Cowke Posted July 9, 2010 Suuqyada Gaalkacyo Oo Laga Dareemay Lacagihi Laga Fara Maroorsadey Dawladda Puntland July 9, 2010 0 comments | leave your own! Suuqyada Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa saacadihii ugu dambeeyay lagu arkay lacagihii sharci darada ahaa ee dhowaan Kooxo maleeshiyo ah ay dib uga fara maroorsadeen maamulka Puntland,taasi oo cadadeedu ay gaarayso 17-bilyan oo shilin Soomaali ah. Guddoomiyaha ganacsatada degmada Gaalkacyo Shiine Yaasiin Cabdi oo la hadlaayay warbaahinta Horseed Media maanta ayaa sheegay in 10% lagu arkay Suuqyada Gaalkacyo lacagtaasi sharci darada ah,isla markaasina ganacsatada degmada ay feejignaan dheeraad ah ka qabaan Lacagtaasi. Waxaa uu intaasi ku daray in ganacsatada degmada ay ku wacyi galiyeen ka hortaga lacagtaasi,isagoo xusay in ay ka go’aan tahay in maamulka la socodsiiyaan cidii ay ku arkaan lacagtaasi sharci darrada ah. “…Lacagtaasi hadii aan aragno waan gubnaa,waxaana jirta in aan miisaska ugu dhajinay qaab digniin ahaaneed…”,ayuu yiri. Shiine Yaasiin ayaa hoosta ka xariiqay in hadal haynta lacagtaasi ay haraysay Suuqyada Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Mar uu ka hadlaayay lacagtaasi waxyaabaha ay kaga badalan tahay lacagihii hore ayaa waxaa uu sheegay in lacagtaasi aan si rasmi ah looga garan karin lacagaha kale,hase yeeshee ay jiraan lacago jilicsan oo ka mid ah lacagahaasi oo suurto galiya in lacagtaasi ay dareemaan ganacsatadu. Dhowaan ayay ahayd markii kooxo hubaysan ay garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo ay si fudud u gala baxeen lacagtaasi oo Ganacsato Reer Gaalkacyo ah ay kala yimaadeen Magaalada Muqdisho. Horseed Media Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted July 9, 2010 Good Job Galkayo tradesman for spotting this illegal currency and reporting it to the authorities. Dagaalo dhinac badan ayaa na laga jiree ee waa inaan digtonanow at all times. Lacagtan sharci darada wala sheegaya sharif inaysan suuqyadeen soo gali galin but still ignores it. Shaykh Sharif needs to learn Puntland CREATED HIM. It was Abdullahi Yusuf who picked your clan up from medina when u were getting shot down by aideed people. We gave u a life and nominated u the prime minister under geedi now today you return the favor by trying to "destroy" puntland economy with counterfeit notes? Waxaas oo kale ayaan la yaaba anigu. War dad baan ka dhignay adiguna waxad dooneysa inaad degaanadeena burburisid. Wa cajiib somalidan wallahi!!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted July 9, 2010 This is an interview done by puntlandi.com which goes right into the heart of galkayo market asking people what they think of the new currency that is hitting the markets. Conterfeit Money Hits Galkayo Markets Audio Quote Share this post Link to post Share on other sites