General Duke Posted February 14, 2007 Maamulka Matabaan oo la isku heysto 14 Feb 14, 2007 - 7:10:10 AM Kooxo Maleeshiyo ah oo dhawaan qabsaday degmada Matabaan ee gobalka Hiiraan isla markaana ka yimid gobalka Galgaduud ayaa markii ugu horeeyay la hadlay Saxaafada. Taliyaha Maleeshiyadasi Cabdulaahi Cali Nuur ayaa shaaca ka qaaday inaysan gabi ahaanba aqoonsaneen maamulka cusub ee Gudoomiyaha gobalka Hiiraan Xuseen Muxumed Maalin uu u magacaabay degmada Matabaan. Taliyaha ayaa ku andacoonaya in beeshiisa ay degto Matabaan isla markaana wax mas'uul ah loogu darin maamulka loo magacaabay degmadaasi, sidaasi darteedna aysan aqoonsan doonin maamulkaasi. Cabdilaahi Cali Nuur ayaa sidoo kals sheegay inuusan Gudoomiyaha gobalka Hiiraan Xuseen Muxumed Maalin magacaabi karin maamulka Matabaan, isla markaana Madaxweynaha iyo ra'iisul-wasaaraha oo kaliya ay magacaabi karaan. "Dagaal xoogan oo dhiig fara badan uu ku daato ayaan la gali doonaa, hadii maamulka Matabaan ay bilaabaan inay ciidamadeena wax rabsho ah ku sameeyaan," ayuu yiri Cabdilaahi Cali Nuur. Dhinaca kale, Xuseen Muxumed Maalin ayaa sheegay in Maleeshiyadii la qabsatey degmada Matabaan ay bililaqo ka geysteen degmadaasi. "Gobalka Galgaduud waxaa maalmihii ugu dambeeyay laga waday qorshe degmada Matabaan loogu darayo gobalka Galgaduud," ayuu yiri Xuseen Muxumed Maalin. Maleeshiyadaan ayaa doraad xoog ku qabsaday degmada Matabaan iyagoo lacago baad ah ka qaadaya gaadiidka iska kala goosha gobolada dhexe ee Somalia. Cabdi Fatax Axmad,GO Quote Share this post Link to post Share on other sites