Sign in to follow this  
General Duke

Galkacyu: Marxuum Seefta-Bannaanka funeral huge turnout

Recommended Posts

M. Puntland oo ka qayb galey Aaska Wasiirkii Warfafinta

6 Aug 6, 2009 - 4:49:39 AM

 

Wafdi ballaran oo u hogaminayo Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxman Maxamed Maxamud Faroole ayaa gaarey magaalada Galkacyo ee Gobolka Mudug ayaa ka qayb qaatey Aaska Wasiirka Warfaafinta Dowladda Puntland Marxuum Warsame Cabdi Shirwac "Seefta Bannaanka" oo Maalintii shaley Kooxo hubeysan ku dileen Magaalada Galkacyo,

 

Wafdigan Madaxweynaha ayaa markii ay gaareen Galkacyo durbaba waxay billaben u diyaar garowga Aaska Qaran ee loo sameynayo Marxuum Seefta Bannanka iyadoo wafitaga ay kamid ahaayeen Madaxweyne Ku-xigenka Cabdi-samad Cali Shire, Wasiirro, Xildhibaannada Puntland, Guddoomiyaal Gobol iyo Saraakiil Ciidan.

 

Ammaanka guud ee Galkacyo ayaa si weyn loo adkeeyey iyadoo ciidamo aad u tiro badan oo kuwa Birmadka ah la geeyey magaalada islamarkaana ay gaaf wareegayaan Jidadka magaalada iyagoo markaasi si adag isha ugu haya dhaqdhaqaaqa guud ee dadka.

 

Dadaweyne aad u tiri badan ayaa soo buux dhaafiyey Qabuuraha gaar ahaan halka lagu Aasayo Marxuum Seefta Bannanka iyagoo doonaya iney ka qeyb qaataan, xilli goob jog uu ka yahay Madaweynaha Puntland isaga oo Khudbad ka jeediyey goobta lagu Aaasey marxuumkaas.

 

Garowe Online ayaa tacsi u direysa dhamaan ehelada marxuumka, shacabka Somaliyed iyo kan Puntland annaga oo leh ilaahey ha ka warabiyo Janno Fardowso.

 

Radio Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Horseed Media

News Desk

 

Madaxwayneha Dowlad Goboleedka Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole, ku-xigeenkiisa C/samad Cabdi Shire, guddoonka Baarlamaanka C/rashiid Maxamed Xirsi iyo xubno kale oo ka tirsan Golaha Xukuumada, ayaa gaaray Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, iyagoo ka qaybgalay Aaska wasiirkii Warfaafinta Puntland Warsame Cabdi Shirwac (Seefta-Banaanka) oo shalay lagu dilay Magaalada Gaalkacyo.

 

Wefdiga uu hoggaaminayo Madaxwayne Faroole, ayaa safarkooda ku marayay dhulka waxayna ka baxeen baqrnimadii maanta Magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland.

 

wararka ayaa sheegaya in Kolanyadii Madaxwayneha, gaari ka mid ah uu gadoomay intii ay jidka ku sii jireen kaasoo ay ku dhinteen labo ka mid ah illaalada la socotay wefdiga Madaxwayneha waxana ku dhaawacmay 12 askari oo kale waxana dhaawacyada Ciidamada la geeyay Isbitaalka Dhaga-cadde ee Magaalada Gaalkacyo .

 

Magaalada Gaalkacyo, ayaa sidoo kale waxa ka socda dhaq-dhaaqyo ammaanka lagu xaqiijinayo iyadoo Ciidamada ammaanka ee Magaalada Gaalkacyo ee Puntland heegan la galiyay.

 

Wariyaasha Horseed Media ee ku sugan Magaalada Gaalkacyo, ayaa ku waramaya in maanta Magaalada Gaalkacyo laga dareemayo jawi degan, hase ahaatee qaar ka mid ah dadweynaha halkaasi ku dhaqan ayaa ka qaybgalay Aas-ka Qaran ee loo sameynayay Wasiirkii Warfaafinta Puntland Warsame Cabdi Shirwac (Seefta-Banaanka).

Share this post


Link to post
Share on other sites

zAasGalkacyo2.jpg

 

Warsame Cabdi Shirwac oo lagu aasay Galkacyo, iyo M/weyne Faroole oo la hadlay reer Galkacyo.

Galkacyo, Aug 06 - Waxaa goor dhawayd lagu aasay qabuuraha magaalada Galkacyo Alle ha u naxariistee Warsame Cabdi Shirwac.

 

Marxuumka ayaa loo sameeyey aas qaran, waxaana ka qayb galay madaxda dawlada Puntland.

 

M/weynaha Puntland C/raxman Maxamed Faroole, ku xigeenkiisa C/samad C. Shire, Afhayeenka baarlamaanka C/rashiid M. Xirsi, mudanayaasha golayaasha dawlada, Issimo, dadweyne ... [Akhris ...]

