Kamaavi Posted January 26, 2010 Dhamaan ama intooda badan xaafadaha magaalada Addis Ababa ayaa saaka ku waabiriistay baadhitaan qaatay mudo dheer iyadoo dhamaan dadkii joogay xaafadaha baadhista lakulmay ee soomalida ahaa loo taxaabay xabsiyada. Lama oga tirada rasmiga ah ee dadkaan xabsiyada loo taxaabay balse waxaa lagu qiyaasayaa inay kabadan yihiin kumanaan iyadoo dhamaan xaafadihii labaadhay aan wax dad ah looga tagin iyadoon la kalasoocin dadka haysta sharciga dalkan Ethiopia ee loo yaqaan mustawiqayad ama kaar qaxootinimo iyo xataa kuwii haystay dhalashada dalalka dibada. Ma ahaan markii ugu horaysay ee Soomalida degan Addis Ababa ay la kulmaa raafka noocan oo kale ah lamana garan karo sababta dhabta ah ee ka danbaysa qab qabashada kediska ah ee saaka lagu ekeeyey xaafidihii ay daganaayeen dadka Soomaaliyeed laakiin wararka saaka la isla dhexmarayo magaalada Addis Ababa ayaa ah in raafkan loola jeedo dad khaas ah sidii horaybau dhici jirtay lana filayo in lasoo dayn doono dadka intiisa kale. Addis Ababa Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cyber_Nomad Posted January 27, 2010 really whats the source for this news Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted January 27, 2010 http://dhanaan.com/index.php?subaction=showfull&id=1264506566&archive=&start_from=&ucat=1& Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted January 27, 2010 Adiss Ababa Siday Ku waa Bariisatay? Wararka shabakada ******today soo gaaraya ayaa sheegaya in labadii bari ee oogu danbaysay magaalada Adiss Ababa ay ka socdeen ol -ole xarig oo lagu soo qab qabtay dad Soomali ah kuwaas iskugu jira muwaadiniinta Soomaalida Ogadeeniya iyo Jamuuriyada Soomaaliya ,Ilaa haatan lama oga sababta dhabta ah ee ka danbaysay xarigan balse waxaad moodaa inay tahay talaadabii Kenya ay qaaday oo kale. Mid ka mid ah muwaadiniinta Soomalida Ogadeeniya oo u waramay ******today ayaa sheegay inta uu ogyahay in 6 wiil oo dhalin yaro ah laga baxay guryaha xaafada, Magananya 24. Meesha dadka Soomalida ah xaafado kala duwan laga soo qabtay oo ay u badan yihiin xaafada Saaris. Wixii ka soo Kordha kala soco ******today. Quote Share this post Link to post Share on other sites