Sign in to follow this  
General Duke

President Yusuf: Ban on Charcoal trade....

Recommended Posts

Madaxwaynaha Soomaaliya oo mamnuucay dhoofinta dhuxusha

16.Feb. 2007

 

Madaxwaynaha dawladda federaalka Soomaaliya C/laahi Yuusuf ayaa soo saaray qoraal digreeto ah oo uu ku mamnuucayo dhoofinta dhuxusha iyo gubidda dhirta.

 

Digreetada madaxwaynaha ayaa waxaa ku xusnaydd markii uu arkay qatarta ka imaan karta xaalufka deegaanka, markii uu tixgaliyay afkaarta waxgaradka Soomaaliyeed, aqoon yahannada , culimada iyo dhammaan shacabka, markii uu qiimeeyay talada maamullada gobollada, degmooyinka inuu ku dhaqaaqay go'aankan.

 

Waxaa madaxwaynuhu in hawsha ciqaabta dadka go'aankan bar bar mara inay u taallo wasaaradda arimaha gudaha ee dawladda federaalka Soomaaliya.

 

C/laahi Yuusuf wuxuu sidoo kale sdheegay in khatar ba'an ay kusoo fool leedahay deegaanka dalka Soomaaliya, dawladdana ay tallaabadan u aragto mid lagama maarmaan ah.

 

Digreetada madaxwaynaha ayaa kusoo beegmatay xilli si dar dar leh dalka oo dhan ay uga socoto dhoofinta dhuxusaha iyo gubidda dhirta qoyan iyo midda qallalan, taasoo hay'adaha u dooda deegaanku ay ka dayriyeen.

 

Qorshahan ayaa u muuqan kara mid guulaysanaya haddii ay dawladda federaalku dhaqan galiso digreetada heer madaxwayne ee markii ugu horaysay looga hadlo dhowrista deegaanka.

 

CCC Farayaamo

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowlada Federaalka oo mamnuucday Dhoofinta Dhuxusha

 

Last Updated::2007-02-16 17:03:22

 

Baydhabo:- Wareegto uu soo saaray Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya C/laahi Yusuf Ahmed ayaa lagu mamanuucay dhoofinta dhuxusha.

 

Wareegtadan ayaa lagu sheegay in ay mamanuuc ay tahay Jarida dhirta iyo waliba Dhoofinta dhuxusha.

 

Wareegtadan ayaa ah tii ugu horeysay oo ay Dowlada Federaalka kasoo saarto dhuxusha la dhoofiyo oo dhibaato weyn ku haya dhulka Soomaalida, dhinaca cimilada/roobabka iyo waliba daadka.

 

Koonfurta Soomaaliya ayaa ah mid laga dhoofiyo dhuxusha gaar ahaan magaalada Baraawe iyo Kismaayo oo horey looga dhoofin jiray dhuxusha laga jaro dhulka Soomaaliyeed.

 

Maxaakiimtii laga saaray dalka ayaa hada kahor isku dayey in ay joojiyaan dhoofinta dhuxusha inkastoo aysan arrinkaasi ku guuleysan maadaama ay Ganacsato taageera Maxaakiimta ay kamid ahaayeen kuwii dhoofin jiray dhuxusha.

 

Maamulka Puntland ee Gobalada Waqooyi Bari ayaa sidoo kale horey u mamnuucay dhuxusha.

 

Inkastoo aan gobalada Puntland laga dhoofin dhuxusha ayaa hada dhawaan wareegto kasoo baxday maamulkaasi lagu sheegay in ay jiraan dhir la jaro, isla markaana loo baahan yahay in laga hortago.

 

Hussein Farah

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

BAYDHABO: Madaxweyne Yuusuf oo wareegto uu ku mamnuucayo dhoofinta Dhuxusha iyo jarida dhirka ka soo saaray Baydhabo

 

Posted to the Web Feb 16, 12:23

 

 

Baydhabo (PP) - Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ee Baydhabo ayaa lagu sheegay inaan dalka laga dhoofin karin wax dhuxul ah; isla markaana la joojiyo xaalufinta dhirta.

 

Wareegtadaan ayaa waxaa lagu sheegay inay dowladda federaalka Soomaaliya si weyn uga walaacsan tahay xaalufinta lagu hayo dhirta Soomaaliya, waxaana dowladdu ay uga digta kuwa wada jaridda dhirta iyo dhoofinta dhuxusha inay ka digtoonaadaan howlahaas dhoofinta dhuxusha ah.

 

Sidoo kale waxaa lagu sheegay in ciidammada dowladda ay si toos ah iyo si aan toos ahayn uga hortagaan dhoofinta dhuxusha isla markaana ay baaritaanno ku sameeyaan goobaha dhigta laga jaro, ayna tallaabo ka qaadaan kooxaha wada jaridda dhirta iyo dhoofinta dhuxusha.

 

Wareegtadaan lagu mamnuucayo jaridda dhirta iyo dhoofinta Dhuxusha ayaa waxay noqonaysaa middii ugu horreysay oo ka soo baxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana tani ay u muuqtaan inay dowladdu xoogga saarayso inay joojiso waxyaabaha sharci darrada ah oo dhan.

 

Dhanka kale, Wareegtadaan ayaa waxay ku soo beegmaysaa iyadoo ay ka socdaan dekedaha macmalka ee Ceel-cadde iyo Dekedda Baraawe dhoofinta dhuxul aad u fara badan oo ay dhoofinayaan ganacsadto Soomaaliyeed.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: jantiile@puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

They never infoirced it since most of the moiney from Ceelmacan and Barava ports came from charcoal ......

 

Dowladda Federaalka oo sheegtay in gabi ahaanba la xeray Dekada Ceelmacaan, dibna aan loo isticmaali doonin

 

Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 17/02/07

 

Maareeyaha Dekada weyn ee Muqdisho Cabdi Jiinoow Calasow ayaa sheegay in ay dowladda ku meel gaark ah ay soo saartay wareegto lagu joojinayo adeegyadii ay qaban jirtay Dekada macamalka ah ee Ceelmacaan eek u taalo duleedka Bari ee Magaalada Muqdisho.

Jiinoow waxa uu sheegay in ay dhamaatay baahidii Dekadaasi loo qabay mar hadii ay furan tahay dekada caalamiga ah ee Muqdisho, waxa uuna intaasi raaciyey hay’adaha Amniga Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay talaabo ka qaadi doonaan cidii ku xadgudubta Sharcigaasi.

 

 

 

 

Mar uu ka hadlayey Madaafiicda lala soo beegsado Dekada Muqdisho waxa uu sheegay in aysan jirin wax saameyn ah oo ay ku yeelatay howlaha ganacsi ee Dekada, waxa uuna gaashaanka ku dhiftay oo uu beeniyey in ay jiraan Marakiib raran oo cabsi daraadeed ugu soo xeran waayey Dekada Muqdisho.

 

Cabi Jiinoow Calasow waxa uu dhinaca kale iska fogeeyey in ay jiraan alaabo fara badan amah anti ay ku xayiran yihiin gudaha Dekada sababo la xiriira canshuro fara badan oo la dul saaray.

 

Dekada Ceelmacaan oo dhawaanahan laga dhoofinayey dhuxul loo waday Wadadama Carabta qaarkood ayaa xeritaankeedu waxa uu ku soo beegmayaa xili Madaxweynaha uu wareegto ku mamnuucay Dhoofinta Dhxusha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this