Sign in to follow this  
General Duke

Somali leaders [Yusuf,Madoobe, Geedi] with over 400 NRC delegates visit Saudi Arabia

Recommended Posts

400 oo ergo oo ey wehliyaan madaxda sare ee DF oo u duulay Sacudiga

 

Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 16-Sebtember-2007

 

Wafdi heer sare ah oo ay hogaaminayaan madaxda sare ee dowlada KMG ee ah ayaa maanta u duulay magaalada Riyaadh ee dalka Sauudi Carabiya .

 

Madaxweyne Yuusuf , Ra`isul wasaare Geedi iyo gudoomiyaha baaralamaanka Soomaaliya ayaa lagu waramay in uu qaadanayo muddo sedex cesho ah , iyadoo safarkaani uu ka dambeeyo martiqaad ay ka heleen boqorka Sacuudi Carabiya C/lla Bin C/casiis .

 

Mas`uuliyiinta ugu sareeya dowlada KMG ah ayaa waxaa safarkooda ku wehliya ilaa 400 ergo oo ka mid ah ergadii ka qeyb gashay shirkii dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed .

 

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya safarka madaxda sare ee dowlada, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in dowlada Sacuudi Carabiya ay dhex dhaxaadineyso madaxda sare ee dowlada oo la sheegay in uu qilaaf u dhaxeeyo.

 

Afhayeenka xafiiska Ra`isul wasaare Geeddi C/laahi Muxidiin (Codka) ayaa meesha ka saaray in uu jiro wax qilaaf ah o u dhaxeeya madaxda sare ee dowlada KMG ah .

 

Waxa uuna safarkaani soo baxayaa xilli dalalka Sacuudi iyo Masar ay wadaan qorshe lagu qabanayo shir ka dhaca Riyadh kaasi oo lagu taageerayo natiijooyinkii ka soo baxay shirkii dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliya .

 

Maryama Xuseen Axmed

seymuun@hotmail.com

Muqdisho, Calanka .

 

[ September 16, 2007, 05:52 PM: Message edited by: The Duke ]

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Wafdi uu hoggaaninayo Madaxweynaha dowladda KMG oo ay ka mid yihiin Sh. Aadan Madoobe, Prof. Geeddi iyo ergo oo u duulay Sacuudi Carabiya

16. September 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Sadaxda Mas’uul ee ugu sareysa Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Sheekh Aadan Madoobe iyo Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa barqanimadii maanta ka ambabaxay garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho iyagoo ku sii jeeda Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

 

Wafdigan uu hoggaaminayey Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ahaa ergadii shirweynihii dib u heshiisiinta ee Muqdisho ku soo gabagabooway iyadoo ujeedada socdaalka wafdigan uu ka warbixiyay Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka KMG ah oo shir jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha ka hor inta aysan duulin.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ujeedada socdaalkoodu uu la xiriiro sidii ergada shirkii dib u heshiisiinta loogu soo dhaarin lahaa xaramka si loo fuliyo qodobadii lagu heshiiiyay wuxuuna Ra’iusul Wasaaruhu uu sheegay in arintan ay ka danbeysay kadib markii uu dhawaan socdaal uu ku tegay Sacuudi Carabiya ay isla garteen Boqor Cabdalla in ergada shirka la keeno Xaramka iyadoo ay horkacayaan mas’uuliyiinta ugu sareysa dalka.

 

Prof. Geeddi ayaa sheegay in ay la kulmi doonaan Boqorka dalka Sacuudi Carabiya oo ay ka wada hadli doonaan arrimaha dalka Soomaaliya, xiriirka labada dal iyo sidii dowladda Sacuudi Carabiya ugu qeyb qaadan laheyd arrimaha dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska dalka.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaa raaciyay in qaar ka mid ah ergada ay shalay ka duuleen garoonka halka kuwa harsan ay maanta raaceen wafdiga Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

 

Socdaalka wafdiga Madaxweynaha uu horkacayo ayaa lagu waramayaa in mudo sadax maalmood ah ay ku sugnaan doonaan dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

 

Ka hor inta aysan wafdigan ka ambabixin magaalada Muqdisho ayaa saakay aroornimadii ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa Ethiopia ay xereen qaar ka tirsan wadooyinka magaalada Muqdisho si loo adkeeyo amaanka wadooyinka waaweyn ee gala garoonka diyaaradaha iyadoo markii danbe dib loo furay wadooyinkaasi.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafdigii ay hogaaminayeen hogaamiyasha qaranka Somaliyeed oo ka degay Jedda

Last Updated::2007-09-16 16:48:58

 

Jedda:-Waxaa goor dhaweyd ka soo degay madaarka caalamiga ah ee boqor Cabdul casiis ee Jeddah wafdigii ay hogaaminayeen hogaamiyasha qaranka Somaliyeed

Madaxweyne Cabdulahi Yusuf, Ra'isal wasaare Cali Maxamed Geedi iyo afhayeenka barlamaanka Somaliya Adam Maxamed Nuur iyo wafdigii balaarnaa ee ay hogaaminayeen isuguna jiray xildhibaano ka tirsan barlamaanka iyo hogaamiyaal dhaqameedyo.

