Sign in to follow this  
Gabbal

Another day of civil unrest in Kismaayo?

Recommended Posts

Gabbal   

Ciidamada Maxkamadaha Kismaayo oo xabsiga dhigay haween kale

 

 

Kismaayo 28, Sep. 06 ( Sh.M.Network) Ciidamada golaha maxkamadaha islaamka ee ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa maanta xabsiga u taxaabay haween sameynayay Banaanbaxyo.

 

Ilaa 6 haween ah ayaa loo dhaahiciyay xabiga magaalada Kismaayo, ka dib markii ay isku dayeen falal ka hor imaanayo amniga sida uu shabelle u sheegay afhayeenka ciidamada Maxkamadaha ee Kismaayo, inkastoo uu ka gaabsaday tirada rasmiga ah ee ay xireen.

 

Iyadoo Maxkamadaha islaamka Somalia howl-galo ay ka wadaan magaalada Kismaayo ayaa hadana waxaa laga dareemayaa magaalada meelaha qaar oo dadku ay gadoodyo ka sameynayaan.

 

Ma ahan markii ugu horeeysay oo dibadbaxyaal xabsiga la dhigo tan iyo markii maxkamadaha islaamka ay qabsadeen magaalada Kismaayo, iyadoo dad kale oo u badan haween la xirey dhowaan, inkastoo intooda badan la sii daayay.

 

Maxkamadaha islaamka ayaa wada dadaalo ay ku doonayeen in ay ku xakameeyaan amaanka magaalada Kismaayo, iyadoo kulamo arinkaasi ku aadan ay la qaateen odayaal iyo culuma udiin deegaanka ah.

 

 

 

Farxaan Lafoole

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Maalintii Lixaad oo Banaabaxyo Ay Ka Soconayaan Kismaayo Iyo 10 Haween Oo Xabsiga La Dhigay

Sep 28,2006

by Kismaayo-Gedo News Network

 

Iska horimaadyo Rabshado wata ayaa maanta waxaa ay magalada kismaayo ku dhex mareen dad banaanbaxayay Iyo Ciidamada maxaakiimta islaamka ee La wareegay gacan ku haynta Kismaayo.

 

Dad raxan raxan u socday ayaa xiray wadooyinka waawayn waxaana ay Dhagax iyo geedo dhigeen Baraha muhiimka ah ee isgoysyada magaalada iyagoo sidoo kalena Masaamiir ku daadiyay wadooyinka taas oo keentay in ay banjaraan baabuurta dagaalka ee raacdaysanaysay mudaaharadayaasha.

 

in kabadan 10 haween ah ayaa la dhigay xabsiga dhexe markii dhagxaan ay huwiyeen maleeshiyooyinka ku sugan baraha Maamulkii hore ee Dooxada jubba waxaana la maqlayay dhawaqa rasaasta lagu eryay mudaaradaaysha oo xamaasadi ay ka muuqanaysay kuna qaylinayay Dooni Mayno Maxkamad laga soo tuuray Muqdisho oo laga soo bootiyay sh/hoose, dooni Mayno oromo iyo afgaanistaan, Doono Mayno USC..

 

http://www.gedonet.com/index.php?news=421

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

HornAfrique, it is all relative, brother. It depends on how you look at it and who is doing the news-reporting. while Shabelle and Gedo News call this a demonstrations - seemingly by all reer Kismaayo residents- Halgan Net has this to write:

 

Ganacsatada Qaadka oo dibad baxyo ka dhigay magaalada Kismaayo.

Posted to the Web Sep 28, 16:20

 

Kismaayo:-Dibad bax ballaaran oo ay soo qaban qaabiyaan haweenka ka ganacsada Qaadka ayaa goor dhaweyd ka dhacay magaalada Kismaayo,kaasoo looga soo horjeedo go'aankii maxkamadaha islaamiga ay ku mamnuuceen in Qaadka la soo geliyo magaalada Kismaayo.

