Jacaylbaro Posted June 19, 2008 Golaha Cuqaasha ee Buuhoodle ayaa waxa ay leeyihiin kulamo gooni gooni ah oo lagu doonayo in la isugu keeno dhamaan Cuqaasha & Nabadoonada Deegaanka Buuhoodle, waxaana la filayaa in kulamadaasi lagaga hadli doono Waxa laga yeelayo Kooxda isimada odayaasha isugu jirta ee Tukoraq fadhiisinka ka samaysatay & weliba in Kalsoonida lagala Noqdo Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland xasan Daahir maxamuud oo Xilligii uu xafiiska joogi lahaaaba ay uga hadhay wax ka yar 200 habeen. Golaha Cuqaasha ee Buuhoodle ayaa mudaba ka walaacsanaa khasaaraha ka dhashay Maamul xumada ay keentay madaxtooyada Puntland oo uu Deegaanada SSC u fadhiyo Madaxweyne xigeenka PL Xasan Daahir maxamuud, waxana ay sheegeen in xilligan la gaadhay in laga tashado metelaaddiisa, halka sidoo kalena ay isla soo qaadeen sidii guud ahaanba la isagaga iman lahaa marxaladda ay xilligan ku sugan tahay Puntland. Golaha Cuqaasha oo ay ku jiraan xubno hawsha soo hayey muddo Nus qarni ka badan ayaa waxa ay si kulul u dhaliileen kooxda Isimada & odayaasha ah ee fadhiisinka ka samaystay Tuulada tukoraq ee Gobolka Sool, kooxdan oo ay ku sheegeen kuwo dayacaad badan ku keenay tashigii Beesha SSC. Afhayeen codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa yidhi: Golaha cuqaashu waxay aaminsan yihiin in Kooxda Tukoraq ay yihiin koox danahooda gaarka ah ku mashquulay oo haba yaraatee aan habeena ka shaqaynin dan Umadeed, maadaama ay ku caan baxeen qaraaro aan miiska laga qaadin, xilli dad badani ay ku hallaynayeen mas'uuliyaddii dadweynaha & deegaankaba. Kulanka balaadhan ee ay ku baaqeen golaha Cuqaasha Buuhoodle ayaa waxaa la filayaa inuu dhaco bilowga bisha Luuliyo ee soo beegan. Buuhoodlemedia.com Quote Share this post Link to post Share on other sites