Sign in to follow this  
General Duke

President Yusuf speaks in summit of 77 nations

Recommended Posts

Qadar: Madaxwaynaha DFKGS oo goor dhow hadal ka jeediyay Shirkii ka soconayay Magaalada Dooxa ee dalka Qadar

- Thursday, June 16, 2005 at 11:25

 

Dooxa(AllPuntland)-Madaxwaynaha DFKGS Mud: C/laahi Yuusuf Axmed ayaa daqiiqado ka hor hadal ka jeediyay Shirka ay isugu yimaadeen dalalka Soo koraya ee loogu magacdaray G77 oo ay weheliso Shiinaha.

 

Madaxwayne Yuusuf wuxuu hadalkiisa kuhormariyay Qeexidda dawladda uu madaxda u yahay ee Soomaaliya wuxuuna sheegay shacabka Soomaaliyeed in 14 sano la'aayeen dawlad isla markaana ay lasoo daristay xaalado adag oo ay kamid yihiin Dagaallo iyo macaluul.

 

Wuxuu tilmaamay in dalka Soomaaliya 14kii sano ee lasoo dhaafay uu ahaa dal baylah ah oo la isla illaaway, wuxuu intaasi ku daray in lagu guulaystay in dawlad loo dhanyahay la helo.

 

Madaxwaynuhu wuxuu xusay in kaalmadii loo baahnaa inay dawladdu hesho aysan si saani ah uhelin , hase ahaatee ay jiraan , dalal ,ururo iyo shaqsiyaad si walba u taageeray dawladda DFKGS wuxuuna usoo jeediyay ammaan badan.

 

Dawladda Kenya ayuu madaxwaynuhu ammaana ugu wayn u jeediyay oo uu sheegay in kudhawaad saddex sano ay is garab taagtay Soomaalida tan iyo ay ka heleen Dawlad.

 

Madaxwayne C/laahi Yuusuf wuxuu wadammadii shirka kasoo qaybgalay ka dalbaday inay taageeraan DFKGS oo haatan u baahan dib udhis iyo hubka dhigis.

 

Mar uu ka hadlayay argogixisada ayuu ku gaabsadayin khatarta Argogixisada ay tahay mid jirta .

 

CC.Farayaamo

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane C/llahi Yuusuf Axmed ayaa Khudbad ka jeediyay Shir Madaxeedkii ka socday Dalka Qadar ee G77, Madaxwaynaha ayaa warbixin dheer ka bixiyay xaalada Dalka Soomaaliya uu soo maray iyo Meesha uu hada marayo.

 

Posted by webmaster on Thursday, June 16, 2005 - 06:17 AM

 

Wararka ka imanaya magaalada Doxa ee xarunta waddanka Qadar ayaa sheegaya in maanta uu kulankaas hadal ka jeediyey madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed, Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo ka mid ah madaxda ka qayb geleysa shirka dalalka soo koraya ee la baxay G77.

 

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed waxaa uu madaxda dalalka soo koraya u sharxay marxaladihii dawlad la’aanta Soomaaliya iyo dhismaha dawladda federaalka Soomaaliyeed ee waddanka Kenya lagu yagleelay sannadkii 2004.

 

Mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed waxaa uu madaxda ku shirsan Doxa u sheegay in ay Soomaaliya ka jiraan dhibaatooyin fara badan sida amni xumo, macaluul iyo dagaallo sokeeye isla markaasna ay Soomaaliya ahayd waddan la halmaamay wakhti dheer, haatanna ay u baahan tahay gacan siin baaxad leh maaddama loo dhisay dawlad federaalka Soomaaliya.

 

Mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed waxaa uu dalalka G77 ka codsaday in ay taageeraan dawladda federaalka Soomaaliyeed oo u baahan dib u dhis, hubka dhigis.

 

Idamaale News

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo hadal ka jeediyey shir madaxeedka waddanka Qadar

 

Doha - 16.June.2005 Wararka ka imanaya magaalada Doxa ee xarunta waddanka Qadar ayaa sheegaya in maanta uu kulankaas hadal ka jeediyey madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed, Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo ka mid ah madaxda ka qayb geleysa shirka dalalka soo koraya ee la baxay G77.

 

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed waxaa uu madaxda dalalka soo koraya u sharxay marxaladihii dawlad la’aanta Soomaaliya iyo dhismaha dawladda federaalka Soomaaliyeed ee waddanka Kenya lagu yagleelay sannadkii 2004.

 

Cabdullaahi Yuusuf Axmed waxaa uu madaxda ku shirsan Doxa u sheegay in ay Soomaaliya ka jiraan dhibaatooyin fara badan sida amni xumo, macaluul iyo dagaallo sokeeye isla markaasna ay Soomaaliya ahayd waddan la halmaamay wakhti dheer, haatanna ay u baahan tahay gacan siin baaxad leh maaddama loo dhisay dawlad federaalka Soomaaliya.

 

Cabdullaahi Yuusuf Axmed waxaa uu dalalka G77 ka codsaday in ay taageeraan dawladda federaalka Soomaaliyeed oo u baahan dib u dhis, hubka dhigis.

 

SBC News Monitoring

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this