Sign in to follow this  
Herer

Breaking News: Another MP Fighting erupts in Somaliland

Recommended Posts

Herer   

WAR DEG DEG: BOOLISKA OO ALBAABADA U XIDHAY GOLAHA WAKIILADA IYO DAGAAL KA DHEX DHACAY XILDHIBANDA

 

 

Fadhigii Maanta oo uu shirgudoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Md C/raxmaan Maxamed C/laahi (C/raxmaan Cirro) ayaa la horkeenay labada Mooshin ee la doonayo in Mid maamuus ka xayuubin lagu sameeyo Madaxweynaha iyo Kuxigeenkiisa halka ka kalena ahaa in dib loo furo xeer hoosadka golaha kaabis iyo wax ka bedelna lagu sameeyo.

 

La taliyaha Dhinaca Sharciga ayaa ka hor akhriyey Golaha Wakiilada in Mooshinka Xilka laga Xayuubinayo Madaxweyne Rayaale uu yahay mid sharciga waafqasna , Halka Mooshinka Wax ka bedelka iyo kaabista xeer Hoosaadka golaha uu ku sheegay La taliyaha dhinaca Sharciga ee Wakiiladu mid aan dhamaystirnayn oo aan waafaqsanayn sharciga.

 

Golaha ayaa galay buuq iyo qaylo waxaana la isula tagay gacanta halka xildhibaan la soo baxay Tamuujad ( Baaskoolad) inkasta oo aanu cid ku dhufan xaruntuna waxay isu rogtay fawdo Buuq iyo dagaal . Xidhibaanka Walfinayay Baaskoolada ayaa ahaa Xildhibaan C/raxmaan Xoog oo ka tirsan Xisbiga Udub.

 

Dagaalkan Dhex maray Xidhibaanada ayaa ah kii ugu cuslaa ee xildhibaanada Golaha Wakiiladdu isku fara saareen,waxaana ka dhashay dagaalkaasi dhaawacyo soo kala gaadhay xildhibaanadii.

 

Dagaalkan saaka ka dhacay golaha Wakiiladu waxa uu ka bilaabmay muran xoogan oo ka dhashay Mooshinkii xildhibaanada Mucaaridka ahi ay keeneen Golaha oo maanta markii labada mooshin golaha laga hor akhriyay la yidhi waxa loo dhiibayaa guddida joogtada ah taasoo ay diideen xildhibaanada muxaafidka ah oo ku dooday guddidaasi inaanay ku kalsoonayn oo muran ka aloosan yahay isku badal dhawaan shirguddoonku ku sameeyay sida uu xildhibaan C/raxmaan xoog oo mikirifoonka golaha istaagay u sheegay shirguddoonka iyo golahaba.

 

Muranka iyo Dagaalka kadib Guddoomiyaha golaha Wakiiladda C/raxmaan cirro ayaa dabadeed si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu goluhu xidhan yahay ilaa sabtida isagoo aan cod baahiye haysan .

 

Ciidamada Booliiska ayaa iyana soo galay guddaha golaha wakiiladda si ay u kala qabtaan xildhibaanada balse waxba kamay suurtogalin oo xaaladii waxay noqotay fara kabax, waxaana markii danbe amar lagu siiyay inay gabi ahaanba albaabada u soo xidhaan golaha sidaasaanu golihii ku xidhmay.

 

Mo Yusuf

Hargeysa

TogaHerer

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this