Sign in to follow this  
Coloow

Mala cuskadaa xinniyo(qooro(dho), raayo) kaneecaad?

Recommended Posts

Coloow   

Assalamu calaykum walaalayaal!

 

Kadib burburkii qaranka soomaaliyeed; waxaa soo baxay dad soomaaliyeed oo shaqo ka dhigtay inaay ku qaraabtaan waxyaabaha dadka caqliga lihi aay ka xishoodaan.

 

Waad ogtihiin baan u maleeynayaa in 20 sanno oo ugu dambeeysay aay rag/haween aay ku dawarsadaan waxyaabaha aay jecelyihiin reer galbeedba sida (gudniinka dumarka FGM). Magaalo kasto oo weyn oo aad tagtid waxaa ka jira mashaaric ku dhisan afminshaarnimo oo aay wakiil yihiin dad soomaliyeed (iyo gaalo), kuna heeybsado inaay la degaalamayaan FGM- inkastoo aay arrintaani ka dhicin wadamada aay soomalida u soo bari tagtay.

 

Sidoo kale waxaa jira hay'addo isku sheega inaay samafal yihiin oo ka jira degmooyin badan oo soomaliya ka mid ah. Hay'addahaan oo aalaba aay maalgeliyaan ururo ujeedadooda aaysan ahayn in soomaliya aay degto.

 

Beryahaan dambe waxaa soo batay dad masuuliyiin isku sheega oo ku qaraabto in soomaliya aay saldhig u tahay irhaabi. Waa xaqiiq inaay niman irhaabiyiini joogaan soomaliya (Dawlad ku sheega, odayaal beelaha, gacan ku dhiigle -warlord)- hase yeeshe maanta irhaabinimadu loola ma jeedo moryaanta iyo dawlad ku sheega ee waxaa loola jeedaa dadka wadaadada ah.

 

WAAN OGNAHAY IN IRHAABINIMADA SOOMALIYEED AAY TAHAY MID QABYAALADEED OO MA AHA MID DIIMEED!

 

Waa yaabe, wadaadka soomaliyeed gormuu irhaabi noqday? Xaqiiqdu waxaay tahay in soomaliya oo idil iyo carliga soomaliyeed oo gaalo-madoowda aay gumeeysato- soomalilandh, djibouti aay wadaada qeyb weyn ka qaataan noolosha dadka, una fidiyaan dadka culuun, waxbarashado iyo rugo caafimaad!

 

Ninkii wadaad isku sheega oo taageero dawlad ku sheega ama warloodh Wadaad ma aha- oo maqaalkaan ma khuseeyo.

 

Toloow, dadka ku qaraabta IRHAABI ayaa ka jira soomaliya ma waxaay dhayeelsadeen jaceeylka dadkeena aay u qabaan diinteena? Toloow ma waxaay isleeyihiin dadka dawladda ka soo horjeeda ayaa lagu xakameeynaa? Dawlad baastaan soo wasiiro kama ah Hiraale, Caydid, Caato, Muuse, Cabdullahi Yusuf, etcetc oo gacan ku dhiiglayaal ah? Soo kuna irhaabi ma aha?

 

Ilaaheey ha soo hanuuniyo kuwa ku qaraabta irhaabi ayaa ka jira soomaaliya;

 

Toolow sooma oga in mareeykanka iyo xulafadiisa haddii aay weerar ku qaadan "irhabiga" soomaliyeed ayaa dhimanayaan dad soomali ah , oo islaan ah?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Caaqil,

 

Su'aasha qoraalka aad summada uga dhigtay jawaabteedu waa MAYA lama cuskado lamana cuskan karo xaniinyo kaneeco saa maba lehe.

 

Laakiin waxaad iiga dhacdaa oo iga weydiin ah dadka iyaggu u istaagay in ay wax ka qabtaan gudniinka fircooniga ah maxay bi'iyeen? Si kale hadaan u dhigo weydiintaa: ma ololaha ka dhanka ah gudniinka fircooniga ah baa dhib u aragtaa mise kuwa ku qaraabta ama sida loo maamulo ama cidda caawisa yaad si u diidan tahay?