 

Dadweyne boqolaal gaaraya oo u badan haween iyo caruur ayaa dibad baxyo nabadeed ka dhigay wadooyinka magaalada Kismaayo,ayagoo ka dalbaday masuuliyiinta maxkamadaha islaamiga ee ka taliya magaaladaasi in shaqo ay ku maareeyaan noloshooda ay u sameeyaan ama u ogolaadaan ka ganacsiga Qaadka.

 

Haweenka ka ganacsada Qaadka oo maareeya nolosha qoysaskooda ayaa ku dooday in duruufo adag ay soo food saareen qoysaskooda maalmihii yaraa ee la mamnuucay diyaaradaha Qaadka in ay ka soo degaan garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo tan iyo wixii ka danbeeyay markii maxkamadaha islaamiga qabsadeen magaalada Kismaayo maalintii axada.

 

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ciidamada maxkamadaha ay xabsiga u taxaabay 7 ka titsan haweenkii dibadbaxyada dhigayey .

 

Afhayeenka maxkamadaha islaamiga Sheekh Ibrahim Shukri ayaa shalay shaaciyay in ay mamnuuceen Qaadka,ayadoo ciidamada maxkamadaha islaamiga ay dib u celiyeen shalayto diyaarad Qaad siday oo soo caga dhigatay garoonka diyaarada Kismaayo.

 

 

C/qaadir Osman

Muqdisho

Halgan.net

---

 

So it's all relative.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

I posted the articles from Gedonet and Shabelle to show what the truth is as evidenced from two seemingly politically conflicting news sites.

 

First it was the Flag that was used as propaganda, but when it became appearent Somalis would not violently protest day and night because of a mere flag, it became Qaad. We know who is advancing the Qaad propaganda as well as some Mogadishu based AP Somali reporters who are trying to curb the influence of the peoples opinion towards the entity that invaded.

 

If the entity was welcomed with open arms and the protesting started afterwards, then the excuses are logical. But to use latter flimsy cover ups even when people were violently protesting as the entity was just entering the city is not logical sxb.

 

I'm sure you are an intelligent fella; I would hope you do not take ours for granted.

 

Let's get another far reach website differing politically with that of Gedonet and Shabelle and let's see what they say:

 

 

Magaalada kismanyo ayaa waxaa wali ka socda Kacdoonkii shacabka Magaaladu ay kaga soo horjeedeen Maleeshiyaadka Maxaakimiinta, waxaana Maanta ay markale xabsiga Dhigeen Dumar Mudaharaadayay oo ka soo horjeeday Maxkamadaha Kismanyo Qabsaday.

Posted to the Web Sep 28, 07:01

 

Magaalada kismanyo ayaa waxaa wali ka socda Kacdoonkii shacabka Magaaladu ay kaga soo horjeedeen Maleeshiyaadka Maxaakimiinta, waxaana Maanta ay markale xabsiga Dhigeen Dumar Mudaharaadayay oo ka soo horjeeday Maxkamadaha Kismanyo Qabsaday.

 

Ilo wareed aanu ka helnay Magaalada Kismanyo ayaa inoo sheegay in ay jirto dadaal ay Maxaakimiintu ku doonayaan inay Shacabka fikradooda badalaan, waxayna kulamo gooni gooni ah la yeesheen Odayaasha iyo Waxgaradka magaalada u dhashay ee iyagu ka daalay Maamulo aanay doonayn oo xoog ku kor jooga.

 

Wadahadalka dhexmaray duqoowda iyo waxgaradka magaalada iyo Midowga Maxaakimiinta ayaa la sheegay inay ka xoog badatay kacdoonka shacabka oo aan isagu kala joogsi lahayn, waxaana shacabka loo adeegsaday awood rasaaseed, ka gadaal markii lagu furay rasaas aan loo aaba yeelin, waloow aan ilaahay mahadiis cidina wax ku noqon.

