Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: more weapons falls into government hands

Recommended Posts

Hubkii_Muuse_Suudi_0.jpg

 

Ciidamada Dowaldda KMG ah iyo kuwa Ethiopia oo maanta Hub nuuca waa weyn kasoo qabtay deg. Wadajir ee magaalada Muqdisho.

 

Muqdisho, Arbaco June 20, 2007 Simba Radio

 

Ciidamada Dowladda KMG ah ee Somalia iyo Ciidamada Ethiopia oo maanta howl gal ay ka fuliyeen xaafado ka tirsan degmada Wadajir ee magaaladan Muqdisho ayaa waxa ay kusoo qabteen Gawaarida Tiknikada loo yaqaano iyo sidoo kale hubka nuuc yadiisa kala duwan.

 

Intii uu socday Howl galkan ayaa ciidamadu waxa ay xireen dhammaan wadooyinka soo gala xaafadahaasi iyo waliba goobaha ganacsiga.

 

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa Simba u sheegay in howl galkan uu ku dhamaaday si nabad galyo ah, isla markaana aysan dhicin wax dhibaato ah oo loo geystay dadka shacabka.

 

Si kastaba, howl galkan ayaa waxaa uu qeyb ka yahay howl galada maal mahan ciidamadu ay ka fulinayeen degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir, kaasi oo ay ku sugayaan ammaanka gobolka.

 

Simba Media Center, Muqdisho Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Booliiska Soomaalida iyo Ciidammo Ethiopian ah oo baaritaan ay ku sameeyeen Degmada Madiina ku soo qabqabtay hub

 

June 20 2007 Radiofreesomalia.com

 

Ciidammada Dowladda Federaalka iyo kuwa Ethiopia ayaa waxay maanta hub aad u fara badan ka soo qabqabteen xaafadda Madiina ee Gobolka Banaadir, waxaana hubkaan ay ka soo bixiyeen Garaashyo iyo guryo ku yaalla Degmadaas.

 

Ciidammadaan baaritaanka sameeyay ayaa waxay xireen dhammaan waddooyinka deegaannada Buulo-xuubeey, Nasteexo, Korontada, Suuqa-weyn iyo goobo kale, waxaana hubka ay soo qabqabteen ka mid ahaa sida la xajiiyay laba gaari oo kuwa tiknikada ah.

 

Goobjoogayaal ku sugan Degmada Madiina ee Gobolka Banaadir ayaa waxay u sheegeen Shabakadda Wararka ee Puntlandpost inay arkeen hub fara badan oo laga soo bixinayo guryo gaar ah iyo garaasho ku yaalla xaafado ka tirsan Degmada Madiina.

 

Baabuurta la sheegay inay yihiin tiknikada ayaa ahaa kuwo aanay wax hub ah saarnayn, balse ilo wareedyo kale ayaa xaqiijinaya in laga dajiyay hubka markii gacanta lagu dhigay ayna ahaayeen laba baabuur oo ah (Cabdi Bile) looga yaqaanno Muqdisho.

 

Hubkaan ayaa waxaa la sheegay in loo soo qaaday saldhigyo ka mid ah kuwa Booliiska Gobolka Banaadir, iyadoo lagu wado in lagu wareejiyo Ciidammada AMISOM ee Muqdisho ku sugan sidii horay u dhacday.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Balcad oo ku biirtay nadaamka hub ururint

 

(WYNET)Balcad:-Degmada Balcad ee goblkaa Sh/Dhexe ayaa ku soo biirty naamka hub ururinta, waxaana maanta ka bilawday howlgalo ay wadaan ciidanka dawlada Fs oo hubka lagaga gurayo dadka ku dhaqan degmada Balcad.

 

Nin u hadlay degamadaas oo la yiraahdo Max’ed Nuur ayaa war baahinta u sheegay guud ahaabn demadaas uu ka socdo nadaam hubka lag dhamaynayo degmada Balcad oo ay wadaan cidanka dawlada FS oo kaashanaya kuwa Ethiopianka.

Hub ururintan ayaa qayb ka ah nadaam lagu sugayo ammaanka oo ka socda magaalada Muqdisho iyo deegaanada ay ood wadaagta yihiin.

Waxaa iyana isla degmada Balcad lagu soo rogay Bandow kaasi oo daba socda hub ururinta lamana sheegin sababta dhabta ah ee bandowgaan loola jeedo.

 

Xarunta wararka Waayaha.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this