Sign in to follow this  
Che -Guevara

Hiiraan: Gobalka Hiiraan oo maamul la'aan ah maalintii labaad, kadib markii ay ka bax

Recommended Posts

Hiiraan (AllPuntland) - Gudoomiyaha Gobalka hiiraan Dawalada ugu soo magacowday iyo ciidamadiisa ayaa isaga soo baxay kadib markii uu culeys badan uga yimid kooxaha ka soo horjeeda.

 

Yuusuf Axmed Hagar ayaa ka maqan Magaalada beled-weyn, waxaana uu habeen hore ka tagay magaalada, markii magaalada soo weerareen kooxaha ka soo horjeeda Dowladda.

 

Gobalka Hiiraan oo haatan maamul la'aan ah ayaa Odayaasha dhaqanka magaaladaas sheeganayaan in ay maamul u sameyaan, iyadoo ay jirto Dawlad Dhexe.

 

Dagaalo habeen hore ka dhacay magaalada ayaa waxaa ku dhintay ilaa 8 ruux oo ay ku jiraan macalimiin ajaaniib ah, kadib kolkii kooxihii ka soo horjeeday dawlada gudaha usoo galeen magaalada Beled-weyn.

 

Odayaasha Dhaqanku waxay bilaabeen kulamo is daba joog ah oo ay arrinta gobalka ka leeyihiin, taasoo ay doonayaan in ay maamul ugu sameyaan Gobalka, maadaama maamulkii Dawlada halkaas u magacaabta ay isaga soo baxeen.

 

Odayaasha dhaqanka ayaanay xaq u laheyn in ay maamul magacaabaan, waxana lagala yeeshaa la tashi kaliya.

 

Lama oga tallaabada Dawlada dhexe ka qaadaneyso isku dayada Odayaasha dhaqanku ku doonayaan in ay maamul ugu sameyaan gobalka, xilli ay jirto maamul dowlada dhexe soo magacowda, isla markaana Gobalka uga soo baxay weeraro gaadmo ah oo ay ku soo qaadaan kooxaha ka soo horjeeda dawlada.

 

cabdicasiis Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waa sidee Xaalada Magaalada Beledweyne iyo guud ahaan Gobalka Hiiraan Saacadihii aynu soo dhaafnay?

Talaado, April 15, 2008(HOL): Magaalada Beledweyne ee xarunta u ah Gobalka Hiiraan ayaa sacadihii aynu soo dhaafnay deganeyd kadib markii ay soo weerareen habeen hore Kooxo hubeysan oo gudaha Magaalada ku dilay shaqsiyaad Ajaanib iyo Soomaali isugu jiray.

 

Ma jirin wax rasaas ah oo laga maqlay magaalada iyo dilal ka dhacay intaba saacadihii aynu soo dhaafay, waxaana wali cidlo ah Xarumihii Dowlada sida Sadhiga Baliiska, Xabisga dhexe, iyo Xaruntii Maamulka Gobalka kadib markii Mas'uuliyiintii Maamulka Gobalka Hiiraan intooda badan iska casileen xilalkii ay ka hayeen Gobalka.

 

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa warar soo baxaya sheegayaan in uu u sii gudbay dhinaca Degmada Feer-feer ee dhulka Ismaamulka Itoobiya, kadib markii Ciidamadii Itoobiya ee joogay Maalmihii aynu soo dhaafnay Deegaanka Kala-beyr ay u dhaqaaqeen dhinaca Xadka, lamana oga in Gudoomiyuhu dib ugu soo laaban doono Magaalada iyo in kale.

 

Sariflayaasha Magaalada Beledweyne ayaa saakay ku waabariistay Warqado digniin ah oo oo loogu sheegayo in aysan Sarafi karin boqolka Doollar in ka badan 1,600,000 oo Shilin Soomaali ah, waxaana Warqadaha lagu sheegay in Ciddii u hogaasami weysay digniinta laga qaadi doono tallaabada ku haboon.

 

Degmada Buula-burte ayay wararku sheegayaan in ay soo gaareen Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo amba baxay Degmada Jowhar ee Gobalka Shabeelada Dhexe, waxaana warku intaas ku darayaa in Ciidamada soo gaaray Degmada Buula-burte oo wata Gadiidka Dagaalka u soo tallaabi doonaan Dhinaca Magaalada Beledweyne si ay uga qeyb-qaataan sugidda Nabad-galyada oo saacadihii aynu soo dhaafnay ahayd mid aan la isku haleyn karin.

