Sign in to follow this  
Saalax

Dagaaladii cuslaa ee saaka ka bilaawday duleedka magaalada Boosaaso ayaa sii xoogayst

Recommended Posts

Saalax   

Dagaaladii cuslaa ee saaka ka bilaawday duleedka magaalada Boosaaso ayaa sii xoogaystay waxaana lasoo sheegayaa in Khasaara xoogan uu soo gaaray Maleeshiyaadkii u dagaalamayay Faroole.

 

 

Dagaalka oo maanta duhurkii mar qaboobay ayaa markale sii xoogaystay kadib markii ay xoogaga deegaanka Galgala weeraro Aar gudasha ah ku qaadeen Firxadka Maleeshiyaadkii Faroole.

 

 

Sarkaal u hadlay dadka deegaanka Galgala oo diiday in magaciisa la adeegsado ayaa sheegay in ay dileen labaatameeyo katirsan Maleeshiyaadka PIS-ta Faroole ee Weerarka ku qaaday dadka deegaanka.

 

Dagaalka ugu culus wuxuu ka socdaa laamiga Boosaaso iyo Karin kala qaybiya, Warar xog ogaal ah oo ay helayso shabakadda SomaliMeMo ayaa xaqiijinaya in Maleeshiyaadka Faroole loosoo riixay dhanka magaalada Boosaaso oo Rasaasta wiiftada ah ay yool ka dhigtay wadad laamiga ah.

 

Xaaladda magaalada Boosaaso ayaa kacsan waxaana aad u yar dhaq dhaqaaqa shacabka kadib markii Maleeshiyaad lasoo dhigay dhamaanba wadooyinka magaalada.

 

Maleeshiyada Faroole ayaa beeraha shacabka ku duqaynaya madaafiicda BM-ka oo ay Itoobiya ugu deeqday Maamulka Ashahaadda ladirirka waxaa jira Maxaabiis farabadan oo laga qabtay Maleeshiyaadka PIS.

 

Maxaabiista lagu qabtay dagaalada ka socda Duleedka Boosaaso waxaa ka mid ah saraakiil iyo Xidiglayaal hor boodayay dagaaladii saaka dhacay, warar kale ayaa sheegaya in gaari Candha Maydle ah uu Maleeshiyaadka uga dhacay Tog Biyood.

 

1-Ahmed Ali Muuse Madaxii Saadka ee Ciidanka PL.

2- Mustafe Guray Laba Xidigle.

3- Maxamed Dheere

4- Jamaal Ciisa Kaar

5-Cali Muuse Xidgle.

6- Maxamuud Qodox

7-Jaamac Axmed Yuusuf [Darweel Gaadhi Dagaal]

8-Maxamuud Haybe [ Gaandhari Macaa Gaadhigiisii]

10- Farxaan Qooje

 

Waxaa Jira Saraakiil dagaalka lagu dilay oo aan weli magacyadooda lahelin balse saacadaha soo socda laheli doona, Isbitaalada waaweyn ee magaalada Boosaaso waxaa buux dhaafiyay dhaawacmayada Maleeshiyaadka Faroole.

 

 

Dagaalka u dhaxeeyo islaamiyiinta iyo Maamulka Puntland oo sii xoogeystay iyo ciidamada Puntland oo la soo Riixay

 

War hor dhac ah oo ka imanaayo dagaalka Galgala ee duleedka magalada Boosaaso ayaa sheegayo in marba marka ka danbeysa dagaalka sii xoogeysanaayo iyadoona labada dhinac ay kala helayaan gurmadyo xoogan..

 

Dagaalka oo ilaa iyo hada inta la huba ay ku dhinteen kuna dhaawacmeyn dhanka ciidamada Puntland 5 dhimasha ah iyo 15 dhaawac ah halka wali laheyn dhanka kale uu hogaaminaayo wadaadka dad yar ee Shiikdh Maxamed Siciid ATAM isagu taageero xoogan ka helay dadka deegaanka Sanaag oo xiligaan siweyn uga soo horjeedo maamulka Puntland.

 

Dhiira galinta ciidamada Puntland ayaa la sheegayaa in halkaas gareen madaxweyna ku xigeenka Puntland iyo taliyaal sare oo ciidanka ah kuwa oo jooga furuta dagaalka si ay u dhiira galiyaan ciidamada Puntland oo dhoor mar la soo riixay loona awood sheegtay sida ay ku waramayaan dadka yar ee fara ku tiriska ahee u daawashada tagay dagaalka ka socda buraleyda Galgala ee duleedka magalada Boosaaso.

