Sign in to follow this  
General Duke

Puntland: Galkacyu is of limits to the clan courts....

Recommended Posts

Culumaa'udiinka Gobalka Mudug oo Baaq u diray Puntland iyo Maxkamadaha

Last Updated::2006-08-11 17:53:18

 

Gaalkacyo:- Baaq ayey maanta magaalada Gaalkacyo kasoo saareen Culumaa'udiinka Gobalka Mudug oo isku duuban.

 

Culumaa'udiinka ayaa maanta oo jimce ah ka codsaday Puntland in aysan wax weerar ah ku qaadin maleeshiyooyinka Maxkamadaha Islaamiga.

 

Baaqan ayaa sidoo kale loogu sheegay maleeshiyooyinka Maxkamadaha Islaamiga ee ku sugan Gelinsoor in aysan halkaasi soo dhaafin, isla markaana aysan usoo gudbin dhinaca Gaalkacyo.

 

Culumaa'udiinka ayaa ka codsaday Dowlada Puntland in ay dib usoo celiyaan ciidamo faro badan oo fadhiya banaanka magaalada Gaalkacyo, waxayna u xaqiijiyeen in ay ku taageersan yihiin Puntland is difaaceeda balse loo baahan yahay in dagaal la horseedin.

 

Dowlada Puntland ayaa lagu soo waramayaa in ay si rasmi ah uga aqbashay Codsiga Culumaa'udiinka.

 

Dhinaca Maxkamadaha islaamiga ayaa ayaguna la sheegay in ay aqbaleen in aysan soo dhaafin magaalada Gelinsoor.

 

Arrintan ayaa timid ayadoo ay magaalada Gaalkacyo ay ka baxeen odayaasha iyo waxgaradka Koonfurta Mudug, ayagoo tagay magaalada Gelinsoor si ay ulla hadlaan in ay maleeshiyooyinka ku sugan Gelinsoor.

 

Odayaasha iyo Culumaa'udiinka kasoo jeeda gobalka Mudug ayaa la sheegay in ay ka codsadeen maleeshiyooyinka halkaasi ku sugan in aysan u dhaqaaqin dhinaca Gaalkacyo.

 

Cabdifutaax Shirwac

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamadii Puntland ee koonfurta Mudug u gudbay oo dib loo soo ceshay

 

Last Updated::2006-08-11 18:18:21

 

Gaalkacyo:- Waxay dowlada Puntland ka qaaday koonfurta magaalada Gaalkacyo ciidamo badan oo saaka halkaasi la geeyey.

 

Ciidamadan oo ka badan 1500 askari oo ku hubeysan gadiidka Tiknikada ayaa la sheegay in ay maanta difaac ka galeen koonfurta magaalada Gaalkacyo.

 

Ciidamadan oo ku sugnaa meel ka baxsan magaalada Gaalkacyo oo ku beegan dhinaca magaalada Gelinsoor ayaa laga cabsi qabay in ay weerar ku qaadaan dhinaca magaalada Gelinsoor.

 

Culumaa'uudinka gobalka Mudug ayaa maanta ka codsaday Dowlada Puntland gaar ahaan Madaxweynaha Puntland Cadde Musse oo hada ku sugan Gaalkacyo in la qaado ciidamada ay Puntland u dirtay Koonfurta Mudug.

 

Qaar kamid ah Culumaa'udiinka oo HorseedNet u waramay ayaa sheegay in Madaxweynaha uu arrintaasi ka aqbalay.

 

Dhinaca kale Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Col.Carays ayaa maanta sheegay in Puntland aysan wax weerar ah qaadi doonin, balse ay difaac uga jiraan magaalada Gaalkacyo, ayna ogolaan doonin maleeshiyooyin xoog ama si kale kusoo gala magaalada Gaalkacyo.

 

Ciidamada Puntland ee Daraawiishta ayaa maanta la arkayey ayagoo baaraya gaadiidka ka imaanaya magaalada Gelinsoor oo lagu joojinayey meel magaalada u jirta 15km.

 

Balse ciidamadan ayaa Galabta la arkay ayagoo dib ugu noqday Waqooyiga Gaalkacyo iyo Kontaroolka Magaalada.

 

Arrintan ayaa lagu sheegay mid qeyb ka ah codsigii Culumaa'udiinka magaalada Gaalkacyo iyo Gobalka Mudug.