 

Midowga maxkamadaha qabsaday Magaalada Kismanyo ayaa wada qaab ay ku qancinayaan shacabka mudaharaadaya oo ah in Magaalada Masuul looga dhigi doono Rag Magaalada Kismanyo ka soo jeeda oo Maxkamadaha la socda, si ay isaga dhex arkaan Maamulka Maxkamadaha, waxaase la inoo sheegay in aan si aan gabadlahayn ay Odayaashii Magaalada ka soo jeeday ugu sheegeen Maleeshiyaadkii Maxaakimiinta inay Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliyeed taageersanyihiin.

 

Idamaale News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^^ Lol. Idamaale wallee waa lama ilaawaan.

 

Horn, I get your point bro. I think Idamaale is way off the mark - even ealier in the day dayniile seems moderate compared to Idamaale. Nothing beats the news beats of idamaale.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Is Horseed more like it Xiin?

 

 

Banaanbaxyo horleh oo ka dhacay Kismaayo iyo Idaacada HornAfrika oo la xiray

Last Updated::2006-09-28 19:52:31

 

Kismaayo:- Waxaa maalintii 5aad mudaharaad uu ka dhacay magaalada Kismaayo kaasi oo looga soo horjeedo

Maxkamadaha magaalada qabsaday.

 

Banaanbaxan ayaa waxaa maanta laga dareemay gudaha magaalada ayadoo ay ka qeyb qaateen dad isugu jira dhalinyaro, haween iyo ragba.

 

Mudaharaadka maanta ayaa lagu soo afjaray iska horimaadyo halkaasi ku dhexmaray shacabka iyo maleeshiyooyinka Maxkamadaha.

 

Shacabka oo lagu kala yaaciyey rasaas ay tuurayeen maleeshiyooyinka ayaa waxaa soo baxaya dhaliicooyin kasoo baxaya dadka rayidka ah oo sheegay in si xun loo jirdilay.

 

Maanta ayaa markale xabsiga loo taxaabay in ka badan 7 haween ah oo kamid ahaa dadkii mudaharaadayey ayadoo horey xabsiga loogu hayey dad ka badan 20 oo isugu jira haween iyo rag.

 

Idaacada HornAfrika ee magaaladaasi ka hawlgali jirtay ayaa galabta iridaha loo laabay.

 

Idaacada ayaa la xiray kadib markii ay siideysay cododka dadkii maanta mudaharaadayey iyo dadkii sheegay in la jirdilay oo ay ku xad gudbeen Maleeshiyooyinka Maxkamadaha.

 

Magaalada ayey ku sugan yihiin maleeshiyooyin aad u badan oo kamid ah kuwii soo galay magaalada Axadii lasoo dhaafay.

 

Magaalada ayuu habeenkii saaran yahay bandow ayadoo habeenadii lasoo dhaafay ay jireen dhalinyaro habeen walba rabshado ka dhiga magaalada.

 

Magaalada ayaa amnigeedu u degen yahay marka laga reebo mudaharaadyada oo ah kuwo ku beegan Maleeshiyooyinka maxkamadaha oo ayagu ku sugan goobo kala gedisan oo magaalada ah.

 

Mudaharaadkii maanta ayaa xoogiisa ka dhacay Hotel Meridian oo ay ku sugnaayeen xubno culumaa'udiin ah oo la sheegay in ay ka yimaadeen magaalada Muqdisho si ay taageerayaasha rayidka ah ee Bare Hiiraale ee weli ku sugan magaalada uga dhaadhiciyaan in ay taageeraan Maxkamadaha la wareegay gacan ku heynta magaalada.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Adeer waligeed baa lays-qabsanjireye haddii raggii saanada lahaa cararay, caruurta iyo haweenka meesha haku laynina!

 

Kismayo is in safe hands...These demos are the last throws of a defeated regime. I know it, and you know it, to sustain such news grapping protests is no wise possible niether does it gonna return Kismayo to Barre’s hands. So why bother? Dadkiina dhinac ka raaca yaa Horn..lol :D .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

I'm sure sxb if Meles Zenewi's personal guards were to capture Kismaayo you would have no qualms; after all they would be capturing from Hiiraale wouldn't they? ;)

 

Marka sheekadu ha ii qurxin, dadkaane ha isku qurxin. :D

 

Dadkeyga, dalkeyga, iyo diintayduba meel baan ka raacay iyadaana la socdaa. Adigu un raac dadkaadu.

