Jacaylbaro Posted June 9, 2010 Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha Somaliland Md.Daahir Rayaale Kaahin ayaa caawa Safar Guure ah oo aan hore loo sii shaacin ugu Kicitimay Gobolada Bariga, gaar ahaan Gobolada Burco Iyo Sanaag. Safarka madaxweynaha oo aan la garanayn cida ku wehelinaysay, ayaa waxaan indha-hayga ku arkay oo uu madaxweyhunu la socday baabuurta aanay xabadu karin, wakhtigaas oo aan suuga badhtamihiisa ku suganaa, waxa la sheegay inuu Madaxweynuhu ku horeyn doono Gobolka Burco, ila markaana uu uga sii gudbi doono Gobolka Ceerigaabo, lama garanayo mudada uu ku sugnaan doono goboladaasi. Hasayeeshe sida ay tibaxayaan warar ku dhow dhow safarka Madaxweynaha ayaa sheegayaa inuu la kulmi doono mudada uu ku sugan-yahay halkaasi Odayaasha iyo taageerayaasha Xisbiga UDUB ee Gobolada Burco iyo Sanaag. Safarka Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin uu Caawa abaaro 11:00 habeenimo ugu an-babaxay Gobolada Bariga ayaa daba socda safarka uu gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ku marayo Gobolada Bariga, isaga oo Guddoomiyuhu muddo todobaada ku sugnaa Gobolka Burco oo uu ka helay taageerayaal badan, saakana uga sii gudbay Gobolka Sool oo uu ku sugan yahay wakhtigan. Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud [siilaanyo] ayaa isaga lagu wadaa inuu maalinta beri oo Arbaca ah uu safar ugu anba-baxayo Gobolka Awdal ee uu madaxweyne Rayaale ka soo jeedo. Si kastaba ha ahaate, Si talan-taali ah ayey madaweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin Iyo Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed-Siilaanyo isugu kala waydaarteen mid-ba Gobolkii uu ka kale u dhashay inuu olole taageero raadis uu ku tagay. Waxaad halkaasi ka garan kartaa heerka xasaasiga ah ee uu marayo ololaha doorashada madaxtooyada Somaliland ee la filayo inuu dalka ka dhaco 26 June 2010, iyo hirdanka Axsaabta qaranka Somaliland ee UDUB, KULMIYE iyo UCID ee ay dadka ku kala jiidanayaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted June 9, 2010 Madaxweyne Rayaale oo Diyaarad Khaas ah imika u raacay magaaladda Ceerigaabo iyo taageerayaashiisa oo madaarka tuman Madaxweyne Rayaala ayaa goor dhaweyd oo duhurnimadiiya ka anbabaxay magaaladda Hargeysa isagoo u sii jeeda Gobolka Sanaag magaala madaxdiisa Ceerigaabo Madaxweyne Rayaale waxa uu madaarka Hargeysa ka raacay Diyaarad khaas ah oo u qaadi doonta gobolkaasi isagoo sida lagu wado dadweynaha taageersan xisbigiisa UDUB kala qayb gali doona isu soo bax balaadhan oo ay ku muujinayaan taageerada ay u hayaan Xisbigaasi Wararka aanu ka helayno magaaladda Ceerigaabo ayaa sheegaya tan iyo saaka inay taageerayaasha Xisbiga UDUB tuman yihiin madaarka ceerigaabo si ay u soo dhaweeyaan Guddoomiyahooda isla markaana ah Musharaxooda. Sidoo kale waxa goor dhaweyd uun galay magaaladda Ceerigaabo shaqaalaha iyo Ciidamada Madaxtooyada Somaliland oo iyagu Guure ku baxay xalay, kuwaasi oo u sii gogol xaadhayay waftiga madaxweynaha Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 9, 2010 He got a big welcome in ceerigabo, caleemo qoyan ba lugu so dhaweyey. And Axmed yusuf yaasin was in saaxil, And Ciiro was in gabiley. Quote Share this post Link to post Share on other sites