Sign in to follow this  
Cowke

Mudug Farmers. (Pics)

Recommended Posts

Cowke   

Beeraleyda Gobolka Mudug Oo Ka Cabanaya Cayayaan Dhibaato Ku Haya Dalagii Ay Beerteen Sanadkan (Sawiro).

 

Cawil Maxamuud Cabdi

 

RBC Radio, Gaalkacyo

 

Cawil@raxanreeb.com

 

Gaalkacyo (RBC Radio):- Beeraleyda deegaanka Roox ee gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa cabasho xoogan ka muujiyey cayayaan fara kulul ku haya baabi’inta dalaga iyo geed miroodka sanadkan ay beerteen.

 

Beeraleyda gobolku waxay sheegeen in roobkii gu’ga kadib ay u soo baxeen dalagyo iyo geed mirood ay beerteen, haatana dhibaatada ugu weyn ee heysata ay tahay cayayaanka dhibaateeya dhirta oo ku soo badanaya deegaanka beeraha caanka ku ah ee Roox oo hoostaga magaalada Gaalkacyo.

 

Cayayaanka ay sida gaarka ah uga cabanayaan beeraleydu ayaa ah kan loo yaqaan Dirindiirta, waxaana ay sheegeen in ay had iyo goor u isticmaalaan buufin, oo ay ku buufiyaan sun loogu talo galay in lagu dilo, isla markaana aan dhirta waxyeelo u geysaneyn.

 

Dirindiirta oo ka mid ah cayayaanka aafeeya dhirta, ayaa si weyn ugu soo badanaya dhirta ka baxda beeraha ku yaala deegaanka Roox oo qiyaastii 45 Km dhinaca waqooyi kaga beegan magaalada Gaalkacyo, waxana arintaasi beeraleydu ay ka codsadeen Hay’adaha ku shaqada leh arimaha beeraha in ay ka caawimaan dhibaatada cayayaankaasi ku hayo beeraha.

 

Beeraleyda deegaanka Roox oo badankood ah ganacsatadii gobolka Mudug ayaa deegaankaasi ka beertay dalagyo iyo geed mirood ay ka mid yihiin Cambe, Moos, Liin Dhanaan iyo Bambeelmo, Qarre, Babaay, Sisin, Galey, Masago iyo waxyaabo kale oo badan kuwaasi oo aan halkan lagu soo koobi karin, waxayna beeraleydu sanadkani heleen roob ku filan, iyadoo uu jiray khasaare ay geysteen daadad ku soo rogmadey beerahooda.

 

RBC Radio.

dirindiir-300x225.jpg

 

110.jpg

 

214.jpg

 

313.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this