Sign in to follow this  
Cowke

Qardho: Crowning of A New Islaan

Recommended Posts

Cowke   

15023.jpg

 

Islaanka Beesha Isxul oo lagu caleemo saaray Dooxada Aada ee magaalada Qardho

 

 

Dooxada Aada oo dhanka koonfur 10 Km kaga beegan magaalada Qardho xarunta gobolka Karkaar ayaa waxaa ka dhacay xaflad balaaran oo siweyn ay uga soo qeyb galeen madax dhaqameed, wax garad farabadan, Maamulada gobolka Karkaar iyo kan degmada Qardho.

 

Xafladaasi ayaa waxaa lagu dooranayay ama lagu camleemo saarayay islaan cusub oo ay yeelaneyso beesha Isxul Cismaan Maxamuud, waxaana loo caleema saaray islaam Mahad islaam Maxamuud Cilmi.

 

Waxaa ay isla qaateen odayaasha iyo waxgaradka beeshaasi in ay xilkaasi u caleema saaraan islaanka Cusub waa islaam mahad islaam Maxamuud Cilmi, iyagoo ugu baraarujiyay in uu si wanaagsan ula shaqeeyo iyagana ay la shaqeynayaan.

 

Halkaasi waxaa hadalo duco iyo baraarujin ah ka soo kala jeediyay masuuliyin farabadan, Odayaal iyo waxgarad badan waxaana ay sheegeen in ay islaamka la shaqeynayaan si hufan islamarkaana ay ku faraxsanyihiin caleemasaarkiisa, iyadoo ay ka mid ahaayeen waxgaradkii halkaasi ka hadlay,

Nabadoon Naxar Siciid Awnuur

Nabadoon Maxamed aadan

Nabadoon Maxamuud Siciid Awmuuse

iyo Nabadoono iyo Isimo kale.

 

Si kastaba ha ahaatee xaflada oo ka dheceysay Dooxada Aada ee duleedka Deg Qardho ayaa waxaa siweyn loogu soo bandhigay waxyaabaha dhaqanka Soomaaliyeed iyadoo ugu dambeyntii si qurux badan ku soo gaba gabowday.

 

Maxamuud C/laahi Faarax

SBC International Qardho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this