Sign in to follow this  
Jacaylbaro

100 Delegates from Buuhoodle ...........

Recommended Posts

Waxaa maalmaha fooda inagu soo haya la filayaa inay ka anbaxbaxaan Gobolka Cayn gaar ahaan xaruntiisa ee Buuhoodle wafdi balaadhan oo ay hogaaminayaan Isimada Gobolkaasi kuwaas oo kusii jeeda magaalada Qaloocan oo ka tirsan Degmada Bookh ee Gobolka Wardheer.

 

 

Wafdidan ayaa waxa ay casuumaad ka heleen Dawlada dhexe ee Dalka Ethiopia oo saraakiil sar sare oo ka tirsani ay imaanaso Qaloocan shirna ay la yeelanayso shacabka deegaankaasi si ay uga wadahadlaan xaaladaha nabadgalyo iyo mid horumarineed.

 

Magaalada Qaloocan ee ka tirsan Degmada Bookh dhanka koonfureedna ka xigrta Tuulada Marqaan Wayne ayaa waxaa lagu wadaa inuu ka dhaco shir balaadhan oo ay isugu yimadaan shacabka deegaanka xadka Somalia udhow iyo Dawlada dhexe ee Ethiopia kaas oo ay kasoo qayb galayaan ergooyin aad ubadan.

 

Gobolka Cayn ayaa dawlada Dhexe ee Dalka Ethiopia waxa ay uqoondaysay inay ka yimaadaan ergooyin gaadhaya 100 xubnood kuwaas oo umatala deegaankaasi lagalana hadlo xaalada nabad galyo iyo mid horumarineed oo Dawladu ay doonaso inay deegaankaasi ka fuliso ayna hogaaminayaa Isimada deegaankaasi oo kala ah Garaad C/laahi Garaad Soofe,Boqor C/laahi Dabagooye,Suldaan Siciid iyo Garaad Saleebaan Buraale.

 

Dawlada dalka Ethiopia ayaa waxa ay mudooyinkii ugu danbeeyay waday arimo horumarineed oo ay ufulinayso deegaankaasi oo aan hore looga baran iyadoo magaalada Marqaan wayne ka fulisay mashruuc ceel riig biyood ah kaas oo ay dadka iyo duunyaduba ay ka cabayaan.

 

Hadaba shacabka deegaankaasi ayaa si wayn usoo dhaweeyay arimahan hurumarinta deegaankaasi ee ay samaynaso Ethiopia ayna horey usamayn jirin iyadoo deegaanka kilinka shanaad qaybta ay degan yihiin shacabka SSC uu ahaa mid si wayn ugu danbeeaya dhamaanba arimaha bulsho.

 

 

Afnugaal News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this