Maaddeey Posted June 16, 2010 Madaxwayne Faroole oo sheegay In dilalka ka dhaca Puntland laga soo abaabulo Koonfurta Soomaaliya Arbaco, June 16, 2010 (HOL) −Madaxwaynaha Puntland Dr C/rixmaan Maxamed Faroolle oo ka qayb galay kalfadhigiii 24aad ee Barlamanka Puntland ayaa ka hadlay Dilalkii ugu danbeeyay ee ka dhacay meelo kamid ah Gudaha Gobolka. Waxa uu sheegay Madaxwaynaha in ay jiraan dad dano gaar ah ka leh Puntland ,isla markaana doonaya iney horseedaan qas iyo dhibaato ,isagoo xusay in Puntland ay nabad tahay. Madaxwayne Faroolle ayaa sheegay in dilalka Puntland ka dhaca badankood laga soo agaasimo koonfurta Somaliya ,Waxaana uu intaa ku daray in ay saldhigyo ku leeyihiin meelo ka mid ah magaalooyinka gobolka ugu muhiimsan. Inta badan kiisaskii Puntland ka dhacay gacanta ayaa lagu hayaa ,balse waxaana jira kuwa meello ka baxsan dalka laga soo abaabuloo oo lagu raad joogo" ayuu yiri Madaxwaynaha oo markaasi kahadlayay amaanka Puntland. Dr C/rixmaan Maxamed Faroolle madaxwaynaha puntland ayaa tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Gaarsoorihii Maxkamada Gobolka Bari oo Maalmo ka hor Bosaaso lagu dhex toogtay. Ugu danbayntii hadalka ka soo yeeray madaxwaynaha puntland ayaa imaanaya,iyadoo maalmo ka hor maamulka lagu eedeeyay in uu wax ka qaban waayay amniga gobolka oo ay ka dhaceen dilal kala duwan. Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online Boston@hiiraan.com Bosaso,Somaliya Quote Share this post Link to post Share on other sites
Haatu Posted June 16, 2010 Always blame the Southerners. What a fool. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Shilling Posted June 16, 2010 There is no doubt that those who destroyed Mogadishu would not blink to destroy Puntland, Somaliland, and extend their violent reach to neighboring countries like Ethiopia and Yemen. I'm going to have to agree with Faroole on this. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted June 16, 2010 al shabab is a threat to pland indeed. Quote Share this post Link to post Share on other sites