Som@li Posted September 11, 2004 URURKA AL-ISLAAX OO LACAG FARA BADAN GEEYAY SHIRKA NAIROBI SI AY UGA HORTAGAAN IN C/LLAAHI YUUSUF MADAXWEYNE LOO DOORTO Somaliweyn.com ( Mogadishu 11/09/04 ) Ururka Al-Islaax oo ah mid ka mid ah urur diimeedyadii awooda badan ku lahaa Dowladdii C/qaasim ayaa lacag aad u fara badan geeyay shirka dib u heshiisiinta Soomaalida uga socda magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo ujeedada ay ka leeyihiin lacagtaasi ay tahay sidii ay uga hortegi lahaayeen in Col., C/llaahi Yuusuf loo doorto Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Ururka ayaa dhowaan caddeeyay inuu taageersan yahay shirka, inkastoo uusan wax awood ah ku lahayn shirka, iyagoo horay gacan weyn uga geystay shirka Jabuuti kuna guuleystay inay Madaxweyne ka dhigaan musharaxii ay iyagu wateen oo ahaa C/qaasim Salaad Xasan, inkastoo aan la ogeyn cida ay iminka taageersan yihiin maadaama aysan sidii hore isku ahayn C/qaasim Salaad Xasan. Afhayeen u hadlay ururka Al-Islaax ayaa sheegay inay si buuxda u taageersan yihiin shirka dib u heshiisiinta kooxaha Soomaalida uga socda magaalada Nairobi, waxayna ahayd markii ugu horeysay oo ay si cad u muujiyaan mowqifkooda ku aadan shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed. Somaliweyn Information Center. Xarunta dhexe ee Wararka Soomaaliweyn. Muqdisho Somalia. somoginfo@somaliweyn.org Quote Share this post Link to post Share on other sites