Wiilo Posted January 14, 2007 Mooshin tallaabo looga qaadayo Shariif Xasan oo toddobaadkan la hor geynayo Baarlamaanka Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 14/01/07 Warar lagu kalsoon yahay oo ka imaanaya magaalada Baydhaba xarunta Dowladda Federaalka ayaa sheegaya inay halkaasi ka socdaan moohin la doonayo in la keeno Baarlamaanka, kaasoo ku saabsan in Baarlamaanku go'aan ka gaaro Guddoomiyahooda oo muddo ka badan laba bilood dibadda ku maqan, waxaana arrintan oo ay wadaan qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka la filayaa in toddobaadkan gudihiisa ay hor geyn doonaan kalfadhiga Baarlamaanka. Xildhibaanada wada mooshinka ka dhanka ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa gaaraya in ka badan 50-Xildhibaan, kuwaasoo sida ay sheegeen wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhaba ku eedeynaya in Guddoomiyuhu ku tuntay xilka Guddoomiyenimo ee Baarlamaanka, isla markaana uu ku kacay sharci ahaan tallaabooyin keeni kara in xilka laga xayuubiyo. Dhinaca kale dhaqdhaqaaqyada ka dhanka ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Xasan Sh. Aadan ayaa ku soo beegmay xilli uu ku sugan yahay dalka Jabuuti isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo, iyadoo waxyaabaha Guddoomiyaha lagu eedeynayo ay ka mid yihiin inuu si cad uga horjeedo Dowladda Federaalka iyo isbedeladii ka dhacay magaalada Muqdisho iyo dalka intiisa badan ay kula wareegeen gacan ku heyntii kadib dagaalo ay la galeen Maxkamadaha Islaamiga ah. Jabriil Maxamuud Nuur jabriil@journalist.com Somaliweyn Media Center Quote Share this post Link to post Share on other sites