Jacaylbaro Posted June 3, 2009 Eey tababaran oo Miino-baadhayaal ah ayaa markii ugu horreysay maanta Muqdisho la tageen ciidamada AMISOM ee howlgalada u jooga Muqdisho. Ciidamada AMISOM oo maanta ka fuliyay Muqdisho ayaa la arkay iyagoo eey adeegsanaya, kuwaasoo baadhaya Gadiidka iyo meelaha waddooyinka ka burbursan yihiin. Ciidamada AMISOM ayaa waxay howlgallada ay u adeegsanayeen Eeyda tababaran ka fuliyeen waddada isku xidhta Garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo Km.4, kuwaasoo loo tababaray urinta waxyaabaha qarxa iyo hubka. Howlgalka maanta ay fuliyeen ciidamada AMISOM oo ahaa mid lagu tijaabinayay waxqabadka Eeydaas ayaa Gaadiidka gelaya gudaha Garoonka diyaradaha Muqdisho ay ku sameeyeen baadhitaan iyagoo sidoo kale waddada Laamiga ee agagaarka Garoonka qeybaha ka burbursan Eeydu ay ursanayeen. Eeyda oo ah kuwo noocooda aan Soomaaliya lagu arkin ayaa u tababaran urinta waxyaabaha qarxa iyo soo faagidda hubka dhulka hoose ku duugan, waxayna Eeydu yihiin kuwo dhulka urinaya, marka wax dareemaan faagaya. Afhayeenka Ciidamada AMISOM Captain Barigiye Bahoku oo la hadlayay Wargeyska New Vision ee ka soo baxa magaalada Kampala ee dalka Yugandha ayaa sheegay inay qandaraas cusub la galeen shirkad qaabilsan sugidda ammaanka, taasoo laga leeyahay dalka K/Afrika, waxayna heshiis kula galeen inay siiyaan Eeyaha loo carbiyay kahortaga walxaha qarxa, kuwaasoo uu sheegay inay u adeegsan doonaan howlgalladooda miino-badhrista iyo ka hortaga falalka isqarxinta ah oo aad ugu badan Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho. Shirkadda ay qandaraaska la galeen ciidamada AMISOM ayaa lagu magacaabaa Bancroft Global Development, waxayna horey sidoo kale howlgallo miino baaris eeyaha loo adeegsanayo ay uga qabatay shirkaddaas dalalka Afganistaan iyo Ciraaq. Bohoku ayaa xusay in shirkadda Bancroft Global Development ee dalka K/Afrika ay sidoo kale kula heshiiyeen inay u tababarto saraakiil xirfad dheeri ah u leh ka hortagga iyo furfurista walxaha qaraxa sameeya, si buu yiri ay u yaraato halista miinooyinka ka dhanka ah ee ay adeegsadaan Islaamiyiinta ku kacsan dowladda Soomaaliya. =Dagaallada Muqdisho Oo La Isku Riix-riixayo Iyo Guulo Ay Kala Sheegteen Dowladda Iyo Kooxaha Ka Horjeeda Muqdisho(HWN):-Dagaa llada ka socda magaalada Muqdisho ayaa maanta sii kululaaday, isla markaana degaanno hor leh ku faafay. Dagaallada oo ka socda degaanno ka tirsan degmada Yaaqshid ayaa waxa uu sidoo kale ku sii faafay degaanno ka tirsan degmada Kaaraan, waxayna dhinacyada dagaallamaya ay isweydaarsanayaan hubka culus iyo midka fudud. Saddexdii malmood ee ugu dambeysay oo dagaalladu ay aad u cuslayeen ayaa waxaa la xaqiijiyay inay galaafteen nolosha dad ka badan oo kor u dhaafaya 200 qof, halka ay ku barakaceen dad kor u dhaafaya 70-kun oo qoys. Afhayeen u hadlay Xoogaga Mucaaradka, gaar ahaan Xisbul Islaam ayaa sheegtay inay dib u qabsadeen Saldhiga degmada Yaaqshiid, wuxuuna caddeeyay inay dagaalka guullo ka gaareen saanadna uga qabsadeen dhanka Ciidamada dowladda. Dowladda KMG ayaa iyana dagaallada haatan ka socda Muqdisho guulo ka sheegatay, waxaana dowladda u hadlay Wasiirkeeda Gaashaandhiga oo sheegay inay ka itaal roonadeen kooxaha mucaradka. Wasiirka ayaa isagoo ku sugan magaalada Bujumbura ee xarunta dalka Burundi waxa uu sheegay in ciidamada dowladda KMG ay guulo waaweyn ka gaareen dagaallada ay kula jiraan kooxaha mucaaradka ee ka soo horjeeda isla markaasina ay kala wareegeen goobo muhim ah kadib marki sida uu yiri ay ciidamadoodu qaadeen howlgalo xariir ah. Ciidamada dowladda ayaa la xaqiijiyey inay dhinaca degmada Dharkenlay guullo ka gaaree, halka kooxaha mucaradka ay iyagana dhinaca degmada Yaqshid guulo ka gareen, laakiin dagaalladaa ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah, iyadoo dagalladu ay noqdeen kuwa kolba meel u guurguuraya oo marka qolo meel qabsataba saacado kadib haddana laga sii qabsanayo, waxaana natiijada dagalka ka dhalatay ay noqdeen kaliya baaba’a iyo barakaca dadka rayidka. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted June 3, 2009 We shall fight them too Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted June 3, 2009 ,, I think some will say they are Murtadiin too ,,, looooooooooool Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted June 3, 2009 loooooool.......xaya waankana mallala dagaalayaa...lol...I know these guys will use those dogs as evidence for their argument. Quote Share this post Link to post Share on other sites