Rokko Posted February 17, 2004 Ciidamada Soomaliland oo xiray isu socodka Sool iyo Togdheer (Horseednet on Tuesday, February 17, 2004 - 11:35 AM) Ciidamada dalka la magac baxay Soomaliland ayaa xanibaad kusoo rogay gaadiidka wadada u dhexaysa degaanka gobolka Sool iyo gobolka Togdheer. Wararka ka imanaya degaanka tuulada Yagoori ayaa sheegaya in fariisimada ciidanka Soomaliland ay hadda ku xaniban yihiin gawaari aad u farabadan oo ka timid goboladda Waqooyiga Soomaaliya oo hadda sheegta Soomaliland. Warar kale ayaa iyana sheegaya in dhinaca ciidamada ka amar qaata C/laahi Yuusuf ay iyana shalay dib u soo celiyeen gaadiid u socday gobolada Waqooyi ee Somaliland. Illaa hadda lama garanayo sababta dhabta ah ee ka dambaysa xanibaadda gaadiidka iyo dadka rayidka ah oo ka dhex shaqaysa labada degaan, balse warar dadku isla dhexmarayaan ayaa sheegaya in ay suurtagal tahay in iskahor imaad dhexmaro labada dhinaca waqtiyada soo socda. Sababtoo ah ciidamada labada dhinac oo hadda isku hor fadhiya meel u dhexaysa Laascaano iyo Yagoori iyo waliba ifafaalaha iyo ficilada ay samaynayaan labada dhinac oo u muuqda kuwii kasoo horayn jirey dagaalka. Labada ciidan ee kasoo kala jeeda Puntland iyo Soomaliland ayaa in muddo ah isku hor fadhiyey deegaanka Sool ayadoo aysan hada weli jirin dagaal weyn oo dhexmara labada ciidan marka laga reebo iska horimaadyo dhexmaray maleeshiyooyin taageersan Soomaliland iyo qaarkamid ah kuwa Puntland oo ay ku dhinteen isugeyn dad gaaraya illaa iyo 4 qof. Quote Share this post Link to post Share on other sites