Gabbal Posted September 17, 2004 Isbahaysiga Dooxada Jubba oo ku Goob Jooga Firxadkii Ciidamada Moorgan Kana Soo Furtay Col:Cabdi Cigaal Iyo Weliba Ganacsade Caan Ka Ah Boosaaso Oo Gacanta Lagu Dhigay Kadib Markii muddo 10 saacadood ah uu maalinimadii shalayto ka soconayay dagaal aad u kharaar Aaga tuulada huusingaw ayna maleeshiyooyinka isbahaysiga dooxada jubba gacanta ku dhigeen saldhigii Moorgan Ee huusingaw ayaa wararkii ugu dambeeyay waxaa ay sheegayaan in ciidamada Isbahaysiga Dooxada Jubba ay ku raad joogaan Jeneraal moorgan iyo Haraadigii maleeshiyooyinkiisa oo u firxaday dhanka Degmada Dhoobleey. Sidoo kale ciidamada isbahaysiga dooxada jubba ayaa ka soo furtay kuwa Moorgan Col: Cabdi Cigaal oo ka tirsan abaanduulka ciidamada oo ay gacanta ku dhigeen maalimadii Doraad markaas oo maleeshiyooyinka moorgan ay haleeleen sahan ka tirsan isbahaysiga dooxada jubba. Kornaylka ayaa goordhaw soo gaaraya magaalada kismaayo iyadoo ay weheliyaan 19 ka mid ah maxaabiista dagaalka oo ubadan saraakiil caan ka ah maamul goboleedka Puntland oo uu ka mid yahay ganacsade Axmed Soomow oo kamid ah ragga ugu caansan magaalada boosaaso. Warku waxaa intaa ku darayaa in ilaa iyo iminka ay isbahaysiga dooxada jubba gacanta ku dhigeen 13 baaburta dagaalka ah oo uu kujiro Gudoomiyaha ururka USC/SNA ahna gudoomiye ku xigeenka Afraad ee golaha samatobixinta qaranka soomaliya oo u khadka taleefanka ee nayroobi ugu waramayay Gedonet ayaa sheegay in uu dhacay dagaalkii Xiddigaha uuna soo afjarmay Moorgana laga saaray jubbad hoose waxaana uu intaa ku Daray Cusmaan Caato in Gen- Axmed warsame iyo Barre hiiraale ay ka qaybgali doonaan doorashada madaxwaynaha ee dhacaysa 22ka bishaan. Nasteex Daahir Gedonet, Kismaayo Quote Share this post Link to post Share on other sites