 

Sikastaba arrintu ha ahaatee, Xaaladda Magaalada Beledweyne iyo guud ahaan Gobalka Hiiraan ayaa Saacadihii aynu soo dhaafnay lagu tilmaami karaa mid degan, walow hadana dhab ahaan uusan jirin Maamul si toos ah gacanta ugu haya ammaanka Gobolka oo marba meel ay la wareegayaan Kooxaha ku kacsan Siyaasada Dowlada Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa oo isaga soo baxay Magaalada Jowhar

 

Talaado, April 15, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in ay halkaas isaga baxeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo maalmahan ku sugnaa Degmadaas.

 

Ciidamadan Itoobiyaanka ah oo fariisin ka sameystay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar ayaa waxay u soo dhaqaaqeen dhinaca Magaalada Muqdisho oo ay markoodii hore ka tageen, iyadoo aan rasmi ahaanna la sheegin sababta keentay in ay ka baxaan Magaalada Jowhar.

 

Dadka ku dhaqan Magaalada Jowhar ayaa si weyn u soo dhaweeyay ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee Magaaladaas, waxayna Dadku ka baqayeen intii ay Ciidamada dul deganaayeen in ay weerar ku soo qaadaan Ciidamada Maxkamadaha Islaamka, kadibna ay dushooda ku dagaalamaan.

 

Haatan Dadka Magaalada Jowhar waxay hadal hayaan in ay Magaaladaas markii seddexaad ay gacan ku heynteeda la wareegaan Ciidamada Maxkamadaha Islaamka, kuwaasi oo la sheegayo in ay ku sugan yihiin deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe.

 

Ciidamadan Itoobiyaanka ah ayaa waxay magaalada Jowhar isaga soo baxeen kadib markii Ciidamo Itoobiyaan ah oo dhaawacyo iyo Meydad u soo waday Garoonka Diyaaradaha Jowhar si dalkooda loogu dhoofiyo ay ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka ay ku weerareen deegaanka Xarar Lugoole ee Gobolka Hiiraan, isla markaana ay halkaas dhimasho iyo dhaawac kale ugu geysteen.

 

Ugu dambeyntiina, Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa waxay ku jaho wareersan yihiin meel ay si toos ah ugu bartilmaameedsadaan Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ee dagaalka kala soo horjeeda, kuwaasi oo ka baxa degmo kasta oo ay Itoobiyaanka soo aadaan, kadibna dib ugu noqda marka ay Itoobiyaanka ka baxaan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Soomaaliya: Amaanka Soomaaliya oo labadan Todobaad meel hoose tagey ayadoo ay dawlad dhexe & Maamulo Jiraan …Warbixin ku saabsan Amaanka Soomaaliya oo dhan….

15. april 2008

 

 

 

Soomaaliya(AllPuntland)- Gobalada dalka Soomaaliya oo dhan ayaa todobaadyadan ay amaankoodu ahaa mid sii xumaanayay ayadoo ay jiraan Maamulo & dawladda Dhexe ,inkastoo aysan wax dadaal ah la harin maamulada ayaa hadana ay dhibaatada amaanku sii socotaa.

 

Waqooyiga Galbeed ee Soomaaliya (Somaliland).

 

Waqooyiga Galbeed Soomaaliya waxaa mudo todobaad gudihiisa ka dhacay Qaraxyo waa weyn ,inkastoo ay qaraxyadaasi geysan wax dhimasho & Dhaawac dad ah hadana waxa ay geysteen bur bur ay lixaad leh & Khalkhalgalin amaan.

 

Maamulka Somaliland ayaa Magaalooyinka Somaliland oo dhan soo dhoobay ciidamo fara badan oo ka tirsan ciidamadooda amaanka ,waxaana wali jira Amaan Xumo sii kordheysa ayadoo ay falalkaan kala mid yihiin gobalada kale ee dalka Soomaaliya.