 

Waxaan qabaa hawsha "ihraabka" la xiriirta iyo kuwa farta ku goda waa hawl siyaasad si xun loo fahmay salka ku haysa. Arrin ugub ah ma aha. Dadku sidoodaba hadaanay qadiyad lahayn amaba mabda' celiya weysaga bareeraan wax walba oo ay is yiraahdaan waad kaga guulaysaneeysaa kooxda ay markaa is hayaan. Taa waa kula qabaa.

 

Is arag wacan awoowe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaan ka dib, culimo, waa siduu sheegee ninka Oday Baashi, anigu waxaan ku dari lahaa in arinta gudniinka ay daba joogto qadiyadii aheyd in dumarka arimahooda gabaad looga soo dhigto wixii lagu carqaladeyn lahaa dadka soomaaliyeed, waliba faragalin bareero ah loogu sameeyo diintooda iyo dhaqankooda, waliba kiisa haboon ee aan guracneyn.

 

Waxaan aragnaa meelo badan oo caalamka islaamka ah oo ay dagaal ba'an ku hayaan qolyahaas hadafka reer galbeedka wataa, oo marwalba bulshooyinka islaamka kasoo gala dhanka dumarka, lana taagan inay danta iyo maslaxada dumarka ka hadlaan iyagoo qorshahooda dhabta ahi uu yahay sidii fitno iyo mashaakil loogu abuuri lahaa bulshadaas, tusaale waxaa kuugu filan Sacuudiga dumarka jooga waxyaabaha ay ka sheegaan oo ah gaadiidka inaysan dumarku kaxeyn karin, taasina ay cadaalad daro tahay! Taasi koley halkaan ayaan uga haray, inkastoo ay tusaalooyinku badan yihiin.

 

Laakiin midaan irhaabiyada ku saabsan anigu waxaan arkaa iney tahay garbaduud la doonayo in Ethiopia naloogu gacma qabto si diinta darafta aan uga dhagan nahay nalooga qabto. Meyd waxaa u danbeeyay kii hada lasii waday, waxaa igu maqaal ah in wasiir kusheega arimaha dibada ee dowlada kusheega Kenya lagu soo dhisay in uu shirkii Ururada Islaamka ka dhex sheegay in qarash loo baahan yahay hadii ay caalamka islaamka xiiseynayaan in laga hortago argagixisada soomaaliya xaadirka ku ah. Waxaan ka baqayaa inuu markaas ula jeeday Muuse Suudi Yalaxow! :D

 

Hada ka hor mar uu C/laahi Yuusuf ku andacoon jiray arimahaas inay wadanka ka jiraan ayaa la sheegay in mid ka mid ah qabqablayaasha uu yiri, war cidkale ma jiraane ma waxaa loo socdaa wadaadada cidayada u jooga? Marka xitaa hadeey timaado in soomaaliya irhaabi laga sheego, midhaa qabiilo dhan ayaa noqon doono irhaabi markeey la saftaan culimada kasoo jeeda beeshooda. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coloow   

Assalamu calaykum,

Baashiyow, maqaalkaan waxaan qoray shalay mar aan daawanaayey dood ka socotay aalada laisku daawadoo(TV)dalkaan. Laba qof oo soomaali ah ayaa ka doodeeysay dhibaatada gudniinka. Aaaradooda ma aaysan ahayn mid ku saabsan dhibaatada gudniinka ee soomaliya ee waxaay ahayd mid ku lug leh in gabdho soomaaliyeed ee degan Yurub loo kaxeeyo soomaliya si loo soo gudo! Wariyihii ayaa weydiyey inaay jiraan hablo dibada loo kaxeeyey, hase yeeshe waay bixin waayeen jawaab. ururkaasi waxaa lagu maal geliyaa lacag canshuur ah : markii aan u dhabagalay waxaa ii cadaatey in ujeedadoodu aay tahay in faafiyaan warar xun xun oo aan saldhig lahayn.

