Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Denmark Development Minister Arrive Somaliland

Recommended Posts

Wasiirka horumarinta iyo xidhiidhka caalamiga ah ee dalka Denmark Mr. Søren Pind iyo wafti uu hogaaminayo ayaa saaka barqadii ka soo dagay Madaarka Hargeysa ee Hargeisa International Airport .

 

Waftiga Wasiirka ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Hargeysa waxaana ka hortagay Xayn ka mid ah wasiirada Somaliland oo uu hogaaminayo Wasiirka Khaarajiga Somaliland Md Maxamed C/laahi kuna soo dhaweeyey waftiga Madaarka Hargeysa, guud ahaan waxaa la adkeeyey Amniga Magaalada Hargeysa iyada oo ciidamo fara badan la dhigay jidadka magaalada Waftigan ayaa watay Diyaarad Khaas ah .

Share this post


Link to post
Share on other sites

wafti culus oo ka socda Dalka Denmark kuwaas oo uu hogaaminayo wasiirka Horumarinta iyo xidhiidhka Caalamiga ah Mr Sorn Pind iyo saraakiil kale oo katirsan Dawladda iyo Hay’adaha Dalkaasi

 

Waftiga Denmark oo saaka ka soo degay madaarka Hargeysa ayaa wali ku sugan Caasimadda Somaliland waxaanay kulan la leeyihiin Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyagoo intii ay joogeena indho-indheeyay meelo kala duwan oo ay degan yihiin dadka Qaxootiga ah ee Dalka Gudihiisa ku barakacay.

 

Tan iyo saaka intii ay waftigaasi soo degeena waxa si xoog ah loo adkeeyay Amaanka Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waftigii ka socday Dawlada Denmark oo uu qaabilay M/weyne Siilaanyo iyo waftiga oo lug ku maray Saylada Xoolaha Hargeysa

 

M/weynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta ku qaabilay kulana kula yeeshay Wafti balaadhan oo kasocdo Dawlada Denmark Hogaaminayayna Wasiirka Horumarinta Iyo iskaashiga Denmark Mr. Søren Pind Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa waftigan oo maanta barqadii ka soo degay Madaarka Hargeysa International Airport .

 

Waftiga ayaa waxa ku soo dhaweeyey Madaarka Hargeysa Wasiirada Arimaha Dibada Somaliland Dr Maxamed C/laahi Wasiirka Qorsheynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire Wasiirka Arimaha Gudaha Dr Gaboose Xanaanda Xoolaha Dr Oday Iyo Mayer ka Caasimada Hargeysa Eng Xuseen Maxamed Jiciir.

 

Waftiga ayaa markii uu ka soo dagay markiiba waxa uu booqday Sayladda Xoolaha Nool ee Hargeysa Wasiirka iyo waftigiisa ayaa lug ku soo maray Dhamaan qaybaha Saylada Xooluhu ay ka kooban tahay isaga oo u kuur galayay xaalada guud iyo dhaqaalaha Somaliland ee xoolaha Nool .

 

Waftiga ayaa markii uu ka soo baxay dhamaystayna Kormeerka ay ku soo mareen Sayalada Xoolaha waxay toos u tageen Hotel Maansoor waxaana ku qaabilay M/weynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo isaga oo kulan saacado qaatay La qaatay Wasiirka Iyo Waftigiisa M/weynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo.

 

Shirka ay wada yeesheen Waftiga iyo M/weynaha Somaliland ayaa waxay ka wada hadleen xidhiidhka labada dal iyo waliba iskaashiga labada dal M/weynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Siilanyo oo halkaas ka hadlay waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay imaatinka ay timaadeen Somaliland aniga oo si balaadhan u soo dhawaynaya waftigan balaadhan ee ka socda Dawlad Denmark hogaaminayana Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta Denmark idinku soo dhawaynaynaa sidoo kale waxaanu idiinka mahadcelinaynaa ayuu yidhi M/weynuhu caawimada aad dawlada Denmark ay u fidiso Somaliland iyo shacbigiisa anoo sidoo kale uga mahadcelinayaa Dadweynaha Wadanka Denmark taageerada ay u fidiyaan shacbiga Somaliland .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Siilaanyo Oo Kulan Albaabadu U Xidhan Yihiin Huteel Maansoor Kula Yeeshay Wasiirka Iskaashiga Iyo Mucaawinooyinka Ee Denmark

 

Hargeysa (HWN) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta kulan kula yeeshay wafti sare oo uu hogaaminayay wasiirka iskaashiga iyo mucaawinooyinka ee dalka Denmark oo dalka booqasho ku yimid.

 

Waftigan oo ka koobnaa wasiirka mucaawinooyinka iyo iskaashiga ah ee dalka denmark, safiirka dalkaas u fadhiya magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayuu madaxweyne siilaanyo kulan albaabadu u xidhan yihiin kula yeeshay safiirka iyo waftigiisa.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu dalka ku soo dhaweynayo imaatinkooda waxaanu tilmaamay in dalka Denmark uu yahay mid mar walba mucaawino la barbar taagan dalka Somaliland.

 

Mud. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo madaxweynaha Somaliland ayaa dhinaca kale uga mahadnaqay dawlada Denmark taageerada ay wakhti walba la babar taagan yihiin Somaliland.

 

Waftigan uu hor kacayay Wasiirka Iskaashiga iyo mucaawinooyinka ee dalka Denmark ayaa inta ay dalka joogaan kulamo la yeelan doonaa hogaanka xisbiyada iyo qaar ka mid ah ururada bulshada rayidka ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirkii Mucaawinooyinka Iyo Iskaashiga Caalamiga Ah Denmark Oo Goor Dhaweyd Ka Dhoofay Madaarka Cigaal International Airport

 

 

Hargeysa (HWN) Waftigii uu hor kacayay wasiirka Mucaawinooyinka iyo iskaashiga caalamiga ah ee dalka Denmark Mr. Søren Pind oo isagu saacadihii u dambeeyay booqasho ku joogay dalka ayaa goor dhaweyd ka dhoofay madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport.

 

Waftigan oo intii ay ku sugnaayeen dalka kulamo kala duwan la yeeshay madaxweynaha Somaliland, wasiirada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa magaalada Hargeysa ka anbo baxay, waxaana lagu wadaa in uu ku sii hakado wadamada jaarka la ah Somaliland.

 

Mr. Søren Pind ayaa intii aanu ka anbobixin la hadlayay warfidiyeenada ayaa sheegay in kulankii uu la yeeshay madaxweynaha iyo wasiirada xukuumadu ahaa mid ku dhaamaday guul iyo is afgarad.

 

Waxaanu shacabka reer Somaliland iyo xukuumadaba uga mahadnaqay sidii fiicnayd ee dalka loogu soo dhaweeyay, waxaana sii sagootiyay xubno ka mid ah golaha wasiirada ee xukuumada madaxweyne siilaanyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Akash   

Danish colation goverment want to bring back somali refugees in their country even they have met Faroole in Garowe before. and its nothing to do Weyduushay

 

the danish are doing this because now they have a far right party in their goverment. They want to stop immigration to denmark. That is why the far right suggested that they help the immigrants home coutries, so they dont have to take care of immigrants. Denmark has in the two last years changed its face totally. That is the reason for this. and its nothing to do weyduushay iyo ictiraaf.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this