Cowke Posted June 9, 2010 Nabadoon Yaasiin C/samad: Dhulka ******* Maxaa Duulaanka Loogu Yahay. Cawil Maxamuud Cabdi RBC Radio, Gaalkacyo Cawil@raxanreeb.com Gaalkacyo (RBC Radio):- Nabadoon Yaasiin Cabdi Samad oo ka tirsan Issimada Gobolka Mudug ayaa si kulul uga hadley arimaha la xiriira dhul balaarsiga ay wadaan qaar ka mid ah maamulada ka jira dalka Soomaaliya. Nabadoon Yaasiin oo ka qeyb galay kulan maanta ay yeesheen ergo ka socota SSC iyo Waxgaradka gobolka Mudug oo ka dhacay Hotelka Al-xuseyn ee magaalada Gaalkacyo ayaa ka dhawaajiyey in duulaan lagu soo yahay dhul badan oo ah kuwa ay degaan beesha *******. “Waxaa la yaab leh, in duulaan iyo boob lagu hayo dhulka *******, waad ogtihiin saaka anagu Burco duulaan kuma nihin, Hargeysana duulaan kuma nihin, dhinacan kale ee Mudug, Dagaari duulaan kuma nihin, Hobyana sidoo kale, ee maxay tahay sababta dhulkanaga duulaanka loogu soo yahay”. ayuu yiri Nabadoon Yaasiin Cabdi Samad. Nabadoonka ayaa maamulka Soomaaliland uga digay sii heysashada dhulka Puntland ee Sool, isaga oo intaa raaciyey in aysan dhici doonin in ay sii heystaan si khasab ah shacab aan ka tirsaneyn oo weliba aan taageer saneyn, taasina aysan ogolaan doonin sida uu hadalka u dhigay. Yaasiin Cabdi Samad oo ah Issin si weyn looga yaqaan Puntland iyo Soomaaliya oo dhan ayaa sheegay in ay wanaagsan tahay in la dhowro deris wanaaga, haddii kale ay dhibaato iman karto, isaga oo intaa raaciyey in aysan u dulqaadan doonin weerarada cad ee lagu hayo dhulkooda, kuwaasi oo uga imanaya maamulada la deriska ah Puntland. Waa Issinkii ugu horeeyay ee ka tirsan Issimada Gobolka Mudug oo ka hadla arimaha kala qabsiga dhulalka u dhaxeeya maamulada Puntland iyo Soomaaliland, iyo sidoo kale maamulka koonfurta Gaalkacyo oo waayadan dambe ku jiray damaaci dhul sheegasho ku saleysan. RBC Radio. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted June 9, 2010 I predicted this a couple of weeks ago when the missles were being thrown at galkayo airport at the same time buhodle was being invaded. You can see my predictions here http://www.somaliaonline.com/ubb/ultimatebb.php?/topic/9/23051#000006 Now a well known elder from mudug has said the same thing I was saying a couple of weeks ago and from that discussion thread you can see as usual people calling me "mad" and stuff. I am not mad I just know politics and strategies. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted June 9, 2010 Ergo Ka Socota Gobolada SSC Oo Kulan Xasaasi Ah La Qaatey Waxgaradka Gobolka Mudug (Sawiro). Cawil Maxamuud Cabdi RBC Radio, Gaalkacyo Cawil@raxanreeb.com Gaalkacyo (RBC Radio):- Ergo ka socota gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn ee marka la soo gaabiyo la isku yiraahdo SSC ayaa waxay soo gaareen magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland, waxayna shir la qaateen waxgaradka gobolka Mudug. Xubnahani ergada ah ayaa waxaa horkacayey Xoghayaha Xoreynta iyo Difaaca gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn Col, Yaasiin Cali Cabdulle (Tamaad) waxayna ka yimaadeen dhinaca magaalada Buuhoodle ee gobolka Ceyn, iyagoo maalmihii ay joogeen Gaalkacyo ay is arkeen dhamaan waxgaradka iyo Isimada Gobolka Mudug, waxayna kulan gaar ah la qaateen Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo ay kala kulmee soo dhaweyn. Kulan xasaasi ah oo saacado farabadan socday ayey ergada SSC la qaateen maanta Isimmada, Aqoonyahanka, Siyaasiyiinta, Waxgaradka iyo Haweenka gobolka Mudug, kulankaasi oo ay ugu soo bandhigayeen waxyaabaha ay ergada uga yihiin reer Mudug. Shirka oo ka dhacay Hotelka Al-xuseyni ee magaalada Gaalkacyo ayaan loo ogolaan saxaafada in ay xogta ka helaan inta uu shirku socday, balse waxaa loo