Gabbal Posted March 30, 2006 Siyaasiyiin iyo waxgarad ka qeyb galey munaasabadii maanta lagu doortey Cadde Gaaboow ayaa soo dhoweeyey waxeyna balan qaadeen iney la shaqeyn doonaan maamulka cusub. March 29, 2006. HornAfrik. Mogadishu, Somalia. Siyaasiyiin iyo waxgarad ka qeyb galey munaasabadii maanta lagu doortey Cadde Gaaboow ayaa soo dhoweeyey, waxeyna balan qaadeen iney la shaqeyn doonaan maamulka cusub. Qeybo kamid ah siyaasiyiinta magaca kuleh mujtamaca dhexdiisa oo iyagu maanta goob joog ka ahaa madashii lagu dooranayey guddoomiyaha gobolka ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ka warbixiyeen qaabka ay u arkaan doorashada guddoomiyaha gobolka oo uu ku guuleystay Maxamuud Xasa Cali Cadde Gaaboow. Xuseen XAaji Bood oo isagu kamid ah dadka ruug cadaaga ah ee dhinaca siyaasada Soomaaliya ayaa ka hadley sida uu u arko qaabka ay maanta wax u dhaceen. Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Sh/Hoose Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad “Indha Cadde†oo isaguna kahadley halka ay doorashadu ka dhaceysay ayaa soo dhoweeyey doorashada xilka guddoomiyaha gobolka loogu doortey Maxamuud Xasan Cali Cadde “Gaaboow†waxaana uu xusey maraaxiladii kala duwanaa ee uu soo marey gobolka Banaadir. Sheekh Yuusuf waxaa uu sheegay inu ula haqeyn doono Cade Gaaboow. Siyaasiyiinta kale ee halkaasi ka hadashey ayaa waxaa kamid ah Abuukar Yuusuf Huwe oo ah wasiiry dowladaha arrimaha dibadda ka ahaa dowladii Carte lagu soo dhisey, iyadoo xubnihii siyaasiyiinta kale ee iyana madashii maanta ka hadashey ay kamid ahaayeen Gen. Maxamed Nuur Galaal iyo Gen. Maxamd Warsame Dhooleey, oo iyagu sheegay in mar haddii ay yihiin ciidamadii qalabka sidey iney garab iyo gaashaanba u noqonayaan maamulka cusub ee gobolka Banaadir ee uu horkacayo Cadde Gaaboow. Qeybahabulshada oo iyana aan maanta kula kulaney xarunta ay ka dhaceysay doorashada ayaa iyana fakir kooda ku cabirey sida ay u arkaan Cadde Gaaboow oo loo doortey guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, waxaana ay sheegeen dadkii aanu maanta goobtaasi kula kulaney iney soo dhoweynayaan maamulka uu yeeshay gobolka. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted March 30, 2006 Cadde Gaabow oo loo doortay Gud. gobolka Banadir iyo Duqa mag. Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted March 30, 2006 Sheydaanka meel Eebe keeno waa fadhiyaa. Waxaa la yiri, ninkii soo joog laga waayo, soo jiif aa laga helaa. Indhacadde pressure waa ku bilaabaty already, oo bambooyinka iyo wax kale ayaa ka qarxooyo in Marka. Bandoow kusoo rog ama wax kale keen, counting his days waa bilaabatay. Oppressed native people are finally fed up. I digress. On the topic: why am I seeing another invisible hand behind all of this again? Maxaa Tootoowgaas ka reebay this time, markii ee qabqabliyaasha ee isla jireyna asaga ugu wacnaa ama daradiis u kala go'een? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Zaylici Posted March 30, 2006 Look the man who is next to him, Mohamud Cumar Caddan, a member of the family who managee ceelmacaan port; sure the clann of Qanyare are not visible, and it appears to be a great mistake on their part. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted March 30, 2006 MMA, Inda Cade is a joke, look to your old friend Abdiqasin and you will see who is the master of the dark arts in all of this. There is an open rebelion in Marka, we wait and see.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted March 31, 2006 Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar: Sheydaanka meel Eebe keeno waa fadhiyaa. Waxaa la yiri, ninkii soo joog laga waayo, soo jiif aa laga helaa. Indhacadde pressure waa ku bilaabaty already, oo bambooyinka iyo wax kale ayaa ka qarxooyo in Marka. Bandoow kusoo rog ama wax kale keen, counting his days waa bilaabatay. Oppressed native people are finally fed up. Runtaa waaye MMA...His days in Markacadeey might be near. waxaan hada wadaad waaye ladhahaa..Gar iyo Cimaamad goormay wadaadnimo noqotay.This is criminal enterprise that needs to eridicated. This might come at great price to our people. Quote Share this post Link to post Share on other sites