Jacaylbaro Posted June 7, 2007 Markaan degmo qaboojaa mid kale Dogob ka qiiqaaye Dab markaan baqtiiyaa mid kale Duur ka ololaaye Ayax markaan didshaabaa mid kale Ugax dillaacaaye Hadba wiil darmaanaa wadhida Loo deldelayaa Inta noloshu jirto baalayana wey jiraysaa, haseyeeshee waxa aadmiga la gudboon markay balaayo hor timaaddo inay ku dadaalaan inay firdaamiyaan iyagoo ilaahay talo saaranaya. Marka arrin dhaco ninka nool baa loo taliyaaye ninka dhintay looma tasho.Haddaad tidhaahdo “Waa inaan ninkii dhintay arrinkiisa ka taliyaa,” taa micnaheedu waxa weeye waxaan doonayaa in dad kale iga dhintaan. Ninka dhintay sooma nooleyn kartid waxna uma tari kartid, wax xil ah oo kaa saaranina ma jiro, waayo qof nolosha kula wadaagaba maaha oo aakhiro ayuu kaa tegay. Waxa in loo taliyo, oo la badbaadiyo u baahan qofka nool ee weli ifka jooga. Waa in caqligu garto qofka hiilka ka sugayaa inaanu ahayn qofkii dhintay. Waa in dadku fahmo qofka hiilka iyo hooda uga baahani inuu yahay qofka nool. Ayaandarrada had iyo goor Soomaalida haysataa waxa weeye qofkii dhintay ayaa lagu dadaalayaa in loo hiiliyo, qofkii noolaana waa la hilmaamayaa hiilkiisa, dabeedna marxuum baa noole sahayanaya. Hadba danab la looganayo baan U digleeyahaye Dubashada barbaartaa jidh kani Ila dubaaxshaaye Qalbigaygu wuu diiddan yahay Dirirta ceebeede Damiirkaygu kuma hiili karo Dalabka haybeede. Guud ahaan dadka Soomaalida ah ee dagaalku ka dhex oogan yahay waxaan ugu baaqayaa inay joojiyaan colaadda, gartaanna in dhiiggoodu kala xaaraansan yahay. Gaar ahaan waxaan labada qoys ee walaalaha ah ee reer Buuhoodle, ee qaylada cusubi ka soo yeedhay ugu baaqayaa inay dadka inta hadhay naarta ka badbaadiyaan, uguna yeedhaan nabadda iyo walaalnimada. Waxaan walaalaha dirirtu ka dhexayso leeyahay: Birmad Imisaan isu baannay Isu reero bu’aynay Baaba’eenniyo hoogga Imisaynu bileynay Imisaan is bireynay Imisaan is bog dooxnay Beelo la isugu duulay Bahbah la isu wareemay Imisaynu billaawe Iyo baallacad qaawan Ku baalbaallay jidhkeenna Imisaynu birteenna Boqneheenna ku goynay Bunduqeenna afkiisa Intee Baashe ku hoyday Intee baarcadde mootan Intee baarri wanaagsan Bidhaantiisa la waayey Intee baa bilcan door ah Boqorkeedii la toogtay Bilayaal asay qaadday Intee baa ubad booyey Intee baa la baroortay Intee baa belo qiiqday Intee baynu ku baaqnay Baa’bi’ii nolosheenna Intee baa birmadkeennu Burburkeenna horseeday Waar maxaa ina baabay? Annakaa bokhrantii iyo Annakaa ba’antii iyo Annakaa bilantii iyo Annakaa burji weyniyo Baanisiiba la eedye Bulshayey idil kaaba Bugtadaa kugu taal Ma bogsooto miyaa? Ergo-oday Intee baynu balaayo Iyo baase u joognay Intee baa baqtigeenna Bahal uu guranaayey Taladeenna baroon iyo Intee boobe hagaayey Waa sidee badankeenu Waa beer-gooyiyo ciile Hadhaageenna badbaadshoo Halla baajiyo dhiigga! .................................. Baaruuddaa ololaysiyo Bunduq wiil dhaliwaaye Ba ba’naan iyo xoogna Bogsiin waaye dhibaatoo Horaa loogu bog-dooxmee Baajintaa ka wanaagsan Colaad baaniseheede Waa beer-gooyiyo ciile Hadhaageenna badbaadhshoo Halla baajiyo dhiigga. Birta la iska aslaayo Boqnaha la iska jaraayo Inta biixi jabaysa Inta maal burburaysa Beled taagan dumaaya Naf Illaahay baxaysa Rabbigeen ma banayne Waa beer-gooyiyo ciile Hadhaageenna badbaadshoo Halla baajiyo dhiigga Inakoo isku beer ah Boggeenii isku yaallo Boqorkii wada raacnay Haddii aan is birayno Baguugaa iska yeelno Berritaan cadawgeenna La iska baacin karayne Waa beer-gooyiyo ciile Hadhaageenna badbaadsho Halla baajiyo dhiigga. Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu damiyo dagaalka Buuhoodle iyo colaadaha kale soomaalida ka dhex aloosanba, kuna bedelo is afgarad iyo walaaltinimo. Aamiin… Aamiin Quote Share this post Link to post Share on other sites