Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu group in turmoil: Ato, Aydeed, courts, Noth Clan missing

Recommended Posts

Maleeshiyooyin lagu xareeyey xerada Hiilweyne ee Muqdisho iyo Su'aalo weli taagan!

Muqdisho :- Xeradii ciidamada ee Hiilweyne ayaa la isugu geeyey qeyb kamid ah maleeshiyooyinka loogu talo galay in ay nabadeeyaan magaalada Muqdisho.

 

Maleeshiyooyinka oo lagu qiyaasay 350 ayaa qeyb ka ah dadaalka uu guddiga nabadeynta ee magaalada Muqdisho ugu jiro sidii magaalo madaxda looga dhigi lahaa dhul nabadi ay ka jirto.

 

Maleeshiyooyinkan la isugu geeyey xerada Hiilweyne ayaa waxaa wehliya in ku dhow 20 gawaarida tiknikada loo yaqaan ah oo ay halkaasi isugu keeneen qaar kamid ah hogaamiyasha hubeysan.

 

Sidoo kale xerada Laanta buuro ayaa lagu xareeyey maleeshiyooyin kale oo qeyb ka ah hawlahan, waxaana halkaasi la geeyey dhowr iyo toban kamid ah gawaarida Tiknikada.

 

Dhamaan Maleeshiyooyinkan ayaa la sheegay in maanta loo bilaabi doono tababaro iyo casharo la xariir sidii ay isula shaqeyn lahaayeen iyo qaabka ciidameedka looga baahan yahay in ay u dhaqmaan.

 

Dhaq dhaqaaqan ayaa ku socda si xawli ah balse waxaa laga cabsi qabaa in lagu deg dego arrimo muhiim ah oo aan weli si qoto dheer looga tashanin.

 

Qaar kamid ah hogaamiye kooxeedka ayaa ka qaabsaday in ay maleeshiyooyinkooda usoo diraan xeradaasi, waxaana kamid ah hogaamiyaasha Cusmaan Caato oo aan weli keenin ciidamadii laga sugayey.

 

Marka laga yimaado hogaamiyaashii saxiixay heshiiska Muqdisho lagu nabadeenayo waxaa ayaguna meesha ka maqan qaar kale oo kamid ah hogaamiyaasha fikirkaan kasoo horjeeda.

 

Maxamed Xussen Caydiid oo kamid ah kooxaha hubeysan ee Muqdisho iyo waliba kooxo kale oo ay ku jiraan Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ah iyo Kuwa ganacsatada ayaa qorshahan qeyb ka ahayn.

 

Waxaa ayaduna si weyn loo hadal hayaa cida bixin doonta mushaharada ciidamadan iyo waliba wixii ay ku hawlgali lahaayeen oo lagu qiyaasay lacag aad u tiro badan.

 

Ganacsatada oo qaarkood horey u sheegay in ay qorshahan ka qeyb qaadanayaan ayaan maalmihii ugu danbeeyey laga dhex arag dhaq dhaqaaqa ciidamada la isugu keenayo.

 

Qaar kamid ah guddiga Nabadeynta ee magaalada Muqdisho oo aan wax ka weydiiyey cida bixin doonta kharashka ku baxaya ciidamada la aruurinayo ayaa sheegay in ay beesha caalamka iyo dowlada Soomaaliya laf ahaanteeda laga rabo in ay ka qeyb qaabtaan sidii lagu hawlgelin lahaa qorshahan oo uu ku tilmaamay mid loo baahan yahay in ay cid waliba ka qeyb qaadato.

 

Dhanka kale qaar kaloo kamid ah Guddiga ayaa sheegay in lacagta laga qaadi doono beelaha ****** ee ku sugan Muqdisho, waxaana jira koox kale oo arrinkaasi kasoo horjeeda kuna sheegtay qorshaha Muqdisho mid Qaranka Soomaaliyeed oo dhan ay u taal.

 

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa il gaar ah ku haya sida ay hawlahan ku socdaan ayadoona ay jiraan su'aalo badan oo la isweydiinayo hadana waxaana meesha ka marneyn baahida loo qabo in wax natiijo ah kasoo baxaan dadaalka laga wado magaaladan Muqdisho.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Muqdisho, Somaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maleeshiyaadka la isugu geeyay Laanta Buur iyo Hiilwayne ayaa waxaa lagu soo waramayaa in loo qorsheeyay si ay uga hor tagaan DFKG oo iyadu iclaamisay in ay kala dagayso Magaalooyinka Baydhabo iyo jowhar. :: (171 Reads)

 

Posted by webmaster on Tuesday, May 17, 2005 - 02:25 AM

 

Warar aanu ku helay si qarsoodi ah ayaa waxa ay sheegayaan maleeshiyaadkaan la ga uruuriyay Magaalada Muqdisho ee la isugu geeyay Hiilwayne iyo Laanta Buur in ujeedooyin badan laga leeyahay, taasoo aan marnaba salka ku hayn Nabad ku soo dabaalida Magaalada Muqdisho.

 

Balse ay tahay ka hortaga barnaamijyada DFKG, iyo xagal daacinta hirgalinta hubka dhigista ay Dowladu horay ugu dhawaaqday taasoo ku salaysan hab qabiil.

 

Maleeshiyaadkaan ayaa waxaa loo xilsaaray Jeneraal Galaal in uu diyaariyo sidii ay ku howlgali lahaayeen, waloow ay jirto is aamin daro ka dhex jirta Hogaamiya kooxeedyada dhexdooda.

 

Cusmaan Xasan Cali Caato ayaan isagu haba yaraatee cidamadiisu ka qayb qaadan howlgaladaan looga hortagayo DFKG ah.

 

Halka Ganacsadayaasha Muqdisho iyo Ciidamada Maxkamaduhu ay leeyihiin iyagu si bareer ah uga soo horjeestay in ay ka qayb qaataan dhaq dhaqaan.

 

Wasiirka Amniga Qaranka ahna Raysul Wasaare ku xigeenka DFKG Mudane Xuseen Maxamed Faarax Caydiid ayaa isaguna gabi ahaanba ka soo horjeestay Howlgaladaan, isaga oo ku baaqay in ay tahay howl qaran oo isaga loo xilsaaray in uu ka shaqeeyo Nabadaynta Magaalada Muqdisho.

 

Dhaq Dhaqaaqa ka hortaga DFKG ee ka socda Magaalada Muqdisho ayaa ku soo aaday wakhti dowladu ay isu diyaarinayso in ay Dalka dib ugu laabato.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

^^Detect from above sign of utter desperation through false propaganda......in other words..waa hadaladi nin ay godkiisi biyo ugu so galeen..! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this