ogolaaday oo kaliya in ay goob joog u ahaadaan hadalada la jeedinayo balse aysan waxba duuban oo arintu ay tahay mid qabiili, marka uu kulanku dhamaadana la siin doono xogta waxyaabihii laga hadlay. Col, Yaasiin Tamaad ayaa hadalkii ugu horeeyay ee shirka bilaabay, waxaa uuna sheegay in maanta ay ergo u yihiin walaalahooda reer Mudug, iyaga oo ka codsanaya in gacan laga siiyo in ay dib u xoreeyaan gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn oo uu sheegay in ay heystaan kooxo ku soo duulay isla markaana garab ka helay dad aan matalin dadka iyo deegaanka. Odayaasha iyo Issimada gobolka Mudug ayaa ka jawaabay hadalka ergada SSC, waxayna sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay hiil iyo hoo ba la garab istaagaan walaalahooda ka soo jeeda gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn, balse ay codsadeen in meesha laga saaro kala qeybsanaanta iyo tafaraaruqa ku kala dhex jira beesha *********** dhexdeeda. Odayaasha iyaga oo hadalkooda sii wata ayay sheegeen in ay u hurayaan naftooda iyo maalkooda soo celinta goboladaasi oo ay sheegeen in ay yihiin kuwa ka maqan gacantooda, balse waxay intaa ku dareen in marka hore la rabo in la arko dadaalka Jabhada SSC iyo sida ay u bilowdo dadaalka soo celinta goboladaasi, markaasi kadibna ay gacanta ugu weyn ee deg deg ah ka heli doonaan gobolka Mudug. Siyaasiyiinta kulanka ka qeyb gashay oo ay ka dhex muuqdeen Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) Faarax Cabdi Doorshe iyo Gudoomiyihii hore ee gobolka Mudug C/nuur Geeseey ayaa dhamaantood sheegay in ay soo dhaweynayaan hadalka ka soo yeeray ergada ka socota SSC, isla markaana iyaga oo ku hadlaya siyaasiyiinta gobolka Mudug ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada dib u soo celinta gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn ee la isku yiraahdo SSC. Haweenka ayaa dhinacooda sheegay in ay dahabkooda u gadi doonaan in la helo goboladaasi oo ay dib gacanta ugu soo noqdaan maamulka Puntland, taasina ay bilaabi doonaan dadaalkeeda sida ugu dhaqsiyaha badan. Kulanka oo in cabaar ah socday ayaa waxaa labada dhinac dhexmaray su’aalo iyo doodo ku saabsan sidii loo soo celin lahaa gobolada SSC, iyo sida ugu macquulsan ee loo heli karo taageero dhinac walba leh oo dhexmara beelaha walaalaha ah ee kulanka maanta uu dhexmaray. Shirka ayaa markii uu soo gaba gaboobay waxaa banaanka u soo baxay ergadii ka timid Buuhoodle, waxana goobta ku harey Waxgaradkii gobolka Mudug ka soo jeeday, waxayna kulankooda iska dhex xuleen guddi keena taageeradii la siin lahaa ergada, taasi oo qeyb ka mid ah la doonayo in haatan lagu amba bixiyo qeybaha kalena gadaal looga diri doono. Xoghayaha Xoreynta iyo Difaaca gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn Col, Yaasiin Cali Cabdulle (Tamaad) Xoghayaha Xoreynta iyo Difaaca gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn Col, Yaasiin Cali Cabdulle ayaa sheegay warbaahinta uga waramay kulankoodii iyo waxa uu ku soo dhamaadey, isaga oo sheegay in ay ahaayeen ergo u timid walaalahooda gobolka Mudug, ayna wateen codsi kaasi oo looga jawaabay oo loo aqbalay codsigoodii. Nabadoon Yaasiin Cadi Samad Oo Ka tirsan Issimada Gobolka Mudug ee kulanka ka qeyb gashay. Dhinaca Waxgaradka gobolka Mudug waxaa isaguna u hadley Nabadoon Yaasiin Cabdisamad waxaa uuna sheegay in shirkooda maanta uu ahaa mid looga arinsanayey codsi uga yimid ergo ka socota SSC, codsigaasi oo ahaa gacan ka geysashada dib u soo celinta gobolada SSC ee ka maqan gacanta Dawladda Puntland in badan, anaguna waxaan balan qaadney in aan taageero xoogan oo naf iyo maalba leh ka geysan doono ayuu yiri Nabadoon Yaasiin Cabdi Samad. Quote Share this post Link to post Share on other sites