Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Sharif Hotel Al Shabaab shelling kills maim many civilians

Recommended Posts

dhaawacyoMuqdisho1-300x216.jpg

 

MSF: 52 haween iyo caruur ah baa ku dhaawacmay duqeynta Muqdisho

 

Hay’ada Dhakhaatiirta aan xaduuda lahayn Médecins Sans Frontières (MSF) oo maanta warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in tirada shacabka wax ku noqonaya Duqeynta Muqdisho ay tahay mid aan loo adkeysan karin.

 

Hay’ada ayaa warbixinteeda ku sheegtay laga soo bilaabo 29kii bishii Janaayo illaa 2dii bishan Feberaayo ee shalay ku beegnayd Isbitaalka Dayniile ee Muqdisho in la dhigay dad gaaraya 89 qof oo ku dhaawacmay duqeynta aan xaduuda lahayn ee ka socota Muqdisho.

 

Warsaxafadeedkan ayaa lagu sheegay in 52 qof oo kamid ah dadkan ay yihiin caruur iyo haween. Waxayna hay’ada ku eedaysay kooxaha ku dagaalamaya Muqdisho, inaysan marnaba dhawrin xaquuqda shacabka, ayagoo si aan kala sooc lahayn u daqeeyaan goobaha shacabku uu degen yahay.

 

“…tirada dadka dhaawacyada soo gaareen 72kii saac ee lasoo dhaafay, maaha khasaaro dagaal, balse waxaa dhibaato aan loo kala soocin oo wax tixgelin ah aan la siin shacabka…”ayuu yiri madaxa MSF Axelle de la Motte St. Pierre.

 

“….xaalada ka jirta Muqdisho waa mid cakiran, dhamaan kooxaha ku dagaalamaya Muqdisho eeda way leeyihiin, balse duqeynta goobaha shacabka ku nool yihiin waa mid aan marnaba loo dulqaadan karin…” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka MSF.

 

Sanadkii 2009kii ayaa waxaa dadka ku dhaawacmay dagaalada Muqdisho lagu sheegay 1,137 qof, ayadoo kala bar tiro ku dhaw ay ahaayeen haween iyo caruurta da’adoodu ka hooseyso 14 sano jir.

 

Warsaxaafadeedkan ayaa loogu baaqay Dowlada Soomaaliya, Ciidamada AMISOM iyo Kooxaha mucaaridka inay ka waantoobaan duqeynta ay ku dhexwadaan goobaha shacabka ay degen yihiin ee aan kala sooca lahayn.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aid group: Armed forces shelling Somali civilians

 

NAIROBI, Kenya -- An aid agency spokeswoman says indiscriminate shelling into residential areas of the Somali capital wounded 89 civilians in three days.

 

Axelle de la Motte St. Pierre says 30 of the wounded are children under 14 years old and 36 are women. Some lost limbs and others needed stitches for deep lacerations.

 

St. Pierre heads the Somali program for Medecins Sans Frontieres, also known as Doctors Without Borders. She said Wednesday so many patients arrived at Daynile Hospital between Jan. 29 and Feb. 2 that some of the wounded had to be treated in tents.

 

Somalia's capital, Mogadishu, has seen an upsurge in fighting between African Union peacekeepers, government forces and Islamist insurgents in recent weeks. All sides have used mortars in the city.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this