 

Xaqiiqdu waxaay tahay in gudninka lala dagaalamayo soomaliya. Wadaada sida aay u badanyihiin waay ka soo horjeedaan. Miyiga weli wuu ka jiran.

 

Waxaa kale oo jirta in Yurub iyo Ameriika aay ka soo socoto arrin ku saabsan inaay soomaliya aay saldhig u tahay irhaabi. Waxaad moodaa in jawiga cusub uu sababay in lacag lagu helo sheegista irhaabi.

 

Qof kastoo oo soomaali ah oo u daneeynaayo qabyaalad wuxuu isticmaalayaa arrinta irhaabi. Arrintaani waxaay sababtay in dadka soomaaliga ah oo naba jecel oo dibadaha degan lagu tilmaamo Irhaabiyiin!

 

Mogadishu burcada hooyga ka dhigatay markii aay doonayaa inaay gaalada wax siiso waxaay ku qarabtaan irhaabi; sidoo kale dawlad ku sheega jowhar: Soomaaliland maqaalo badan ayaa ka soo baxay oo sheegayo inaay la degaalamayaan irhaabi:

 

Sida aan kor ku xusay irhaabi waxaay noqotay aalad lagu qaraabto.

 

Alle-U baahane, akhi amxaaro meesha kama maqno laakin beryahaan arrinta irhaabi waxaay noqotay kelmad "trend" ah. Soomaalidaa isku sheegto aqoonyahan, madax iwm ayaa isticmaasho si aay u maquuniyaan midnimadeena iyo diinteena sharafta leh. Umaddii waxaay noqotay mid lacagi aay hoogaamiso.

 

Waxaa igu maqal ah in niman wadaado ah laga kaxeeyey xamar iyo meel kale- in dad masaakiin ah oo xoogsato ah oo carab laga kaxeeyey Bosaso; In liis gacanta loo geliyey xabasho.

 

Nimankaan ku qaraabanayo irhabi ayaa ka jira soomaliya waa kuwa ummadda soomaliyeed laayey, magaceenana meel ugu dhacay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaan...

 

Run maala isku sheego Soomaaliya argagaxiso waa joogtaa. Weena joogeen wixii ka danbeeye 1991. Argagaxisnimo shaleey masoo bixin, laakiin waxaa igu daran maanta markii ereygaas laga hadlaayo maxee muuqaalkeena sidii gaalada camal u noqday: Wadaadadii argagaxiso loogu koobay, oo kii waranlaha ahaa meeshaba ka muuqan?

 

Aniga argagaxiso iyo wax ka daran waxaan u aqaanaa kii wax kufsanaayo, dilaayo, boobaayo, dhul xalaaleysanaayo, dadkii dhulkaas lahaana adoomo ka dhigtay.

 

Aniga argagaxiso waxaan u aqoonsanahay nin dhulkii Eebbe bini aadenkiis ugu nimceeye dhirta xad dhaafnimo ku jaraayo oo maadarooyin ku beeraayo, bada sunta ku shubaayo, daawooyin dhacay dalka keenaayo oo la iska ilooway in jiilka mustaqbalka soo koraayo ay xaq u lee yihiin dhul barwaaqeysan, bad naafisan iyo gayi nabadeesan.

 

Fowdadaas iyo wax ka daran ayaan u aqaanaa argagaxiso. Waxaas iyo wax ka darana kuwa u horbooda, oo had iyo jeer dadka kale ugu waco argagixiso ayaa sameeyo iyo taageerayaashooda.

 

Su'aasha waxee tahay: Yaa isku aqoonsan argagaxiso?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coloow   

Maskiin macruuf akhyaar, saaxib waan kula qabaa intaad sheegtay oo idil.

 

Taarikhda soomaliyeed kama maqneen argagaxsnimo tan iyo markii xornimada (Hargeisa, xamar, mudug) iyo inta ka dambeeysay 1991.

 

Laakin anigu waxaan sheegay "argagaxsinimada" lagu qaraabto. Ogoow gaal waxba kama galin haddaay soomali islaaynayso- oo waxaa hantidiisa iyo dhegihiisba lagu soo jedin karaa oo qur ah "irhaabi, aragaxgaso" iwm.

