Sign in to follow this  
General Duke

NSS on the hunt for top fugitives organisers hiding in capital/

Recommended Posts

Muqdisho: Laamaha Amniga oo bilaabey dadaalada lugu raadinayo Madaxda kooxaha Muqdisho dhibaatada ka wada ...Warbixin khaas ah...

28. september 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Hay'adaha amniga Qaranka ee Soomaaliya ayaa wararka ay ka helayso Shabakada AllPuntland waxa ay sheegayaan in ay baadi goob xoogan waqtigan ugu jiraan sidii loo helilahaa xubno sarsare oo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab oo ay dowlada Soomaaliya ku eedeyneyso nabadgalyo darida ka jirta qeybo ka mid Caasumada Soomaaliya ee Muqdisho ayaganu horey uqirtay.

 

Mid ka mid ah gudiga Amniga Qaranka Soomaaliya ayaa tibaaxay in ay howlgalladaasi bilowdeen maanta ,markii la helay xog sugan oo ku aadan in Sarkaal sare oo ka soo horjeeda nabad ku soo celinta Soomaaliya kaasoo lugu magacaabay in uu yahay Aaden Xaashi Ceyrow oo ay dowladaha Itoobiya iyo Mareykanku ku raadjoogaan inkastoo marar badan laysku dayey in gacanta lugu soo dhigo.

 

Sarkaalkaasi ka tirsan gudiga Amniga Qaranka Soomaaliya oo magaciisa diiday in lasheego ayaa wuxuu hoosta ka xariiqey in howlaha ay sida wada jir ufulinayaan dhamaan laamaha Sirdoonka Soomaaliya ,isagoo sheegay in hadii gacanta lugu soo dhigo Madaxda kooxaha qaraxyada ka wada Muqdisho ay magaaladu najaxeyso.

 

Howlgalladan ay wadaan laamaha amaanka ee Qaranka Soomaaliyeed ayaa ku soo beegmay ayadoo maantadii hore qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho lugu daadiyay waraaqo ay ku sheegayaan kooxaha isku saxiixey in ay Jihaad galayaan.

 

Todobaadkan waxaa la xaqiijiyey in uu magaalada Muqdisho soo galay ninka madaxda u ah hogaanka dagaalada Maxkamadihii awoodooda la wiiqey 2006-dii Aaden Xaashi Ceyrow kaasoo ka soo baxay hawdka fog ee koonfurta dalka Soomaaliya halkaasi oo ay joogaan rag siweyn loo baadi goobayo.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this