 

Wafdigan ayaa waxaa madaarka Jeddah ku qaabilay madaarka boqor cabdul casiis Amiirka magaalada Makka Mukaramah Khaalid Faysal bin Cabdulcasiis iyo masuuliyiin ka tirsan dawlada Sucuudiga.

 

Dawlada Sucuudiga ayaa sheegtay in ula jeedada socdaalka wafigan ay tahay sidii ay qalinka ugu duugi lahaayeen go'aamadi ka soo baxay shirkii dibu heshiisiinta qaran ee beelaha Somaliyed ee dhowaan lagu soo geba gebeeyay magaalada Muqdisho.

 

Ilaa iminka lama oga in dawlada Sucuudiga ay balaarin doonto qorshahan iyada oo ku soo daraysa kooxaha mucaaradka ah iyo in qorsahani ku koobanan doono DFKMS keliya. Wixii ka soo kordha wararkas kala soco HorseedNet

 

Warqabadka HorseedNet oo laga taagay ilo wareedyada ku dhaw Sucuudiga iyo Wafdiga Somaalida

 

Faysal Wakaalad

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waftigii ugu balaarnaa oo ka socda Dawlada Somaliya oo siwayn loogu soo dhaweeyay Garoonka Cabdulcasiis ee Magaalada Barakaysan Jiddah.

 

Wafti baaxadle ayna hogaaminayaan Madaxda ugu saraysa wadanka somaliya sida Madaxwaynaha somalia Cabdulaahi yusuf axmed,Gudoomiyaha barlamanka Sh. Aadan Madoobe iyo Raisal wasaaraha somalia cali maxamed geedi iyadoo soo dhawayn balaaran loogu sameeyay garoonka caalamigaa ee Abdulazis.

 

 

 

Waftiga Dawlada somalida oo ahaa kii ugu balaar naa ee abid soo gaara wadanka Sacuudiga ayaa siwayn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha iyadoo waftiga loo galbiyay goob ay ku nastaan ka hor inta aysan kulamo balaaran la qaadan Boqortooyada Sacuudiga.

 

Boqorka sacuudiga Boqor Abdalla ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha waftiga dawlada somalida isagoo ugu hambal yeeyay ramadaanka iyo sidoo kale ifafaalaha nabadeed oo ka soo ifaya wadanka somaliya isagoo sanadka sanadkiisa kale ilaahay iga rajeeyay khayr iyo nabad buuxda oo taam ah.

 

Waftiga madaxwaynaha ayaa lagu wadaa inay todobaadkan ku sugnaan doonaan wadanka sacuudiga iyadoo lagu wado inay kula kulmaan wafti ka socda Kooxda asmara ee mucaaradka ku ah Dawlada somaliya iyadoo aan la shaacin qaabka wada hadalka iyo wakhtiga uu dhacayo.

 

Xarunta Warqabadka Shabakadda Allmudug.org.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Rw Geeddi oo ka war bixiyey safarkooda Sacudiga

 

Mogadishu 16, Sept. 07 ( Sh.M.Network)-3da Mas’uul ee ugu sareysa dowladda Somalia ayaa barqanimadii maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda waddanka Boqortooyada Sacudi Arabiya, waxana wafdiga madaxadaasi sidoo kale ku jira xubno ka tirsan ergadii ka qeyb gashey shirkii dib u heshiisiinta beelaha Somaliyed ee 30 kii August ku soo dhamaadey magaalada Muqdisho.

 

Ka hor inta aaney ka ambabaxin wafidagan garoonka Aadan Cadde International Airport, ayuu shir jaraa’id oo uu ku qabtey garoonka Muqdisho ku sheegey Rw Somalia Cali Max’ed Geeddi in socdaalkooda uu salka ku hayo sidii ergo 400 gaareysa oo shirkii dhamaadey ee Muqdisho ka qeyb gashey ay u aadi lahaayeen Sacudiga si halkaasi loogu soo duceeyo islamarkaana ay isku cafiyaan.

 

Prof Geeddi ayaa hoosta ka xariiqey in dhawaan socdaal uu ku tagey waddanka Sacudi Arabia ay ballan ku wada galeen isaga iyo boqorka Sacudiga in marka uu dhamaado shirka dib u heshiisiinta, qaar ka mid ah salaadiinta Somaliyed iyo saraakiishii la shaqeyneysey la geeyo Xaramka, iyadoo ay hogaaminayaan madaxda dalka.

 

Ergadan qaar ka mid ah ayaa shaley ka duuley garoonka halka kuwa kalena ay maanta raaceen wafdiga uu madaxweynaha hogaaminayo.

 

Wafdiga ayaa waxa ka mid ah Madaxweynaha dowladda Somalia C/laahi Yuusuf Axmed, Rw Cali Max’ed Geeddi, Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Max’ed Nuur (Madoobe), xubno ka tirsan dowladda Somalia iyo qeybo kale oo ka mid ah ergadii Shirka Muqdisho ugu soo dhamaadey.