 

Gadiidka Tiknikada ee Puntland ayaan ayagu soo dhexmarin magaalada Gaalkacyo balse dusha ka maray isla markaana dib ugu noqday xeryahooda, halka la sheegay in cutubyo kale ay u gudbeen dhinaca jidka Waqooyi.

 

Waxaanse weli dib magaalada ugu soo noqon maleeshiyooyin faro badan oo maanta ka baxay magaalada Gaalkacyo koonfurteeda kuwaasi oo la sheegay in ay hogaaminayaan xubno kasoo jeeda koonfurta magaalada Gaalkacyo.

 

Waxaana la xaqiijiyey in Cabdi Qeybdiid uu kamid ahaa maleeshiyooyinkii maanta Gaalkacyo ka baxay.

 

Maleeshiyooyinkaasi ayaa la sheegay in ay ku sugan yihiin goob u dhow degmada Gelinsoor oo ay hada ku sugan yihiin Maleeshiyooyinka ka yimid Muqdisho iyo Golbalka Galgaduud.

 

Odayaasha iyo siyaasiyiin kasoo jeeda koonfurta Mudug oo maanta ka baxay Gaalkacyo, isla markaana Gelinsoor kula soo shiray Maleeshiyooyinka Maxkamadaha ayaa dib ugu soo noqday magaalada Gaalkacyo.

 

Wafdigan ayaa saxaafada u sheegay in Maleeshiyooyinka Maxkamadaha Islaamiga ay sheegeen in aysan soo dhaafi doonin magaalada Gelinsoor.

 

Cabdifutaax Shirwac

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shiikh Shariif:::: Puntland duulaan kuma nihin ee Nabad ayaan anagu rabnaa!

 

Last Updated::2006-08-11 18:01:24

 

Muqdisho:- Guddoomiyaha Golaha Fulinta ee Maxkamadaha Shiikh Shariif Axmed ayaa sheegay in aysan Dowlada Gobaleedka Puntland weerar ku ahayn.

 

Shiikh Shariif Axmed oo ka hadlayey Mudaharaad maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aysan Puntland dagaal ku qaadi doonin aysana u socon.

 

[...Walaalaha Puntland waanu soo dhaweynaynaa nabada ay sameysteen, waxaana u sheegayaa in Maxkamadaha aysan u socon Puntland, balse waxa kaliya aanu dooneyno ay tahay in nabada wax laga qabto...] ayuu yiri Shiikh Shariif Axmed oo intaasi ku daray ay Puntland aysan taageerin Col.Cabdi Qeybdiid oo uu sheegay in uu kasoo qeyb qaatay dagaalo badan.

 

Shiikh Shariif Axmed oo la hadlayey Madaxweynaha Puntland Md.Cadde Musse, ayaa sheegay in sidoo kale ganacsatada iyo culumaa'udiinka iyo Issimada Puntland uu dhamaantood ka codsanayo in nabada la wada xajiyo oo aan dagaal la abuurin.

 

Guddoomiyaha Golaha Fulinta Shiikh Shariif Axmed ayaa sheegay in uu ka codsanayo Puntland in ay dib loo celiyo ciidamada Tirada badan ee Puntland soo dhigtay Koonfurta Gaalkacyo.

 

[...Wixii shaki ama baqdin ah oo dhinaca Puntland ka qabto dhinaca Maxkamadaha waanu ka bixineynaa waana u sheegaynaa in aanan Puntland dagaal marnaba ku qaadeyn...] ayuu yiri Shiikh Shariif Axmed.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gaalkacyo: Madaxweyne Cadde Muuse oo Shir Jaraa'id qabtay

Posted to the Web Aug 11, 20:04

 

 

Gaalkacyo:- (PP) -- Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde) Madaxwaynaha dawlad goboleedka Puntland ayaa maanta ka cadeeyey magaalada Gaalkacyo inay Puntland diyaar u tahay inay iska difaacdo ,cid walba oo xad gudub ku samaysa deegaanada Puntland.

