Jacaylbaro Posted March 26, 2008 Hargeysa-(Qaran)- Ciidamada Booliska Somaliland ayaa galabta gacanta ku dhigay 5 ka mid ah Budhcad Badeeda Maraakiibta Ku afduuba Xeebaha Puntland. Shantan Nin oo Ciidanka Booliisku ay ku qabteen Magaalada Xadka ku taala ee Wajaale iyagoo doonayay inay u gudbaan Dalka Ethiopia. Shanta Nin oo sida la sheegay sitay Lacago aad u badan oo Dollar ah waxa caawa la keenay Magaalada Hargeysa . Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Mudane C/laahi Ismaaciil Cali (Cirro) oo caawa ka hadlay dhacdadan ayaa yidhi “Waxa aanu soo qabanay Shan ka mid ah Budhcad Badeeda Maraakiibta ku Qafaasha Xeebaha Puntland kuwaasoo doonayay inay u gudbaan dalka aynu dariska nahay ee Ethiopia,waxana aanu ku qabanay Lacago aad u badan”. Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa ku dooday in Nimankaasi ay ka war heleen Xalay inay soo galeen Magaalada Hargeysa ka dib howlgal balaadhan oo ay Booliisku qaadeen maanta lagu qabtay Degmada Wajaale. Cumar Maxamed Faarax Qaran News/Hargeysa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted March 26, 2008 hadhwanaag 2008-03-25 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Xukuumada Somaliland ayaa daboolka ka qaaday inay gacanta ku dhigtay 5 nin oo ka mid ah budhcad badeeda maraakiibta ku afduubta Xeebaha Maamul Goboleedka Puntland, kuwaas oo ay ku tilmaamtay inay doonayeen inay u gudbaan Dalka Ethiopia. Sida waxa uu ku sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cabdilaahi Ismaaciil Cali [Cirro] oo ka hadlayey ragan la qabqabtay. “Waxa aanu soo qabanay Shan ka mid ah Budhcad Badeeda Maraakiibta ku Qafaasha Xeebaha Puntland” ayuu yidhi Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Cabdilaahi Cirro. Isaga oo hadalkiisa siiwatana waxa uu yidhi “kuwaas oo doonayay inay u gudbaan dalka aynu dariska nahay ee Ethiopia,” Md. Cabdilaahi Ismaaciil Cali [Cirro] waxa uu ku dooday inay ragaas budhcad badeeda ah ay ku qabteen lacag aad u badan. “Waxa aanu ku qabanay Lacago aad u badan”. Ayuu yidhi Cabdilaahi Ismaaciil Cali [Cirro] Wasiirka Arimaha Gudaha Md. Cabdilaahi Cirro waxa uu hoosta ka xariiqay inay nimankaasi ay ka war heleen xalay inay soo galeen Magaalada Hargeysa, ka dib-na howlgal balaadhan oo ay Booliisku qaadeen maanta lagu soo qabtay Degmada Wajaale. Ragan budhcad badeeda oo la sheegay in galabta Ciidamada Boolisku ku qabteen Magaalada Xadka ku taala ee Wajaale iyagoo doonayay inay u gudbaan Dalka Ethiopia. Shanta Nin oo sida la sheegay inay siteen lacago aad u badan oo Dollar ah waxa caawa la keenay Magaalada Hargeysa . Quote Share this post Link to post Share on other sites