga, oo haatan uu sheegay inuu u weyn yahay Kun Shiling una yar yahay.

 

Mar uu ka hadlay go'aanka Golaha Wasiirada ku baas-gareeyeen in lacag cusub ay soo daabacato uu ahaa mid la isla gartay oo aanu jirin cid ka hor timid, waxaana uu tilmaamay in dhowaan daraasad lagu sameynayo qaabka loo suuq geynayo.

 

Wasiirka Lacagta ayaa meesha ka saaray in lacagtaas ay sababto sicir barar, waxaana uu ****olka ka qaaday in guddi kormeer la sameyn doona, kuwaas oo u gogol xaaraya sidii dalka oo dhan loo gaarsiin lahaa.

 

Hadalka Wasiirka Lacagta Eng. Yariisow ayaa ku soo aadaya xilli shalay Wasiirka Maaliyada Puntland Faarax Cali Jaamac uu been abuur ku tilmaamay lacagtaas, isagoo sheegay in aan laga qaadan doonin deegaanada Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this