Sign in to follow this  
Emperor

Frm Somali President President of Yemen release joint statement + support Shariif.

Recommended Posts

Emperor   

Sanca: Madaxweynaha Yeman iyo Cabdullaahi Yuusuf oo kulan dhex maray (Sheekh Shariif oo ay taageero u muujiyeen)

2. Februar 2009

 

Sanca(AllPuntland)- Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa magaalada Sanca ee dalka Yeman kulan kula yeeshay Cali Cabdalla Saalax oo ah Madaxweynaha dalka Yeman.

 

Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax ayaa waxaa uu kala hadlay Cabdullaahi Yuusuf arrimaha dalka Soomaaliya iyo doorashadii dhawaan ka dhacday dalka Jibouti ee lagu doortay Sheekh Shariif Sheekh axmed, wuxuuna sheegay Cabdullaahi Yuuusuf Axmed in Madaxweynaha cusub uu u hambalyeynayo isla markaana ay horyaalaan howlo fara badan oo u baahan wax ka qabasho.

 

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ayaa ka codsaday beesha caalamka in ay taageero siiso xukuumadda cusub ee Soomaaliya si howlaheeda u guda gasho una dhameystirto dhismaha hey’addaha dowliga ah.wuxuu kaloo uu sheegay Cabdullaahi Yuusuf in dowladda cusub ay sugeyso in dalka ay ku soo dabaasho amni iyo kala danbeyn.

 

Waxaa isna dhankiisa ka taageeray Madaxweynaha cusub ee Yeman Cali Cabdalla Saalax oo sheegay in Dowladdiisa ay soo dhoweyneyso isla markaana ay xoojineyso taageerada doorashada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

 

Waxaa uu u rajeeyay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya inuu dalka ku soo celiyo nidaam iyo maamul wanaagsan oo shacabka ka horumariya dhinac walba.

 

Md. Cabdullaahi Yuusuf ayaa horay u sheegay in Madaxweynaha cusub ee lagu doortay Jabiouti dowladda uu hoggaaminayo aysan wax macno ah soo kordhineyn.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland.

Related Articles

 

Ku Laabo Bogga Hore ee AllPuntland.com|

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Oo Cabdullaahi yusuf ma Qasriga Cabdalla Saalax buu daganyahay, somehow thought in la dajiyey xaafad ka mida xaafadaha qaxootiga Soomaalida ee Yemen, jkin,

 

 

I think Yeey would make great Odey dhaqmeed, I would like him to return to Somalia and be Odey Dhaqmeed rather than stuck in a place he knows little about it.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Somalia

Ex-Somali leader advises Sh. Sharif to confront Al Shabaab

1 Feb 1, 2009 - 8:37:36 AM

yusuf6_2.JPG

 

SANA’A, Yemen Feb 1 (Garowe Online) - Somalia's former leader has advised the incoming president to confront anti-peace groups, namely Al Shabaab hardliners, Radio Garowe reports.

 

Col. Abdullahi Yusuf resigned as Somalia's interim president in December, after four years in power that saw the rise of the country's Islamic Courts movement.

 

Col. Abdullahi Yusuf, ex-Somali President

In a Sunday interview with Al Arabiya, ex-President Yusuf said "many problems" face the new administration, led by a former Islamic Courts chief, Sheikh Sharif Ahmed.

 

"Al Shabaab is a group that is against peace in Somalia and therefore is the number one problem facing Sheikh Sharif," the former president noted.

 

Yusuf described Al Shabaab, a breakaway faction of the Islamic Courts, as a "terrorist group," while suggesting that the especially insurgents are strong in the capital, Mogadishu.

 

When asked if he retired from politics, Yusuf said: "If Al Shabaab attempts to attack Puntland, I will return to the country and I promise to eradicate them."

 

Yusuf hails from the Puntland region, in northeastern Somalia. He made no mention of new Puntland leader Dr. Abdirahman Farole's refusal to recognize Sheikh Sharif as Somali president.