 

Gen. Cadde " Waxaan isugu geynay dhamaan xuduudaha deegaanku uu la leeyahay gobolada kale Ciidan tayo awoodeed leh oo taba-baran waana ku kal soon nahay ciidamada Puntland"

 

Madaxweynuhu ayaa maanta ku cel-celiyey khudbadiisa kuna booriyey shacabka Puntland inaysan ka welwelin amaankooda, maadaama ay yihiin shacabka Puntland kuwo dhaqaale xoog leh geliya Dowlad goboleedka Puntland.Wuxuu kaloo masuulku uga digay shacabka Puntland in maamulka Puntland uusan u baahnayn maleeshiyo lagu taageero. Maamulkiisa hadda jirana uu awood u leeyahay ciidamo ka qayb qaata nabadgelyada deegaanada Puntland.

 

Madaxweynaha ayaa hadalkiisu uu daba joogay mar ay shacabka Boosaasood ay ugu baaqeen maamulka inay ula diyaar yihiin Maleeshiyo ka garab dagaalama kuwa dowlada, hadii Maaxkamaduhu ay soo gaaraan deegaanada Puntland ama deegaanada la jaarka ah.

 

Madaxweynaha ayaa adeegsanayey khudbad hore uu deegaanadaaas horay uga jeediyey Gen. Maxamed Abshir muuse , taas oo uu ku sheegay inaan Qabiilna, qabiil uusan ka adkaan karin,hadalkaas oo uu jeediyey Gen. Maxamed Abshir waqtigii lagu jiray dagaaladii 90-dii.Wuxuuna Cadde uu maanta adeegsaday isla hadalkaas oo ahaa" Marnaba lagama yaabo in qabiil uu qabiil kale ka adkaado, xoogna ku qabsado ".

 

Madaxwaynaha dawlad goboleedka Puntland ayaa waxuu kaloo caro baabay inay jiraan dadka qaar ka shaqaynaya oo faa'finaya arrimo amaanka lidi ku ah, taasna aan looga baahnayn kuwa dacaayadahaas faafinaya .

 

"Waxaan u soo jeesanay inaan dalkeena dhisano ,waxaana ka soo gudubnay sanado colaado ah , waxaan galnay degenaan iyo kala danbeyn , waxaan dhisanaynaa dalkeena waana ku gudo jiraa , waxaan diyaar u nahay inaan la shaqayno cidii nabad doonaysa , waxaan anigu shaqsi ahaan u xusulduubnaa mudo ku dhow 15-casho inaan marka hore nabada iyo ammaanka aan adkeeyo waana ku guulaystay, waxaan kaloo ku dadaalay inaan nabada kala sii shaqayno walaalaheena koonfurta gaalkacyo, waana isla aamin sanahay inaan amaanka sii wada adkayno, oo ammaan la isku halayn karo ayaanu u istaagnay waana ka gudda gaaray. Waxaan isla soconaa maanta oo si guud u difaacaynaa dalkeena iyo dadkeena, anagoo kaalmo ka helayna Shacabkeena iyo culamadeenaba". ayuu hadalkiisii ku soo qatimay Gen. Cadde Muuse Xirsi oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Gaalkacyo.

 

Waa markii ugu horaysay oo uu madaxweynaha Puntland uu heegan geliyo dhamaan ciidamada amaanka ee deegaanka Puntland, waana markii ugu horaysay isagoo madaxweyne Puntland ka ah uu howlgal ciidan kala qayb qaato dhamaan maamulkiisa ,waxgaradka, aqoon yahaynka Puntland.Waxayna shacabka reer Puntland ay ku tilmaameen howl-galka Madaxweynaha ee ku aadan nabad gelyada Puntland inay tahay mid uu si wanaagsan u gutay.

 

Howl-galka Madaxweynaha ee ku aadan amaanka Puntland ayaa lagu fasiray mid wejiyo badan leh, ayna khalad tahay inay Maxkamaduhu ay soo dugaalaan agagaarka goobaha ay ka taliso Puntland, waxaana shacabka Puntland badankood qabaan inay Gen-ka ay u fududahay inuu si howl yar uu shacabka Puntland uga horkeeno Maxkamadaha baahay ee soo gaaray qaar kamida deegaanada Mudug. Maadaama ay shacabka reer Puntland ay qabaan cashar lama ilaawaan ah oo ay horay u ugala kulmeen sheekha ma jaraha u haya siyaasadaha Maxkamadaha Xasan Daahir Aweys oo horay dagaal uu kala dhexeeyey shacabka Puntland.

 

Axmed C/salaan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this