 

 

BOOSAASO : Maamulka Puntland oo si kulul u Cambaareeyay Maxkamadaha qabsaday Kismaayo

Posted to the Web Sep 28, 15:31

 

Boosaaso:-Kulankii khamiislaha ahaa ee ay yeeshaan Golaha Wasiiradda Puntland oo maanta lagu qabtay magaalada Boosaaso ayaa si kulul loogu cambaareeyay qabsashada Maxkamaduhu ay ku qabsadeen magaalada Kismaayo , waxaana Maxkamadaha loogu baaqay in ay halkaasi dib uga laabtaan.

 

Xassan Daahir Af-qurac Madaxwaynekuxigeenka Puntland oo isagu maanta kulanka Wasiirada shir-guddoominayay ayaa sheegay in ay Maxkamaduhu yihiin qabiil ka soo duulay Muqdisho kuna duulay beesha dagta magaalada Kismaayo , halkaasna ay ka sameeyeen dhibaatooyin badan iyagoo bartamaha magaalada ku karbaasha dadka ka soo horjeeda.

 

 

 

M/kuxigeenka Puntland Xassan Daahir wuxuu sheegay in ay Maxkamaduhu ay adeegsanayaan dad shisheeye ah oo ka kala yimid dalalka Africa iyo Asia ku waa soo doonaya in ay tirtiraan jiritaanka Ummadda Soomaaliyeed.

 

 

 

Calanka Soomaaliya waxaa gubay dad shisheeye ah oo Al-qaacida iyo Al-shabaab isugujira waxayna doonayeen in ay tirtiraan taariikhdeeda iyo jiritaanka dalka Soomaaliya.

 

 

 

Axmed C/salaam

 

Garoowe , Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by HornAfrique:

I'm sure sxb if Meles Zenewi's personal guards were to capture Kismaayo you would have no qualms
; after all they would be capturing from Hiiraale wouldn't they?
;)

^^Horno-ow taa Allaha kaa cafiyo adeer! Saad i mooday maahi saaxiib, saana uma fogi :D Barre was a warlord that needed to go...and he did actually go why you are still mourning for his demise is beyond me. Move on adeer! waxaa laga yaabaa in wadaado reer Gedood :D ah loo magacaabo the head of Islamic Courts in Kismayo.

 

Xiin’s preferred candidates include: Macalin Mohamud and Mohamed Haji Yusuf!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Originally posted by General Duke:

The demo's are still going, no amount of spin can hide the fact that people are starting to see the truth..

All Xiin and Paragon can see is the back of Barre. :D It hurts them when they see "Barre Diid, Dooni Meyno" that they would even sit there and lie about 15 camels baa loo qalay iyo quraafaad kale. :D

 

This is the information age sxbyaalow, nothing can be hidden from the public. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Zafir   

Xiinoow, Rumor even has it, that Barre is leading the way of bringing the hiraale family to Ohio Columbus to seek asylum. Ea maxaa ka jira hadalkaa? :D:D

 

Good Xiin has done a smart thing for quoting the above statement.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by General Duke:

The demo's are still going, no amount of spin can hide the fact that people are starting to see the
truth
...

^^Truth? The truth is that Kismayo is very stable without a spin. If anyone is spining it's these clanish news portals, adeer!

 

[edit], lol@Zafir! I would rather have good Horn sponsor him to WA. In that case i would get a chance to talk to him, you know inaan soo salaamo..lol.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Originally posted by Zafir:

Xiinoow, Rumor even has it, that bare is leading the way of bringing the hiraale family to Ohio Columbus to seek asylum. Ea maxaa ka jira hadalkaa?
:D:D

Ragyaho ileen umad kalaad tihiin :confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this