Sign in to follow this  
Emperor

Geneva:'Over a million refugees as a result of the 5 day war' UN's Mark Bowden

Recommended Posts

Emperor   

Mark Bowden: Million ka Badan ayaa ka Barakacday Dagaalada Muqdisho

 

Horsed Media

News Desk

 

Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisey xaalada daran ee abaarta ee ka jirta dalka Soomaaliya, taasi oo lagu tilmaamay inay tahay tii ugu liidatey muddo 10 sanadood ah.

 

Mark Bowden oo ah Xiriiriyaha Gargaarka Bani’aadanimo ee Soomaaliya ayaa kulan jaraaid oo uu ku qabtey magaalada Geneva waxa uu ku sheegay in xaalada abaarta ee ka jirta dalka ay tahay midi ugu cusleyd ee soo marta dalka mudo ka badan 10 sano, iyadoo ay jiraan tiro soo kordheysa oo carruur ah oo xaaladoodu ku dhow dahay nafaqo dari.

 

Ku dhowaad 3.2 million oo dad ah ayuu sheegay Mark Bowden inay u baahan yihiin gargaar bani’aadanimo oo deg deg ah.

 

“waxaanu hadda wajeheynaa abaaro ka jira Soomaaliya, taasi oo ah midii ugu darneyd mudo sanado ah”, ayuu yiri Mark Bowden.

 

Xiriiriyaha gargaarka bani’aadanimo Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Soomaaliya waxa uu sheegay in qeybaha koonfurta iyo bartamaha dalka 24% carruurta ku nool ee da’doodu ka yar tahay 5 sano ay wajahayaan xaalad nafaqo darri daran.

 

Warbixinada soo baxaya ayuu sheegay Mark Bowden in meelaha qaar laga soo sheegayo in xoolaha ay u dhimanayaan biyo la’aan iyo iyadoo aanu jirin daaq.

 

Dagaalada ka dhacay magaalada Muqdisho todobaadkan ayaa dad ka badan 1 million ku qabsay inay ka cararaan guryahooda.

 

Dalabka Qaramada Midoobay ee gargaarka bani’aadanimo ayaa sanadkan la gaarsiiyey $984 million, ka dib markii la arkay in xaalada hadda dalka ka jirta ay aad u culus tahay.

 

Warbixinta xafiiska gargaarka bani’aadanim ee Qaramada Midoobay ayaa soo baxday iyadoo guud ahaan dalka ay saameysey abaarta iyo biyo la’aanta.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Dagaalada ka dhacay magaalada Muqdisho todobaadkan ayaa dad ka badan 1 million ku qabsay inay ka cararaan guryahooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this