 

Click here to find this article in English

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxda DF oo jooga Sacudiga

16 Sep 16, 2007 - 12:02:59 AM

 

Madaxweynaha, Ra'iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamanka Somalia, ayaa maanta ka amba baxay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayaga oo kusii jeeda dalka Saudi Arabia, halkasi oo uu ku casuumay boqorka dalkaasi.

 

 

Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Cali Maxamed Geedi iyo Sheekh Aadan Maxamed Nuur "Madoobe", ayaa halkaasi joogi doona illaa waqti aan la cayimin, iyaga oo wada hadalo la yeelan doona Madaxda waddankaasi.

 

 

Ammaanka magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka garoonka Aadan Cadde, ayaa si aad ah loo adkeeyay si loo xaqiijiyo bad baadada saddexda mas'uul.

 

 

Wasiirka warfaafinta Somalia Madoobe Nuunow Maxamed, ayaa ayaa casuumadda ku macneeyay mid ay xukuumadda Riyad ku ayi-deyso, sida uu hadalka u dhigay shirkii dib u heshiisiinta ee Muqdisho lagu soo gaba gebeeyay.

 

 

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in xukuumadad Riyadh ay waddo dadaalo ay ku dhex dhexadineyso dhinacyada is haya ee Somaalida, taasina ay keentay casuumada ay madaxda u fidisay.

 

 

Dowlada Saudi Arabia oo ay wehliso Masar, ayaa wada dadaalo ay doonayaan inay xal siyaasadeed ugu helaan arrimaha Somalia.

 

 

Ahmed Ali Shiekh, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxda Dowladda KMG ah oo u ambabaxay Dalka Boqortooyada ee Sacuudi Carabiya. Muqdisho, Axad, 16 Septemper - 2007 [Radio Simba]

 

Wafdi ay hogaaminayaan madaxda ugu sareysa dowladda KMG ah ee Somalia, ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho, iyagoona kusii jeeday Dalka Boqortooyada ee Sacuudi Carabiya.

 

 

Wafdigan ayaa waxaa horkacaya Madax weyne C/llaahi Yuusuf, waxaana ku wehliya Ra'iisal wasaare Cali Max'ed Geedi, Gudoomiyaha Baarlamaanka Sh. Aadan Madoobe, xubno ka tirsan labada Gole ee Dowladda KMG ah, Salaadiin iyo Mas'uuliyiin kale, kuwaasoo goor dhoweyd ka ambabaxay Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde International Air Port ee magaalada Muqdisho.

 

Safarka mas'uuliyiintan ayaa yimid ka gadaal markii, ay casuumaad ka heleen, Boqorka Dalka Sacuudiga, Boqol Cabdalla Bin C/casiis, sidaasi waxaa Warbaahinta u xaqiijiyay Ra'iisal wasaare Geedi.

 

R/wasaaraha ayaa hadalkan sheegay ka hor inta uusan Garoonka Aadan Cadde ka ambabixin, isagoona tilmaamay in uu jiro balan qaad hore oo ay ka heleen Boqor Cabdalla, kaa oo ku saabsan in marka lasoo gaba gabeeyo Shirkii Muqdisho lagu qabtay, uu kulamo la qaadan doono Ergadii Shirkaasi ka qeyb gashay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxda Sare Ee Dowlada KMG Ah Oo Dhoofay Dalka Sacuudi Carabiya

Posted to the MOL September 16, 2007, 7:26 am

 

Wafdi heer sare ah oo ay hogaaminayaan madaxda sare ee dowlada KMG ee ah ayaa maanta u duulay magaalada Riyaadh ee dalka Sauudi Carabiya . Madaxweyne Yuusuf , Ra`isul wasaare Geedi iyo gudoomiyaha baaralamaanka Soomaaliya ayaa lagu waramay in uu qaadanayo muddo sedex cesho ah , iyadoo safarkaani uu ka dambeeyo martiqaad ay ka heleen boqorka Sacuudi Carabiya C/lla Bin C/casiis .

 

Mas`uuliyiinta ugu sareeya dowlada KMG ah ayaa waxaa safarkooda ku wehliya ilaa 400 ergo oo ka mid ah ergadii ka qeyb gashay shirkii dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed .

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya safarka madaxda sare ee dowlada, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in dowlada Sacuudi Carabiya ay dhex dhaxaadineyso madaxda sare ee dowlada oo la sheegay in uu qilaaf u dhaxeeyo.

 

Afhayeenka xafiiska Ra`isul wasaare Geeddi C/laahi Muxidiin (Codka) ayaa meesha ka saaray in uu jiro wax qilaaf ah o u dhaxeeya madaxda sare ee dowlada KMG ah

Waxa uuna safarkaani soo baxayaa xilli dalalka Sacuudi iyo Masar ay wadaan qorshe lagu qabanayo shir ka dhaca Riyadh kaasi oo lagu taageerayo natiijooyinkii ka soo baxay shirkii dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliya .

 

 

Xafiiska Mudugonline, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this