Sign in to follow this  
General Duke

Hargaysa: Gaboose again talks about working with Puntland..

Recommended Posts

Hargeysa:(Allpuntland)-Maamul goboleedka Waqooyi Galbeed Soomaaliya ee la magacbaxay Somaliland ayaa markale codsatay in ay Iskaashi dhinaca Amaanka ah yeeshaan Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed,waxaana ay Madaxda Somaliland sheegeen in ay muhiim tahay in Puntland & Somaliland ay ka wadashaqeeyaan la dagaalanka Cadowyadooda oo ay ku tilmaameen mid isku mid ah.

 

Wasiirka Arimaha Gudaha ee Maamulka lamagacbaxay Somaliland Dr.Maxamed Cabdi Gaboose ayaa markale ku celiyey in Somaliland ay doonayso iskaashi dhanka Amniga ah oo ay la yeelato Puntland,waxaana uu sheegey in labada Maamul oo ay Xasilooni ka jirto u baahanyihiin in wadashaqeeyaan Maadaama buuyiri ay jiraan dad kasoo horjeeda Amniga labada dhinac.

 

“Waxaa lama huraan ah inaanu yeelano Iskaashi Muuqda oo dhankasta leh,Taasi waa mid meesha ku jirta,waxaana markale ku celinayaa Codsigaygii ahaa in aanu Puntland wadashaqeyno,iyaga dhankoodana xiriir baanu la samaynay waanu ku rajo weynahay in taasi siisocot”Ayuu yiri Wasiirka oo maanta shirjaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa hargeysa.

 

Dhinaca kale Dr.Maxamed Cabdi Gaboose wuxuu beeniyey hadal dhawaan kasoo yeeray kuxigeenkiisa kaas oo sheegeyey in Saraakiil kasocota Puntland oo Buuhoodle kusugani ay wadaan kulamo wax u dhimaya Heshiis laga dhex wado Beelo dhawaan dagaalamay,waxaana uu sheegey in Saraakiishan oo Buuhoodle u dhalatay ay xaq u leeyihiin tagi taanka deegaanka laga soo doorto isagoo intaas kudaray in aysan wax dhib ahi imika u dhaxayn Maamulkiisa & kan Puntland.

 

Hadalka Wasiirkan sare ee katirsan Somaliland wuxuu imaanaya xili Bishii ugu danbaysay ay isku soo dhawaansho rasmi ah muujinayaan Madaxda Somaliland & Puntland kaas oo u muuqanaya in uu imika u eg inuu yahay kii ugu balaarnaa ee ay Abid yeeshaan labada dhinac tan & markii Puntland la aas aasay 1998-kii taas oo ay Bilowgii dhisitaankeedaba Somaliland u muuqatay mid cadow ku ah,waxaana jira Dagaalo dad badani ku nafwaayeen oo sanado badan socday oo labada dhinac ku dhexmaray gobolada SSC oo ay dhinacyadu ku muransanyihiin.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this