Sign in to follow this  
General Duke

Matabaan millitia ask for President /PM to intervene..

Recommended Posts

Maamulka Matabaan oo la isku heysto

14 Feb 14, 2007 - 7:10:10 AM

 

 

Kooxo Maleeshiyo ah oo dhawaan qabsaday degmada Matabaan ee gobalka Hiiraan isla markaana ka yimid gobalka Galgaduud ayaa markii ugu horeeyay la hadlay Saxaafada.

 

 

Taliyaha Maleeshiyadasi Cabdulaahi Cali Nuur ayaa shaaca ka qaaday inaysan gabi ahaanba aqoonsaneen maamulka cusub ee Gudoomiyaha gobalka Hiiraan Xuseen Muxumed Maalin uu u magacaabay degmada Matabaan.

 

 

 

Taliyaha ayaa ku andacoonaya in beeshiisa ay degto Matabaan isla markaana wax mas'uul ah loogu darin maamulka loo magacaabay degmadaasi, sidaasi darteedna aysan aqoonsan doonin maamulkaasi.

 

 

 

Cabdilaahi Cali Nuur ayaa sidoo kals sheegay inuusan Gudoomiyaha gobalka Hiiraan Xuseen Muxumed Maalin magacaabi karin maamulka Matabaan, isla markaana Madaxweynaha iyo ra'iisul-wasaaraha oo kaliya ay magacaabi karaan.

 

 

 

"Dagaal xoogan oo dhiig fara badan uu ku daato ayaan la gali doonaa, hadii maamulka Matabaan ay bilaabaan inay ciidamadeena wax rabsho ah ku sameeyaan," ayuu yiri Cabdilaahi Cali Nuur.

 

 

 

Dhinaca kale, Xuseen Muxumed Maalin ayaa sheegay in Maleeshiyadii la qabsatey degmada Matabaan ay bililaqo ka geysteen degmadaasi.

 

 

 

"Gobalka Galgaduud waxaa maalmihii ugu dambeeyay laga waday qorshe degmada Matabaan loogu darayo gobalka Galgaduud," ayuu yiri Xuseen Muxumed Maalin.

 

 

 

Maleeshiyadaan ayaa doraad xoog ku qabsaday degmada Matabaan iyagoo lacago baad ah ka qaadaya gaadiidka iska kala goosha gobolada dhexe ee Somalia.

 

 

Cabdi Fatax Axmad,GO

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this