 

Maanta wuxuu xaalka joogaa in lagu qaraabto, hantina lagu helo.

 

Allow fiicnaan lahaydaa haddii la soo qabqabto moryaan, tuugada, dadka boobay dhulka dadka kalay, dilna geestay- laakin maanta kuwaasi lagama wado- tuugada waxaasi sameeysay ayaa ku qaraabanayo.

 

Waxaa qarka loo saaranyahay in dad soomaaliyeed oo waxba galabsanin lagu weeraro irhaabi waaye (dhulka iyo dibada).

 

2002 liis ayaa tusaale ahaan tuugada xamar joogto (Caydid), Abdullahi yusuf aay u gudbiyeen ethiopia oo ka kooban 15 wadaad oo aay ku tilmaameen argagaxiso!

 

Waan ogsanahay in qaar isku sheega wadaado aay dadka degan shabeelooyinka argagax ku haayaan; sidoo kale jubbooyinka waxaa ka socda argagax- laakin dadkaasi looma jeedo!

Share this post


Link to post
Share on other sites

MMA, koley aniga kuguma raacsani arintaas aad ka sharqamisay sababtoo ah argagixiso lama oran karo masiibada nagu habsatay ee qabiilka iyo mashaqadiisa ah. Waa in lagu eegaa ookiyaale kale oo ka duwan kan maanta la doonayo in muslimka lagu gumaado. Erayga argagixiso waa eray lala beegsaday Muslimiinta oo macnihiisu yahay in diinta laga hortago faafideeda, laakiin waxa soomaaliya ka socda maaha wax diin ku qotoma waa jahli, sababtoo ah rasuulka scw wuxuu qabiilka ku tilmaamay jaahiliyo tii ugu danbeysay.

 

Marka adoon arinta ku dagdagin malaga yaabaa inaad intaas aad sheegtay oo xadgudub ah jaahiliyo ku timaamtid?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaan...

 

Caaqil, dadkaas ereyga argagaxnimo ku qaraabanaayo waa dad danahooda buur iyo cirba u fuulaayo. Xataa hadee walaalahooda gadayaan wey gadayaan oo jago lagu helaayo. Caalamkana waala socdaa. Caalamka mar ayaa la siray oo Soomaali arimahooda biyo dhusuq iyo fashaq ah la fara gishteen iyagoo waxba kala socon, laakiin maanta waa og yihiin mar dambe in la siri doonin.

 

Dadkaan hadee ogaan lahayeen jago awood lagu heli karo waxee dhihi lahayeen Soomaalida waa gaalo. Runtii. Marka casriga iska cusub ee la qabsadeen, maadaama maanta wadankii adduunka ugu awooda badnaa (dhanka "materialka") uu hogaamiyahooda maalin iyo habeen ku haayo argagaxiso, wax ee ka gadaan ee raadinayaan. Ma u dhageysan doonaa? Ma u maleynaayi.

 

Eebbe u baahnoow, ereyga "argagax" maxaa u taqanaa? Ereyga argax uu kasoo jeedaa, qof had iyo jeer cabsi heyso. Argagaxiso wadaado inta uma jeedi aniga (tan waaba isku raacnay), laakiin argagaxiso wajiyo badan ayee leedahay.

 

Nin xoog gurigaaga ku soo kordagay, ku qabsaday. Oo hadana beerahaaga kugu falanaayo sidii adoonka. Oo gabdhahaaga xoog ku guursanaayo. Jiiq iyo jaaqna aadan dhihi karin oo cabsi iyo xabsi ugu jirtid, ee qofkaas maxaa u taqaanaa? Ugu wac magac walba, laakiin magaciisa koowaad argagaxiso waaye.

 

Qaarkood jaahilnimo kama heysee kibir iyo islaweyne iyo qori caabud ayaa u geysatay. Qaarkood "wadaado" ayeeba isku maleyaan, oo magac "sheekh" la baxay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this