Sign in to follow this  
Jacaylbaro

President Rayaale Left for the US

Recommended Posts

hadhwanaag 2008-01-02 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN) Wefti uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland MdDaahir Rayaale ayaa galabta safar ugu ambaxay dalalka Mareykanka,iyo Ingiriiska,isaga oo ku sii hakandoona dalka Ethiopia.

 

Madaxweynaha ayaa waxa safarkiisa ku wehelinaya Marwada kowaad ee Somalilnad Marwo Huda Barkhad Aadan, Wasiiro ka tirsan xukuudiisa, kuwaas oo ay ka mid yihiin Wasiirka arrrimaha dibada Cabdilaahi Maxamd Ducaale, Wasiir ku-xigeenka qorsheynta Md. Axmed Xaashi Cabdi, Caafimaadka Cabdi Haybe Maxamed iyo Wasiirka Caddaalada Axmed Xasan Cali (Casoowe) iyo xoghaynta gaarka Madaxweynaha .

 

Ka hor intii anu Madaxweynuhu ka anbabixin dalka waxa uu Shirjaraa’id ku qabtay qasriga Madaxooyada,isaga oo madaxweynuhu ka hadlayey u jeedada Safarkiisa waxa uu yidhi“Safarkayga hadaan wax ka iftiimayo,waxaan sii maridoonaa Adis-ababa,waanan la kulmi doonaa kolay madaxda Adis-ababa,waxaan kala hadli doonaa wixii danaheena ah ee inagaga xidhan. Waxaan kale oo sii mari doonaa Ingiriiska, iyagana waxaan kala hadli doonaa markastaba danaheena iyo wixii ay inala qaban karaan mustaqbalka.”

 

Isaga hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey “Waxaan ku dambayn doonaa dalka Maraykanka oo iyagana aanu ka wada hadli doono sidii mustaqbalka Somaliland iyo Maraykanku wax u wada qabsan lahaayeen.”

 

Safarka Madaxweyne Rayaale ugu baqoolay wadamada dibada ayaa ka dambeeyey ka dib markii uu martiqaad ka helay masuuliyiinta dalka Maraykanka, waxaana la sheegay inuu safarka Madaxweynuhu qaadan doono laba ilaa sadex todobaad.

 

Safarkan Madaxweyne Rayaale ugu boqoolay dalka Mareykanka ayaa daba socday kadib markii dhawaan aqalka mareykanku ka hadlayey Arrmaha Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

Originally posted by NGONGE:

^^ Do they do this everytime he leaves the country, saaxib?

Dee odayga wa in lasii macasalaamayo. JB rose early to wave his good byes and 'adigoo nabadqaba soo noqo' :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cige   

^^ Do they do this everytime he leaves the country, saaxib?

 

Ngonge you're right sxb, these are 2004 pictures from somalilandnews.com oo waagaaas bassiin beeshay. JB wanted to fool us

 

another web plagiarist was caught :mad:

 

if you don't believe me go to the above website and check yourself.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Cige xasiid waxiid, this is from today. And they all came out to bid Riyaale farewell, cause he is going to US of A.

No Ngonge it does not happen all the time I guess, and this time it is widely speculated that the Pentagon might grant them special recognition. Though I have no clue whether the visit is private or official.

JB why did you omit this pic from your presentation, it was best one in there.

 

RayaleHar7.JPG

 

Check the sign at the back ' exclusive parking for madaxtooyada'...damn I bet the three beautiful ladies parked their cruisers in there.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cige   

Juje check this website http://www.somalilandnews.com/

 

odayguna malaha wuu qayilayaayi ha ka nixin ... smile.gif

 

Oh i forgot af soomaaliga meesha ku qorani wuu khaldan yahay Eray ahaan iyo Spelling ahaanba.

DHIGASHADDA labo D ma aha waa hal D, midda kale maxaa la dhiganayaa? ma darin? ma caws? ma baabuur? ma diyaarad? aaway BAABUURKII?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Akash   

Haweenka Dalka nice Pictures, Cigow Waxa Ku Qoran.

 

Dhigashadda Madaxtooyadda u Gaarka ah, Toloow Maxay dhiganayaa, Malaha Darin Lagu Jabaneeyo Ayaa La Dhiganayaa...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this