Cowke Posted June 12, 2010 Islaanka Beesha Isxul oo lagu caleemo saaray Dooxada Aada ee magaalada Qardho Dooxada Aada oo dhanka koonfur 10 Km kaga beegan magaalada Qardho xarunta gobolka Karkaar ayaa waxaa ka dhacay xaflad balaaran oo siweyn ay uga soo qeyb galeen madax dhaqameed, wax garad farabadan, Maamulada gobolka Karkaar iyo kan degmada Qardho. Xafladaasi ayaa waxaa lagu dooranayay ama lagu camleemo saarayay islaan cusub oo ay yeelaneyso beesha Isxul Cismaan Maxamuud, waxaana loo caleema saaray islaam Mahad islaam Maxamuud Cilmi. Waxaa ay isla qaateen odayaasha iyo waxgaradka beeshaasi in ay xilkaasi u caleema saaraan islaanka Cusub waa islaam mahad islaam Maxamuud Cilmi, iyagoo ugu baraarujiyay in uu si wanaagsan ula shaqeeyo iyagana ay la shaqeynayaan. Halkaasi waxaa hadalo duco iyo baraarujin ah ka soo kala jeediyay masuuliyin farabadan, Odayaal iyo waxgarad badan waxaana ay sheegeen in ay islaamka la shaqeynayaan si hufan islamarkaana ay ku faraxsanyihiin caleemasaarkiisa, iyadoo ay ka mid ahaayeen waxgaradkii halkaasi ka hadlay, Nabadoon Naxar Siciid Awnuur Nabadoon Maxamed aadan Nabadoon Maxamuud Siciid Awmuuse iyo Nabadoono iyo Isimo kale. Si kastaba ha ahaatee xaflada oo ka dheceysay Dooxada Aada ee duleedka Deg Qardho ayaa waxaa siweyn loogu soo bandhigay waxyaabaha dhaqanka Soomaaliyeed iyadoo ugu dambeyntii si qurux badan ku soo gaba gabowday. Maxamuud C/laahi Faarax SBC International Qardho Quote Share this post Link to post Share on other sites