Emperor Posted May 13, 2009 Mark Bowden: Million ka Badan ayaa ka Barakacday Dagaalada Muqdisho Horsed Media News Desk Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisey xaalada daran ee abaarta ee ka jirta dalka Soomaaliya, taasi oo lagu tilmaamay inay tahay tii ugu liidatey muddo 10 sanadood ah. Mark Bowden oo ah Xiriiriyaha Gargaarka Bani’aadanimo ee Soomaaliya ayaa kulan jaraaid oo uu ku qabtey magaalada Geneva waxa uu ku sheegay in xaalada abaarta ee ka jirta dalka ay tahay midi ugu cusleyd ee soo marta dalka mudo ka badan 10 sano, iyadoo ay jiraan tiro soo kordheysa oo carruur ah oo xaaladoodu ku dhow dahay nafaqo dari. Ku dhowaad 3.2 million oo dad ah ayuu sheegay Mark Bowden inay u baahan yihiin gargaar bani’aadanimo oo deg deg ah. “waxaanu hadda wajeheynaa abaaro ka jira Soomaaliya, taasi oo ah midii ugu darneyd mudo sanado ah”, ayuu yiri Mark Bowden. Xiriiriyaha gargaarka bani’aadanimo Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Soomaaliya waxa uu sheegay in qeybaha koonfurta iyo bartamaha dalka 24% carruurta ku nool ee da’doodu ka yar tahay 5 sano ay wajahayaan xaalad nafaqo darri daran. Warbixinada soo baxaya ayuu sheegay Mark Bowden in meelaha qaar laga soo sheegayo in xoolaha ay u dhimanayaan biyo la’aan iyo iyadoo aanu jirin daaq. Dagaalada ka dhacay magaalada Muqdisho todobaadkan ayaa dad ka badan 1 million ku qabsay inay ka cararaan guryahooda. Dalabka Qaramada Midoobay ee gargaarka bani’aadanimo ayaa sanadkan la gaarsiiyey $984 million, ka dib markii la arkay in xaalada hadda dalka ka jirta ay aad u culus tahay. Warbixinta xafiiska gargaarka bani’aadanim ee Qaramada Midoobay ayaa soo baxday iyadoo guud ahaan dalka ay saameysey abaarta iyo biyo la’aanta. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted May 13, 2009 Dagaalada ka dhacay magaalada Muqdisho todobaadkan ayaa dad ka badan 1 million ku qabsay inay ka cararaan guryahooda. Quote Share this post Link to post Share on other sites