Sign in to follow this  
Somalina

Ciidamo ka tirsanaan jiray Xisbul Islaam oo ku biireen dowlada KMG ah.

Recommended Posts

Somalina   

04 Dec 2010 (Xogta Media) – Garabkii ururka Xisbul Islaam ee uu hogaaminayay Yuusuf Indhacadde ayaa sheegay inuu ku biiray dowladda KMG.

 

C/qaadir C/llaahi oo sheegay inuu afhayeen u yahay ciidamada ka tirsanaa garabkaasi, wuxuu sheegay laga bilaabo maanta inay si toos ah uga mid noqdeen ciidamada dowladda KMG.

 

Waxaa ay ka dambeysay arrintan ka dib markii saraakiil ka tirsan garabkan ka tirsanaan jiray ururka Xisbul Islaam ay la shireen saraakiil ka tirsan uu hogaaminayo R/wasaaraha xukuumadda KMG.

 

Dhamme C/qaadir C/llaahi waxaa uu sheegay inay diyaar u yihiin inay fuliyaan heshiiska iyo is afgaradka lagu gaaray kulankaasi.

 

"Maalmahan buuq ayaa ku jiray cida aan nahay laakiin maanta ayaan cadeyneynaa," ayuu yiri Dhamme C/qaadir C/llaahi.

 

"Waxaan nahay ciidanka qalabka sida oo doonaya in ay dalka difaacaan," ayuu ku sii daray hadalkiisa, isagoo xaqiijiyay inay ku biireen dowladda KMG.

 

Wuxuu waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya inay iyagu ka mid yihiin ururka Xisbul Islaam, wuxuuse hoosta ka xariiqay hada inay yihiin ciidan dowladeed oo doonaya inay soo celiyaan nabadda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

Weyba ku jiri jireenee see ugu biirayaan.
:D

lol Reminds me back when every time I listened to the news I used to hear "Boris Yeltsin has been admitted into hospital".

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this