 

Dadweynaha ayaa aad uga xumaanaya falalkan amaanka ka soo horjeeda ee dhacaya ,waxa ayna Somaliland isku dayaysaa sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahayd cidii ka dambeysay falalkaasi oo dhan.

 

Waqooyi Bari ee Soomaaliya (Puntland).

 

Gobalada Puntland waxaa tan & Bilowgii sannadkan Deegaanada Puntland ka taagnaa falal aan horey loo arag oo ay ka mid yihiin Qaraxyada & Falalka afduubka ku dheehan.

 

Waxaa ay Kooxo leh Dano gaar ah qarxiyeen Magaalooyinka Puntland meelo ka mid ah ,waxaa ku dhintey dad hada tiro ahaan gaaraya ku dhawaad 25 qof ,waxaana ku dhaawacmay 30 qof in ka badan.

 

Dadkaasi lala beegsaday Qarax ay waxa ay udhasheen dalka Itoobiya ,waxa ayna Puntland qaaday Baaritaano dheeraad ah oo ku dooneyso in ay soo qabato Danbiiyaashii falkaasi ka dambeeyey.

 

AFduubyada ayaa sidoo kale deegaanada Puntland waxa ay ka noqdeen wax caadi ah ,waxaana marar dhan 2 Jeer la afduubay dad Ajnabi ah oo Puntland yimid ,waxaana dhamaanba falalkaasi ay ahaayeen kuwa ay soo riixayaan ama Shidaal ka helaya dad leh Dano gaar ah & Dawladdo Shisheeye.

 

Todobaadkan ayaa Magaalada Boosaaso Baabuur uu watey Taliyaha ciidanka Booliska ee Puntland qarax lala beegsaday ,laakiin ilaa hada Maamulka Puntland Wax war ah oo sugan kuna saabsan arintaasi kama aysan soo bixin.

 

Marka arimahan la fiiriyo Amaanku wuxu marayaa meeshii ugu hooseysay ,ayadoo Puntland-na wado dadaalo ay ku dooneyso in ay wax kaga qabto amaanka sii xumaanaya ee Puntland mana jiraan wax dadaal ah oo ay la harayaan Maamulka Puntland.

 

Gobalada dhexe ee Soomaaliya.

 

Gobalada dhexe ayaa todobaadkan waxa ay u ahayd maalmo Madow ,markii ay dagaaladu caadi ka noqdeen gobaladaasi kuwasoo udhaxeeyey ciidamado ka tirsan Milateriga dawladda Soomaaliya & Kooxaha ka soo horjeeda Siyaasada Soomaaliya ,oo marba weerar meel ku qaada waqtiga hada la joogo.

 

Labada Dhinac midna si rasmi ah hada uma maamulayo xaalada ama deegaankaasi ,waxaana haawanaya deegaano badan oo ka mid ah gobalada dhexe sida degmooyinka Muhiimka u ah gobalada Hiiraan & Galguduud.

 

Xaalada gobaladaasi dhexe ayaa ahayd mid xar wir ah ,waxaana wali ka taagan xiisado dagaal oo dhexmaraya dawladda Faderaalka ee Soomaaliya & Kooxaha ka soo horjeeda.

 

Gobalka Banaadir.

 

Gobalka Banaadir oo ay hada degan tahay Dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacayay todobaadkan dagaalo aan waji duub laheyn oo ay soo qaadayeen Kooxaha ka soo horjeeda dawladda faderaalka ee Soomaaliya ,waxaana dagaaladaasi sidoo kale lugu qaadiyey ciidamada Midowga Africa & Ciidamada dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Ku dhawaad 45 qof ayaa todobaadkan oo kaliya ku dhimatey Magaalada Muqdisho ,waxaana dhimashadooda ay dawladda Soomaaliya dhakada ka saartay Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ,oo ay sheegtay in dadka Shacabkaa ay dhexdooda ka soo qaadayaan dagaalada & Rabshadaha ayna iska soo horimariyaan dadka Shacabkaa.

 

Saraakiisha Booliska Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho ka howlgalaya ayaa Walaac shalay ka muujiyey dagaalada ku sii faalalaya gobalada kale ee dalka Soomaaliya ,waxa ayna sheegeen in xaalada Magaalada Muqdisho ay ku soo bateen kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Dagaaladii lugu qaadi jirey Xarumaha ciidamada Itoobiya ,Soomaaliya & Midowga Africa ayaa todobaadkii ugu danbeeyey laga dhigey kuwa toos ah ,ayadoo la beegsanayay ciidamada Ku jira Kolonyada kuna socda meelaha fog fog ee ay howlaha ka soo qabanayaan.

