General Duke Posted January 6, 2010 Sheekh Aadan Madoobe oo xil ka qaadis lagu sameynayo 6 Jan 6, 2010 - 6:25:03 AM Warsidaha Garowe online ayaa warar xogogaal ah oo uu ka heley ilo ku dhow dowladda Sheekh Shariif Madaxweynaha ka yahay ay sheegayaan in Hotel ku yaala magaalada Muqdisho ka socdaan kulamo lagu diyaarinayo sidii xilka looga xayuubin lahaa Gudoomiyaha Barlamanka Somalia Sheekh Aadan Madobe. Kulamadaan ayaa waxaa wada xildhibaano ka tirsan Barlamanka Somalia balse Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan iney dabada ka riixayaan Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Wasiirkiisa Maaliyada Shariif Xasan oo ah gacantiisa midig. Wararka ayaa sheegaya in xiriirka u dhexeeya Guddoomiyaha Barlamanka iyo labadan mas'uul wayadaan dambe uu xumaa sababo badan oo jira awgeed. Xogahaan ayaa tibaaxaya sidoo kale in Gudoomiyaha iyo Xildhibaano taabacsan rumeysan yihiin in Madaxweynaha Somalia Sheekh Shariif iyo Wasiirkiisa Maaliyada sameeyeen takri falid awoodeed taasoo sababtey in Xubnaha Wakiiladu mushahar la'aan soo wajahdo muddo sagaal bilood ah. Dhinaca kale wararka Garowe Online helayo ayaa sheegaya in labada Shariif wel-wel weyn ka qabaan in Guddoomiyaha Barlamanka tageeri doonin hadii xil kordhin loo weydiiyo Xildhibaanada Madaxweynaha Somalia. Maalintii shaley ayaa Guddomiyaha Barlamanka iyo ku xigeenkiisa Dalxa diideen in in dib loo furo aqalka Wakilada madama mushahar la'an soo foodsartey Xildhibanda kuwasoo aan wax lacag ah qaadan waa sida hadalka u dhigeene muddo sagaal bilood ah. Xildhibaano maanta 6 Jan,2010 shir saxafdeed ku qabtey Muqdisho ayaa sheegey in la gaarey waqtigii la dooran lahaa Guddomiye Cusub iyada oo aan la aqoon sababta keentey iney ku dhawaaqaan xilka qaadistaan. Khilaafkaan siyaasdeed ayaa soo ifbaxey xili dowladda Federaalka la tacaaleyso jiritaankeeda madaama dagaal culus ku hayaan kooxaha Islaamiyiinta ah. Ra'isal wasaaraha Somalia ayaa dhowaan ku dhawaaqey iney dagaal ku qaadi doonaan kooxaha mucaaradka. GAROWE ONLINE Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted January 6, 2010 Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka wada mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Aadan Madoobe Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa markii u horeysay bilaabay dhaq dhaqaaqyo lid ku ah Gudoonka Baarlamaanka, iyagoo ku guda jira qaban qaabadii u dambeysay oo ay ku diyaarinayaan Mooshin. Xildhibaanada ayaa waxay sheegeen in ay dhamaatay mudadii xilka uu hayay Gudoonka Baarlamaanka, isla markaana haatan iyo wixii ka dambeeyay ay sharci daro tahay in Gudoonka Baarlamaanka sii shaqeeyo. Saalax Badbaado oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka kuwooda ugu afka dheer ayaa sheegay in aanay ogolaan doonin in Gudoonka Baarlamaanka sii wadaan howshooda, isagoo sheegay in ay tahay mid sharci daro ah. Xildhibaan Cumar Islow ayaa sheegay in la gaaray xilligii la dooran lahaa Gudoon cusub, isagoo ugu baaqay Xildhibaanada dibada ku maqan in ay dalka dib ugu soo laabtaan. Dhaq dhaqaaqyada Mudanayaashan ay wadaan ayaa waxay hubanti ka dhigi kartaa in ay Mooshin ka diyaariyaan Gudoonka Baarlamaanka ee uu madaxda u yahay Aadan Madoobe oo xilligan ku fooraarta caqabado fara badan. Baarlamaanka Soomaaliya oo xilligan fadhiid ah ayaa u suura geli waayay inuu ku guuleysto kalfadhiyadiisa Baarlamaanka, waxaana labo jeer oo hore uu ka fashilmay inuu kulan isugu yimaado, kadib markii Kooramka uu u buuxsami waayay. Hoyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.com Jowharcom@gmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites