Suldaanka Posted May 24, 2005 Wasiirka Maaliyada Ethiopia oo dalka imanaya Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta JSL Mudane Siciid Sulub ayaa maanta shir jaraa'id oo uu ku qabtay gurigiisa ku sheegay in maalnta berito ah wafti heer Qaran ah oo Ethiopian ahi ay dalka iman doonaan. Wasiirku waxa uu sheegay in wafdigan uu hogaaminayo wasiirka Maaliyada ee dalka Ethiopia waxaana ka mid ah Wasiirka Kaabayaasha Dhaqaalaha (Infrastruture) isla markaana ah guddoomiyaha hawlihii lagu dhisayay wadadii Berbera Coridor ee isku xidhaysay Berbera ilaa Herer. Wasiirka Mudane Siciid Sulub Maxamed waxa uu sheegay in wafdiga ay ka mid yihiin lix nin oo saraakiil sarsare ah oo isugu jira dekedaha iyo ganacsiga, waxaana ujeedadu socdaalkoodu la xidhiidhaa socdaal uu hore wasiirku Somaliland ee hawlaha Guud ee ugu tegay Ethiopia kuna saabsanaa isticmaalka dekedda iyo sidii loo sii ambaqaadi lahaa hawshii wadada Berbera Coridor. Wasiirka hawlhaa Guud waxa uu sheegay inay tahay fursad qaali ah imaatinta waftiga miiaankan leh. Mudane Siciid Sulub Maxamed waxa kale oo uu ka hadlay in wax weyn ay ka qabteen wadadii dooxa ee roobabku jareen, isagoo xusay in hay'adda miino saarka ee Hallo Trust oo ka caawisay dhianca qalabka iyo boqol qof oo shaqaale ah oo ay muddo bil ah bixinayaan kharashkooda. QaranNews Quote Share this post Link to post Share on other sites
Suldaanka Posted May 25, 2005 Wafti Itoobiya ka socda oo yimid Somaliland galabta Wafti balaadhan oo ah kii igu cuslaa ee yimaada Somaliland, kana socda dalka Ethopia, ayaa galabta saacada Hargaysi markii ay ahayd 4:00, galabnimo ka soo degay magaalada Hargaysa, waftigan oo ka koobnaa Sideed xubnood wax ka mid ah wasiirka maaliyada ee Itoobiya, wasiiru dawlaha wasaarada hawlaha guud iyo saraakiil sare oo kale oo ka kala socda laamaha kala gadisan ee dawlda Itoobiya. Waftigan oo si heersre ah loogu soo dhaweeyay magaalada Hargaysa, ee caasimada Somaliland, waxana ku qaabilay maadaarka Cigaal International Airport, wasiiro iyo saraakiil sar sare oo dhigooda ah, waftiguwaxa aay joogi doonan wadanka sida uu wariyaheenu uu soo sheegaayo mudo 4 cisho ah iyaga oo booqan doona magalda Berbera iyo meelo kaleba. Warkan oo faah faahsan wax aanu idiin soo gudbin doonaa sida ugu dhakhsiyaha badan Quote Share this post Link to post Share on other sites