 

Gobalada Koonfureed.

 

Gobalada Koonfureed ee dalka Soomaaliya oo Xaduud la leh dalka Kenya ayaa xaaladooda amaanka laga dayrinayaa waxaana goobahaasi hada si toos ah ujooga Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ,ayagoo ay xaalada deegaanadaasi cabsi fara badan ka muujinayaan dad ku dhaqan deegaankaasi.

 

Kolonyo Baabuur Buur xoog leh ku yaalo ayaa tagey todobaadkan Magaalada Bu'aale ee xarunta Jubada Dhexe waxa ayna halkaasi kula hadleen Dadka deegaankaasi ,qaar ka mid ah waxa ayna usheegeen in ay Is dajiyaan ayna sii joogayaan halkaasi ,balse dadka hadalkaasi waxa ay ka qaadeen in ay ka baxaan deegaanadoodii.

 

Waxa ayna Maqleen war sheegaya in ciidamo ka socda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ay ku sii jeedaan gobalkaasi ,ayna dawladda Faderaalka ee Soomaaliya halkaasi udirtey Cutubyo ka mid ah Ciidamadeeda Qalabka Sida ,sida ay shaacinayaan Warar Hoose oo laga helayo degmada Bu'aale.

 

Magaalada Kismaayo ayaa dadka ku dhaqan waxaaa soo wajahday Cabsi xoog leh ,ka dib markii qaar ka mid ciidamada Qabsaday Magaalada Bu'aale lasheegay in ay ku soo dhawaadeen Magaaladaasi ,ayna doonayaan in ay gacanta ku dhigaan Magaalada Dekeda leh ee Kismaayo.

 

Magaalada hada waxaa gacanta ku haya Maleeshiyo Beeleedyo ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ,waxa ayna qabanqaabinayaan weeraro ay iskaga difaacaan Koxoaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ee doonaya in ay qabsadaan Magaalada Kismaayo.

 

Gobalada Koonfur Galbeed.

 

Gobalada Baay,Bakool ayaa Laftigoodu aysan ka jirin amaan lugu dhiiran karo ,waxaana Magaalada Baydhabo ka jirey isbadalo dhinaca amaanka ,waxaana ka jirey Dilal toos ah oo lala beegsanayay qaar ka mid ah Madaxda Ciidamada Nabad sugida ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Waxyaabahan oo dhan ayaa keenay in magaaladaasi Ciidamo xoog leh la dhigo wadooyin badan oo Magaalada Baydhabo ka mid ah,Inkastoo ay Baydhabo kaga fiican tahay Magaalooyin badan in ay joogaan Ciidamo fara badan oo ka tirsan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya oo aan deg deg lugu weerareyn.

 

Inkastoo gobalka Bakool ay meelo badan oo ka mid ah ka jiraan Abaare lixaad leh ayaa hadana waxaa jira Kooxaha ka soo horjeeda dawladda faderaalka ee Soomaaliya oo ku dhuumaaleysanaya qeybo ka mid ah gobalkaasi.

 

Inta badan Soomaaliya oo dhan waxaa ka tagaanaa todobaadyadan dagaalo & Falal amni xumo oo Bahsan waxa ayna keentay in ay dad badan Maskaxdooda su’aalo fara badan iska weydiiyaan amaanka Somaaliya & xalka xaalka Soomaaliya ku dambeyn doono.

 

Gabagabo.

Waxaa Soomaaliya oo dhan hada maamusha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ,ayadoo hada ay dawladda Soomaaliya ciidamo xoog leh ku daadisay Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya.

 

Ciidamada dawladda ayaa intoodii badneyd ay hada ku jiraan Dugsiyo tababar oo dalka Dibadiisa ah & Gudaha dalka Soomaaliya ,waxa ayna warar hoose oo ay heshay Shabakadan AllPuntland sheegayaan in ay ciidamadan dhawaan dalka Soomaaliya imaanayaan ayna qaadayaan Baaritaano baaxad leh.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this