 

Source: Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

C/laahi Yuusuf: Waan caawin doonaa madaxweyne Shariif

Monday, February 2nd, 2009 at 8:52 am

 

Horseed Media

 

Sanca

 

abdulahi_ysuMadaxweynihii hore ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed oo ku sugan magaalada Sanca ee dalka Yemen ayaa sheegay inuu caawin doono madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

 

Hadalkan waxaa soo tebisay wakaaladda wararka ee dalka Yemen ee Saba oo ka soo xigatay saraakiil sarsare ee dowladda Yemen.

 

Mudane C/laahi Yuusuf Axmed wuxuu sheegay inuu gacan ka siin doono sidii guud ahaan dalka Soomaaliya loogu soo dabaali lahaa nabad dibna loogu soo celin lahaa midnimada dalka.

 

Hadalkan ayuu mudane Yuusuf ka sheegay kulan ay si wadajir ah u yeesheen isaga iyo madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax.

 

Madaxweyne Saalax iyo C/laahi Yuusuf waxay ka wadahadleen arrimaha dalka Soomaaliya iyo sidii gacan looga geysan lahaa isbedelka maamul ee dalka ka hirgalay.

 

Madaxweynaha Yemen waxa uu beesha Caalamka ka codsaday inay ka dhabeyso wax qabadkii ay u ballan qaaday Soomaaliya si uu dalku dib ugu dhismo cagihiisana isku taago.

 

Waa kulankii ugu horeeyay ee si rasmi ah loo shaaciyay ee ay wadayeesheen madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed iyo madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax tan iyo markii Yuusuf xilka Soomaaliya isaga tegay.

 

Mudane C/laahi Yuusuf Axmed waxa uu dalka Yemen tegay ka dib markii ay dowladda Yemen u fidisay deganaansho iyo inuu ku nasto ka dib markii uu xafiiska madaxtinimada uu iska casilay 29-kii December.

 

 

FINLAND

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo sheegay in uu Shekh Shariif la shaqeynayo.

 

 

Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa shaaca ka qaaday in uu si weyn ula shaqeynayo madaxweynaha la doortay ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa shaaca ka qaaday in uu si weyn ula shaqeynayo madaxweynaha la doortay ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

 

Kadib kulan uu magaalada Sanca ee dalka Yemen kula yeeshay madaxweynaha dalka Yemen cali Cabdala Saalix ayaa madaxweynihii hore waxaa uu shegay in ay ka go’antahay wax kasta oo karaankiisa ah in uu ku caawiyo madaxweynaha cusub ee dalku yeeshay.

 

“Wax kasta oo taageero ah ayaan la garab istaagayaa madaxweynaha la doortay,shaqsi ahaana si cad ayaan u taageersanahay”ayuu madaweynihii hore ka sheegay kulanka uu la yeeshay madaxweyne cabdalaha dalka Yemen.

 

Waxaa uu cabdulaahi Yusuuf ugu baaqay beesha caalamka in ay la soo deg degto taageero dhan kastaba leh oo ay la garab istaagto xukuumada cusub ee Soomaaliya si looga bad baadiyo in ay dhaqaaqi weyso.

 

Habeen hore ayay ahayd markii madaxweynahan hore wareysi uu siiyay AL carabia uu ku sheegay in Sheekh sharif ay horyaalaan caqabado badan oo ay ka mid yihiin ururada argagixisada ah ee magaca diinta ku qaraabta kuwaas oo uu sheegay in ay dalka kusoo qul quliyeen ajaanib farabadan oo dantoodu tahay in Soomaaliya aanay dowlad yeelan si dalku uu ugusii ahaado meel ay ku dhuumaaleysan karaan.

 

Carmooyin.com news desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nuune, hanagu soo celin ee meeshiisa hanaga joogo dhaaf ninkaan qasaaye aa la dhahaa yuusan bal shariifka ka qasin xarkaha uu rabo inuu isku xirxiro. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is a constructive statement and once again the former President showed since his resignation how much he is interested in the stability of Somalia and the restoration of law and order.

 

Nuune adigu madax dhaqameed ma ceeb bay kula tahay? Waxa Puntland badbaadiyey waa kaalinta madax dhaqameedyaya. A/Y waa ruug cadaa siyaasi ah, kana baxay siyaasadda adna waad ogtahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this