Jacaylbaro Posted March 6, 2008 Bosaaso:Kooxda All-Shabaab ayaa Waxaa ay Shalay gelinkii Dame Soo bandhigeen Malaayiin Waraaqo ah oo Daacab kuwaasi oo ay ku daabacantahay Hanjbaad ku aadan Xukuumada Puntland oo ay kooxahaasi si buxda u Qireen inay Dagaal kula jiraan,Waraaqaha lugu soo Daadshey Suuqyada Magaalada Bosaso ayaa Cabsi ku aaburay Dad badan oo Rayada iyadoo Ciidanka Balayska Magaalada Bosasona ay Si Adag u Adkeyeen Amaanka magaalada Bosaso igoo Warqadaasihi Baadi goobaya Halka ay kooxahaasi ka soo Faraqee. Kooxda all-Shabaab ayaa iygoo oo Sheegaynaya Inay yihiin All-Shabaab Waxaa ay ku soo Qoreen Waraqaas Anaga oo ah All-Shabaab Waxaan aqoonsanahay In Dowlada puntland ay tahay Cadowgayaga oo ay Nugu tilmaanto Inaan nahay Argagixo oo Mareekanka gacanta Noo Geliso,Waxan u Sheegaynaa Inaan Qarax la mida kii hore ee Dadka gaaraya 25Qof ay ku Dhimatay mid la Mid aan 2Cisho gudohood ka Qarixndoono Magaalada Bosaso Gaar ahaan Xarumaha Dowlada Sidaas Waraaqo ay ku Daabacyihiin ayey Suuqa ku soo Yaciyeen. Haladan Qoraalka ah ee ay ku dhex Faafiyeen Kooxda Mayalka Adag ee All-Shabaab Waxaa ku Cad Inay Dagaal Hosaad la geliyaan Dowlad Goboleedka Puntland Iyagoo Ogaysiis ku Bixiyey Inay Qaraxyada Bosaso Dhex deeda ka sii Wadaan,Aritan oo ka yaabisay Dadka ku Dhaqan Mandaqada Bosaso ayaa Sas ku Ridey Iyadoo ay ku soo adayso Xili Madax Wayne Cade uu ku suganyahay aqalka Madaxtooyada magaalada Bosaso Welina Ma jirto arintaas Wax hadal ah oo ay ka soo Saartay Xukuumada Puntland,Inkastoo ay Muqdeen ilaa Xalay ilaa Saaka Abaabul Ciidan iyo Hub urursi ay Arintaasi isga Difaacayaso Xukuumada puntland. Maxamed Axmed Ciise Dhahar.com Quote Share this post Link to post Share on other sites