Share this post


Link to post
Share on other sites

WARSAXAAFADEED TACSIYADEED - GOLAHA QURBAJOOGTA PUNTLAND (PUNTLAND DIASPORA FORUM). [Akhris ...]

 

GOLAHA QURBAJOOGTA PUNTLAND (PUNTLAND DIASPORA FORUM)

 

WARSAXAAFADEED TACSIYADEED

 

PDF/OP/050809/PR

 

Toddobaadkan waxaa dalka ka dhacay laba dhacdo oo farxad iyo tiiraanyo door ah leh. 1dii bishan waxaa Puntland si weyn oo yididiilo iyo farxad gelisey Qurbajoogta reer Puntland meel kasta oo ay joogaan looga xusay sannadguuradii 11aad ee aasaaskii Dawladda Soomaalida ah ee Puntland (Somali State of Puntland). Damaashaadka 1da August wuxuu ku soo beegmay maalin qura ka dib xilli ay dalka dib ugu soo noqdeen Madaxweynaha Puntland Md. Dr. Cabdiraxmaan Sh. Maxamad Maxamuud (Faroole) iyo wafdi sare oo Wasiiro ah oo uu hoggaminayey oo booqasho rasmi ah oo guulo diblomaasiyadeed oo la taaban karo ay ka soo hoydeen ku gaaray Dalka Maraykanka.

 

Maanta oo afar casho oo keliyihi ka soo wareegtay damaashaadkaas soo jiitey indhaha Ummad-weynta Soomaliyeed, Dawladaha jaarka nala ah, iyo caalamkaba, waxaa magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug si bareer ah ay dabley aan la aqoon har cad ugu dileen Allaha u naxariistee Wasiirkii Warfaafinta ee Puntland Mudane Warsame Cabdi Shirwac (Seefta Bannanka). Arrintani waxay hakad galisey jawigii damaashaadka iyo rayraynta oo dal iyo dibad ay reer Puntland dawlad iyo shacab ku naaloonayeen. Waxaa xusid mudan inaysan ahayn markii koowaad oo waxgarad sama ka talis ah lagu dilo Magaalada mushkiladeysan ee Gaalkacyo.

 

Puntland waxay maanta haysataa nabad iyo xasillooni Allah looga mahad naqo ahna mid meelaha ay ka maqan tahay dahab looga iibsan lahaa haddii la gadan karo. Khatar ka weyni ma jirto in la oggolaado in ay dhunto ama la carqaladeeyo nabadda maanta ka jirta dalka. Sugidda amniga untland waa arrin mudan muhimadda koowaad ee Dawladda, Madaxda dhaqanka, Culimada, aqoonyahanka iyo guud ahaan dadweynaha reer Puntland. Ilaalinta iyo dhawrista karaamada iyo nafta mas’uuliyiinta u sarraysa dawladduna sida Wasiirada, iyo Xubnaha Baarlamaankuna waa inay noqotaa waajib si guud la isaga xilxaaro oo aan dib dambe loo dayicin. Dilka Wasiirku waa dil la diley Qaranimada iyo jiritaanka Puntland. Madaxa, Golaha Joogtada ah ee GQP (PDF), iyo dhammaan Qurbajoogta reer Puntland waxay uga tacsiyaynayaan qoyskii, iyo eheladii, uu sida gaarka uga dhintay marxuum Warsame Cabdi Shirwac, iyo Dawladda iyo shacab weynaha Puntland.

 

Talo:

 

Golaha Qurbajoogta Puntland, wuxuu:

 

1. Soo dhaweynayaa, kuna farxay, shirka deg dega ah ee Dawladdu ka gashay dhacdadan naxdinta leh sidii si deg deg ah wax looga qaban lahaa.

 

2. Soo jeedinayaa in sida ugu dhakhsaha badan loo baaro lana ogaado halka ay ka yimaadeen iyo halka ay u carareen gacan ku dhiiglayaashii geestey fal dembiyeedkaas.

 

3. In marka la ogaado cidda ka dambeysey falkaas meel kasta oo ay tagaan looga dabagalo oo sharciga la hor keeno intay doonto ha qaadatee.

 

4. In baaritaanka iyo ciqaabta dambiilayaasha looga dambeeyo dawladda oo aanu shacabku si caadifadaysan u baal marin nidaamka una dhaawicin kala dambaynta iyo xasillonida dalka ka jirta.

 

5. In dhammaan reer Puntland gudaha iyo dibedaba ay gacan ka geystaan adkaynta amniga iyo xasilloonida, kuna taageeraan dawladda sidii loo sii xoojin lahaa nabadda ka jirta dalka.

 

Guddomiyaha Golaha Qurbajoogta Ee Puntland (PDF)

Md. CabdulQaadir Cabdi Xaashi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this