 

Dagaalada xiligaan socda ayaa ku soo aday xili madaxweynaha Puntland faroole uu sheegay in masaajida iyo goobaha quraanka lagu barta fara kulul lagu qaban doonto iyadoona la xasuusan karo gobolada Bare in ay yihiin goobahii ugu horeyey ee islaamiyiinta xiliogaan awooda ku leh Soomaaliya ka soo abuurmeyn .

 

Wali dagaalka waa socdaa xoogiisa waxaana marba marka ka danbeysa loo awood sheeganayaa ciidamada Punland kuwaa oo dhor mar isku dayey in ay jiraan islaamiyiinta iyaga dib loo soo riixay

Si kastaba ah ahtee dagaaladaan ayaa u muuqda in ay u qaab egyihiin kuwii ka bilaawday Muqdisho ee u dhaxeeyey xoogagii Islaamiyiinta ahaa iyo hogaamiyaashii Muqdisho kuwaa oo lagu wiiqay awooda ragii mar i ka ahaa Muqdisho libaaxyada

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Xiisada dagaal ayaa saaka ka aloosan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari kuwaasi oo u dhexeeyay Maleesiyaadka Maamulka Cabdi Raxmaan Faroole iyo dadka deegaanka oo ka kacdoonsan Tacadiyaadka PIS-ta Ashahaadda ladirirka loo yaqaan.

 

 

Wararka nagasoo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa xaqiijinaya in saaka magaaladu tahay mid Jiha wareer ka jiro kadib markii ay soo bexeen warar sheegaya in xoogag deegaanka Galgala ay gudaha magaalada soo galeen.

 

Weriya ku sugan magaalada Boosaaso ayaa sheegay in aan saaka albaabada loo furin goobaha ganacsiga kadib markii ay ciidanka Faroole ay difaacyo ka xirteen wadooyinka ugu muhiimsan magaalada.

 

Shacabka ayaa isla dhaxmaraya in magaalada ay dhinac kasoo galeen ciidamo taabacsan Sheekh Max'med Saciid Atam kuwaasi oo shalay ilaa iyo xalay isku aruursanayay hareeraha magaalada Boosaaso.

 

Waxaa laga cabsi qabaa in Rasaastu ay xilli walba ka bilaabato magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso oo ay kusoo xoogaysteen dadka diidan Maamulka Ashahaadda ladirirka ee Faroole Hogaamiyo.

 

dagaalkii shalay ka dhacay Karin ayaa Khasaara farabadan gaarsiiyay ciidanka Maamulka Puntland oo iyagu cadaystay in ay Diinta alle dagaal lagelayaan iyo shacabka Galgala oo iyana cadaystay in ay ku dhaqmayaan shareecada Islaamka ama ay Naftooda weynayaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Madaxwayne Xigeenka PL Gen C.Samad Cali Shire iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Ilka Jiir,kan Duur Joogta C/Qani Yuusuf ayaa Gaadhay Degmada GalGala oo ay dhawaan Xeelad Dagaal Dib Uga Baxeen Ciidamada uu Wato Sheekh Maxamed Sai Atam, Waftigaasi ayaa laga soo sheegayaa inay Kulan la qaateen Odayaasha deegaanka kuwaasi oo ka wada hadlay Arimo badan.

 

 

Warar Madaxbanaan ayaa sheegaya in Qaar ka mid ah dadku ay Diidanyihiin Imaanshaha Ciidankaasi oo ay Taageersanyihiin Sheekh Maxamed Said iyo Atam iyo Ciidankiisa.

 

Lama Saadaalin karo Xaaladu say Noqonayso, Madaama xili Habeen ah Gudaha Loo Galay GalGala oo ay Ciidamada Atam ay Joogaan Buuraha GalGala Meel saas ugu dhow Magaalada.

 

Dhanka kale Wasiirka Arimaha Gudaha Gen Ilka Jiir oo Waraysi Siisay VOA-da ayaa sheegay inay Guul ka Gaadheen dagaalkaasi oo ay soo Af Jareen wax uu Ugu Yeedhay Kuwa diidan Siyaasada Puntland, Ilka Jiir ayaa Sheegay in Ciidmada PL ay Galeen GalGala isla markaana ay ku Suganyihiin.

 

Waxa uu Cara baabay inay Ku Daba Joogaan isaga oo VOA-da la Hadlay Firxadkii kooxdaasi, waxana uu Dhaleeceeyay Dad uu sheegay inay Gacan Siiyeen Ciidamada Deegaanka.

 

GalGala

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Originally posted by Jacaylbaro:

Someone has just woke up ............ Adeer meeshaa saakaa lagu kala tegey ,,
:D

:D Atom wali ma la so qabtay marka mise wali burihi bari bu ku dheexwareegaya?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this