Sign in to follow this  
General Duke

Barawe elders give up on Clan Courts justice

Recommended Posts

Odeyaasha Baraawe oo Quus Ka Muujiyey Ashtako ay ugu Yimaadeen Midowga Maxkamadaha Magaalada Muqdisho

 

Aweys_Reer_Barawe.jpgGuulwade_Reer_Barawe.jpg

 

 

Nabaddoonno ka Socdey Degmada Baraawe ,ayaa waxay magaalada Muqdisho ku Sugnaayeen Muddo 22 Maalmood ah ,wuxuuna Socdaalkoodu ku saabsanaa, ashkato ay ka qabeen Ciidmada iyo maamulka halkaas qabsadey ,bal inay madaxda sare ee Golaha maxaakiimta la Socdaan iyo in kale .Waxgaradka ka socda Degamada Baraawe ayaa sheegey inay la kulmeen masuuliyiinta Golaha maxaakiimta u Sarreeysa qaarkood ,Sida Jinaqoow,iyo Indhacadde,waxayna noo sheegeen inaysan iyagu maamulkaas wax ka dhisin islamarkaasna aysan ogeyn,nabadoonnada oo ka faa’ideysanaya Jawaabtaas ayaa ku doodey in maamulka iyo ciidanka halkaas qabsadey aysan marnaba raalli ka ahayn sida ay wax u wadaan ,islamarkaasna masuuliyiinta ku boorriyey inay wax ka qabtaan.

 

Masuuliyiinta Baraawe ayaa waxay saxaafadda u sheegeen inay aad uga niyad jabsan yihiin waxqabad la’aanta arrinta ay u socdeen ,waxayna sheegeen inay aad hoos ugu dhacdey jaceylkii ay u qabeen Maxkamadaha .Waxgaradkan ayaa sheegey inay la kulmayaan masuulka u sarreeya maxkamadaha Isllaamiga ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed ,waxaan u gudbin doonnaa Bay Yiraahdeen dhammaan wixii Dacwad ah oo ay wadaan ,mar ay ka jawaabayeen so’aal ahayd maxkamadaha soow nabadgelyo idiin ma keenini ?waxay ku jawaabeen haa nabadgelyo way sugeen laakiin ma aha mid kalsooni lagu qabo maxaa yeeley wixii maamul ah ee dadku leeyihiin ayay si xoog ah u maroorsadeen dadkii shaqadaas iska lahaana marti ayay ka dhigeen .

Mar aan odeyaasha weydiyey Masuuliyiinta Golaha maxaakiimta iyo maamulka ay ka dacwoonayaan inay iska warqabaan iyo inkale ?Waxay noo sheegeen bay yiraahdeen inaysan waxba kala socon maaulkaas ,arrintaasna ay iyaga ka warsugaan.

 

Odeyaasha ayaa saxaafadda u sheegey inay ujeedada ay magaaladan u yimaadeen ay tahay laba arrimood oo kala ah:

 

1-Ashakato ay ka qabeen Ciidanka iyo maaulka iska Magcaabey degmadooda oo diidey inuu la tashado dadka Deegaanka, Bal in ay og yihiin Masuuliyiinta u sarreeysa maxkamadaha .

2-Inay ogaadaan Maxkamaduhu inay u baahan yihiin taageerada Beesha Baraawe iyo in kale .Nabaddoonada ayaa waxay ciidanka iyo maaulka halkaas ka arrimiya ku eedeeyeen inay ka horjeedaan jiritaanka Dadka degan Degmada Baraawe,waxayna dooneyeen inay hubsdaan masuuliyiinta Sare ee ‘GMIS’.

 

Dhinaca kale waxgaradkan ayaa waxay eedeyn kale u jeediyeen ciidamada halkaas ka Taliya ,waxaya ku eedeeyeeen inay khaladaad fara badan ka galeen degmada ,waxayna Tusaale u soo qaateen Wiil dhalinyaro ah oo maalin soon ah oo uu wax Cunaayey darteed loo diley kaas oo magaciisa la oran jirey”Xasan Maxamed Cabdi Ilkacase ,Eheladii wiilka dhashey wax illaa hadda la hadlley oo qanciyey ma jirto iyo iyagoo handadaya bay yiraahdeen Culumada Magaalada iyo waxgaradka Degmada iyo iyagoo weli dhoofinta dhuxusha ka wada Degmada ,iyadoo magaalooyinka kale oo dhan laga joojiyey,iyo ayagoo dib u billaabey canshuuraadkii marka hore la joojiyey markii la Eryey C/llaahi Xalane.

 

Intaas ka dib waxaan odeyaasha la weyddiyey dhowr so’aalood oo kala ah:

 

Saxaafadda :Waxaad noo sheegteen inaad la ballasan tihiin shariifka ,kuwii hore ee aad la kulanteenna waxaad sheegteen inaydan ku qancin jawaabaha ay bixiyeen ,haddii shariifka jawaabaha aad ka heshaan idin qancin wayso maxaa idiin Qorsheysan ?

Nbaddoonnada:Wax badan ayaa inoo qorsheysan laakiin waxaan jawaabta la sugaynnaa shariifka oo ka hordhaci meynno waxa laga yaabaa inuu shariifka ilaahey waafajiyo.

Saxaafadda:Maxkamadaha meelaha ay Qabsadeen nabadgelyo buuxda ayaa laga heley ,ninkii mudada dheer halkaas xoogga ku haystey haddii la idin ka qabtey ,maxaad weli kalsooni u heli la’dihiin?

Nabaddoonnada :Waa run nabadgelyo waa jirtaa ,waxaan islahayn haddii ninka sida xaqddarada nagu haystey meesha laga qaado in la nagu wareejinaayo maamulkeeda, balse arrintu waxay noola muuqatey bay yiraahdeen Barakaad u dhiibo Barakaad ka Qaado ,waxaan taas ku xaqiijineynnaa bay yiraahdeen waxaa hadda meeshiisa Fadhiya oo magaalada Maamulaya wiil uu adeer u yahay,Mr Dhuxuloow .

 

Si kastaba xaalku ha ahaadee odeyaasha Baraawe ayaa rajo beel ka sheegey ujeedada Socdaalkooda haddii uu ilaahey wafaajinin Guddoomiaya Golaha Maxaakiimta Soomaaliyeed Sheekh Shariif Sheekh Axmed .

 

dadka bayaanka Soo saareyna waxay magcyadoodu kala yihiin:

 

Aweys Sheekh Muumin –Guddoomiyaha arrimaha Siyaasadda ee Beesha Tunni

 

Abuukar Cumar Maxmad’Gaammeelle’-Nabaddoon Sare ee Beesha Tunni

 

C/raxmaan Maxamed Nuur’Guulwade’.

Mahamud Ahmed Hassan

xuurshe114@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this