Sign in to follow this  
Cowke

Minister Of Interior Ilkajir Says We Can Handle Galgala

Recommended Posts

Cowke   

Boosaaso:"Waanu ku filanaha Kooxda Galgala"Wasiirka Arimaha Guda D/Puntland.

 

29. juli 2010

 

 

Boosaaso:(Allpuntland)-Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha,Dawladaha Hoose & Hor'umarinta reer miyiga ee dawlada Puntland Jen,Cabdullaahi

Axmed Jaamac(Ilkajiir)ayaa markii ugu horaysay si toos ah uga hadlay Dagaalkii bilowgii todobaadkan ka dhacay buuraleyda gobolka Bari,waxaana uu Wasiirku sheegey in Dagaalkaasi uu ahaa Talaabo Dawladiisa lagu daandaansanayey.

 

Jen,Ilkajiir Wuxuu ugu horayn Hambalyo udiray Dhamaan Bulsho weynta reer Puntland ee imika sanadkii 12-aad Xukuumadooda u buuxsamayo,waxaana uu sheegey in Waqtigan aysan haboonayn in Dagaalo ay shacabku galaan,isagoo sidoo kale sheegey in Kooxda kusugan Galgala ay imika qas cusub bilaabeen,waxaana uu sheegey Wasiirku in Xukuumadiisu ay talaabo ka qaadi doonto cidkasta oo isku dayda Khalkhal Amaan.

 

"Dagaalkii maanlintii dhaweyd dhacay wuxuu ahaa mid nasiib daro ah oo aanan Waqtigan loo baahnayn,Waxaanuna wadnay Xal sidan dhaama oo aanu labada dhinac isugu soo dhaweynayno,waxaanuna ka xunahay in Halkaas ay wax ka dhacaan,imikana ciidmadeenu waxay joogaan goobtii wax ka dheceen oo aanu la wareegnay"Ayuu yiri Jen,Ilkajiir oo saacado un ka hor kasoo noqday Buuraha Bari oo uu kusugnaa maalmihii lasoo dhaafay oo APL la hadlay isagoo kusugan magaalada Boosaaso.

 

Wasiirka Arimaha Guduhu wuxuu sheegey in xukuumadiisu aysan waqtigan diyaar u ahayn inay Dawlahada Caalamka ka codsato inay duqeeyaan Buuraha Galgala oo saacadihii lasoo dhaafay Cabsi badani kajirtay,waxaana uu ku gaabsaday in Xukuumadiisa oo aanan duqaynin ay halkaas isaga filantahay.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this